Sign in to follow this  
General Duke

TFG names Ambassadors for Kenya, Djibouti Oman

Recommended Posts

Safiirada Kenya, Oman, Jabuuti iyo Kenya oo maanta ay ansixiyeen xukuumada Federaalka kmg ee Somalia

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Nairobi 09/02/07

 

Kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Federaalka kmg ee Somalia oo uu shir gudoominayey Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ka dhacday xarunta dowlada kmg ee magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu go'aamiyey Safiiro.

 

Maxamed Cali Ameeriko ayaa loo magacaabay safiirka dalka Somalia u fadhiya dalka Kenya wuxuuna hore u ahaa sii haye, General Ismaaciil Qaasim Naaji oo horey u hayey abaanduulaha Xooga dalka Somalia ayaa loo magacaabay Safiirka Somalia u fadhiya dalka Cumaan halka safiirkii joogay dalkaasi isagana loo magacaabay dalka Yemen, Xasan Faahiye ayaa isagana loo magacaabay safiirka Somalia u fadhiya Djabuuti.

 

Magacaabistaan ayaa kusoo beegmaysa xili ra'iisul wasaaraha uu baryahan ku mashquulsan yahay sidii xukuumadiisa isugu shaandheyn lahaa iyadoo qaar badan oo wasiiradiisa ka mid ahaa ay waayeen xilalkoodii halka safiiro badan ay weyn doonaan kuwo cusubna la magacaabi doono.

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in isku shaandheynta golaha wasiirada ay wali dhiman yihiin oo la rajaynayo in qaar kale xil loo magacaabo iyadoo mudadii la soo dhaafay ay jireen wasiiro aanan gudan xilalkooda waloow aysan jirin miisaniyad rasmi ah ay ku shaqeeyaan balse ay dhici karto in ra'iisul Wasaare Geedi uu soo bandhigo mar kale xukuumad cusub oo isku shaandheyn ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ms DD   

When are you going Jeneraale to somalia in order to be appointed for your well-deserved, hard-earned position in the TFG? After all...with all your propoganda, you gotta earn something for your efforts :D

 

I might go there too.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka oo magacaabay Safiiro cusub iyo Taliyaha xooga dalka oo xilkii laga qaaday loona magacaabay Ina Libaax Sanka Taabte.

Sabti, February 10, 2007

 

Baydhabo(AllPuntland)- Ra'iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa magacaabay xubno cusub oo safiiro iyo Agaasimayaal isugu jira.

 

Kulankii shalay ee golaha wasiirada ee ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa lagu magacaabay ilaa toban xubnood safiiro ah waxaana ka mid ah mas’uuliyiinta la magacaabay jen. Ismaaciil Qaasim Naaji oo ahaa taliyaha ciidamada xoogga dalka waxaana loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Cumaan, Maxamed Cali Ameeriko ayaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Xasan Maxamed Siyaad Barre Safiirka Soomaaliya ee Yeman, Muuse Xersi Faahiye waxaa isna loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti

 

Sidoo kale Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo xilkii laga qaaday ayaa waxaa loo magacaabay Jen. Cabdullaahi Cali Cumar (Ina Libaax Sanka Taabte).

 

Magacaabistan ayaa waxaa loo gudbiyay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya si uu u aqbalo.

 

Magacaabistan ayaa waxay qeyb ka tahay dadaalka uu Ra'iisul Wasaaraha ku doonayo in xukuumadda Soomaaliya lagu dar dar gelinayo iyadoo dhawaan isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiiradda dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this