guraad Posted August 2, 2003 Gaalkacyo, (AllPuntland)- Tababar u soconayay maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee gobolada Sool , Nugaal , Hawd iyo Mudug ayaa maanta ku soo gabo gaboobay dugsiga hoose dhexe ee Umadda ee magaalada Gaalkacyo. Tababarkaan oo soconayay 20 maalmood ayaa maamulayaasha lagu barayay maamulka iyo hanaanka wax barashada. Taba barkaan waxaa si wada jir ah isaga kaashaday hay'adda Diakonia Sweden iyo wasaaradda wax barashada Puntland C/raxmaan Cali Daqare oo ah gudoomiyaha wax barashada gobolka Mudug ayaa maanta si habsami leh u soo gababo gabeeyay tabarka maamulayaasha , wuxuuna maamulayaasha ku booriyay inay tani tahay fursaddii ugu horaysay ee ay maamulayaashu helaan , loona baahan yahay inay ka faa'iidaystaan waxyaabaha ay soo kororsadeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites