Sign in to follow this  
BiLaaL

Ciidamada Tikreega ee kusugan Dhulka Soomaaliya oo islaan 60-jir ah kufsaday

Recommended Posts

BiLaaL   

TFG supporters is this what you envisage for Somalia? Allow me to repeat a question i've asked previously in another thread: How will you TFG supporters feel, if a family member or relative of yours is either raped or killed by a Tigree soldier? Or has your twisted logic led you to believe that illiterate Tigree soldiers will somehow distinguish between TFG or ICU supporters. Remember, the first reported instances of rape by Tigree soldiers, took place right under the nose of Uncle Yey in Baydhabo.

 

 

Baydhabo, 05-December-06 ( Qaadisiya.com) Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay xaqiijinayaan in Ciidamada Tikreega ee kusugan qeybo kamid ah Gobolka Baay ay Gelinkii dambe ee Maanta kufsi kula kaceen Haweeneey da'a oo gaareya Sanadkeeda 60-sano.

 

Haweeneydaasi ayaa lagu soo waramayaa in saf ay ka mareen Ciidamada Tikreega ah (Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun), waxaana sidoo kale Ciidamada Tikreegu ay cuna qabateyn kusoo rogeen dadka kudhaqan Tuulooyinkaasi.

 

Dadweynaha kudhaqan Tuulada Qansax Oomane oo u dhaxeysa Bardaale iyo Yurkud oo katirsan Gobolka Baay ayaa sidoo kale waxaa lagu amray in aysan ka iibsani Karin Magaalada wax kabadan rubac Sonkor ah, taasi oo ay ku micneeyeen in ay u geynayaan Muslimiinta hawdka ku dhuumaaleysanaya waa sida ay dadka deegaanadaasi u sheegeen.

 

Dhinaca kale Ciidamada Tikreega waxa ay ka Afduubteen Bardaale Wadaad lagu magacaabo Sheekh C/llaahi oo ay ku sheegeen in uu katirsan Yahay Muslimiinta Soomaalida isla markaana aanan la ogeyn halka ay la aadeen.

 

Dhibaatooyinkani ka dhacay Gobolka baay gaar ahaan Goobaha ay kusugan yihiin Ciidamada Tikreega ah ayaa waxaa u ogolaaday in ay sidani waxyeelaan Dowladda Kumeel gaarka ah oo iyadu sheegata in ay Shacabka Soomaaliyeed wakiil ka tahay isla markaana ay horkacayaan Col.C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi.

 

Shacbiga kudhaqan Gobolada Dalka oo idil ayaa markii uu soo gaaray warkaasi durba ka muujiyay arrintaasi carro aad u daran, waxayna ballan qaadeen in Dhowaan Inshaa Allaah laga xureyn doono Guud ahaan Ciidamada Tikreega ee Xoogga kujooga Dhulka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Baay.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo Dhibaatooyinkani oo kale ay ka geystaan Ciidamada Tikreega ah Gobolka Baay, waxay horey u soo dhigeen Meydka Haweeney wadada aadan Manaas illaa Degmada Baydhabo, waxaana sidoo kale jira Dhbaatooyin kale oo aad u fara badan oo ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

 

Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa horey u balan qaaday in ay ka xureyn doonaan Gobolka Baay meelaha ay kaga sugan yihiin Ciidamada Tikreega lakin waxa ay intaasi raaciyeen in Gudaha Baydhabo laga doonayo Shacabka kudhaqan in ay kacdoon ka abaabulaan oo ay iska dhiciyaan Tikreegu iyaguna markaasi ay garab siin doonaan Inshaa Allaah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaadsiiye maxaa been aan raad lahayn ku kalifay, oo dadka qaaf iyo qaad wax aan ahayn u siiyaan? Qaabdaranaa, magac diin waa ku qaraabtaan, been maalin walbana waa soo taxaan. Hadee rabaan sida shabakooyinka kale been u sheegaan, magaca diin ha dhaafaan ee ku qaraabanayaan.

 

Hadee wax xoreynayaan Afgooye's Cirfe iyo Daafeed's Shaarub ka horeeyo, oo waliba jaad ugu soo dego maalin walba, haka xureyaan dadka deeggaanka u dhashay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar, Qaadisiya wararka badanaa la daabicin, ayeey mar walba isku daydaa in eey wax kasheegto. Tigreeyda in eey kufsadaan waa mid lawada ogyahay oo mar hore la xaqiijiyay. Warkani ilaahay yuu run kadhigin, laakiin hadii wax dhacay eey tahay, waa muhiim in la ogaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

No one is gonna stop them. They are fighting for good cause --- virtue.... I am amazed with the millions of people who gonna buy this, not them because it worked for them in the past and It will work for them in future.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by BiLaaL_07:

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar, Qaadisiya wararka badanaa la daabicin, ayeey mar walba isku daydaa in eey wax kasheegto. Tigreeyda in eey kufsadaan waa mid lawada ogyahay oo mar hore la xaqiijiyay. Warkani ilaahay yuu run kadhigin, laakiin hadii wax dhacay eey tahay, waa muhiim in la ogaado.

Daabacaadda ma lagu degdego. Warhaabinta kalsooni ayee ku shaqeysaa, hadaa kalsooni heynin, oo badanaa daabacadid wax ku qancinaayo, run iyo been waxee ahaataba, then you lose the trust your readers hold and have for you. Simple. Qaadsiiye.com warar badan oo been abuur eh ayee horey u daabacday, walina raali gelin kama bixin.

 

Warkaan is just another ii dheh qoraal, oo lagu rabaa in lagu kiciyo dadka qaarkood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

bilaal, that was not a question. But as long as we are asking, let me ask you something: if family member or relative of yours is either raped or killed, which would matter to you, that it was done at all or that it was done at all? evenmore, would it matter that it was done by the tigre habashas of northern ethiopia or the tigrinya habashas of eritra? caqli xumada iska ilaleya!

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

bilaal, that was not a question. would it matter that it was done by the tigre habashas of northern ethiopia or the tigrinya habashas of eritra? caqli xumada iska ilaleya!

Naxar, the question is a valid one. The question is meant to highlight the disastrous consequences that many who support an outside force have simply tossed aside. In answer to the first part of your question, ofcourse i would rather that instances of rape or killing not occur at all. The second part is rather unfaithful. Thus far, there haven't been any reported cases of Tigre habasha from Eritrea either raping or killing anyone. If you have any reports to the contrary, do enlighten me. The reason for this, i think, is quite simple. An Ethiopian Tigre would be more likely to commit crimes against defenseless Somalis because of their acute awareness that their inviter(Uncle Yey) has no respect nor concern for the welfare of his own people. An Eritrean Tigre, on the other hand, understands well that the ICU have both respect and concern for the welfare of their subjects and would therefore not even dream of transgressing against any Somali.

 

Labadeena yaa caqli xun? Ma nin cadow shisheeye dadkiisa iyo dalkiisa in eey burburiyaan ku taageeraya, mise nin kadigiya foolxumada umaankarto hadii laga wareegan waayo jidka lagu socdo?

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

The weak and those whose faith is questionable will become prey for Dajjal and his fabrications. Next week, we, the islamic courts will have a total supramcy and control over Puntland and Baydhabo. The Mujaahidiin are on pre-emptive attack as we speak..Inshallah victory will come ...and the hypocrites, the traitors and the tigre invadors will be thrown out of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Beenta iyo dacaayada aan xad iyo dariiq lahayni ISLAAMKA waa ka XARAAN. Nimankani kola waa wadaado marna iyagaa dadka kale ka rabash badan. I bet you they chew Khat too behind close doors. I don't trust them at all nor do i believe what they say.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this