Zaahidah Posted October 29, 2005 Alxamdulillaah wa salaatu wa-salaamu calaa Sayid-Al-mursaliin,amaa bacd. Waxaa lagama-maarmaan ah inaynu ogaano Cilmiga waxa uu yahay iyo Ahmiyadiisa. Cilm maxaa la yidhaahdaa? Cilm marka laga hadlayo waxaa loola jeedaa Al Cilmu-sharci"Cilmiga Diinta" , waana Cilmiga ugu horeeya ee qofka Muslimka ahi ku waajibka ah inuu barto si tafsiil ah. Al Cilm waxaa la yidhaahdaa"Macrifatul Hudaa bi-daliilihi" hanuunkii oo la aqoonsado,daliil na uu ku aqoonsado qofkii,si hadii Usuusha wax laga waydiiyo oo maxaa saa u tidhi la yidhaahdo uu oranayo Allaah ayaa sidaa yidhi , Rasuulkaa"salalaahu calayhi wa salam" sidaa yidhi,waxaa kaloo Cilm la yidhahdaa"idraaku shay calaa maa huwa calayhi idraakan jaaziman", shaygii oo sida uu yahay loo aqoonsado,isagoon shaki ku jirin. Cilmigu faa'iidooyin badan ayuu leeyahay aynaan halkan kusoo koobi karayn, hadaan in ka mida ka sheegno waxaa ugu wayn inuu Cilmigu yahay Cibaado, Allaah (Caza wa jal) waxa uu inoo sheegay in dadka Cilmiga lihi ay maalinka qiyaame dadka kale darajooyin dheeryihiin,wuxu kaloo Allaah inoo sheegay in dadka Cilmiga lihi ay Allaah ka cabsadaan,Salafkii waxay odhan jireen" Al cilm Salaatu-sirri, wa cibaadatul Qalb"oo uu micnaheedu yahay Cilmiga waa salaadii qarsoonayd waana Cibaadadii qalbiga oo loola jeedo qofka Cilmiga ku jira ee dalbaya"baranaya" Cibaado ayuu ku jiraa. Imaamu-Shaafici iyo Imaam Axmad waxay yidhaahdeen Salaada sunada ah waxaa ka fadli badan Dalabul Cilmiga"inuu qofka Cilm barto",inuu qofka salaad sune ah habeenkii tukado waxa uga fadli badan inuu kusoo jeedo inuu Cilm barto, markaa waxaa muhiim ah inaynu ogaano Cilmiga ugu horeeya ee nalaga doonayo inaynu barano waa Caqiidada iyo Towxiidka,Ibn Cuthaymiin"raximahullaah" wuxuu yidhi"Man xurimal Usuula xurimal wusuul"markaa waa inaynu Usuusha baranaa oo Fanni walbaa aynu ka bilownaa Aasaaskiisa iyo meesha laga bilaabo. Waxaan Shaki ku jirin inuu Cilmigu yahay furihii kheyrka oo idil,Xasan Al Basri wuxuu yidhi"Al caamilu calaa ghayri cilmin ka saaliki calaa ghayri dariiq, wal caamilu calaa ghayri Cilmin maa yufsidu ak-tharu mimaa yuslixu" oo uu micnaheedu yahay qofka Camal falaya Cilm la'aan wuxuu la mid yahay qof ku socda Waddo la'aan. Al Imaam Axmad na wuxuu yidhi"Al Cilm laa yacdiluhu shay'un liman saxat niyatahu" Cilmiga wax u dhigma oo la mida ma jiraan qofkii ay niyadiisu wanaagsanaato oo niyad wanaagsan ku barta. Waxa kaliya ee Nabigeena"Salalaahu calayhi wa salam" lagu yidhi Allaah waydiiso inuu kuu ziyaadiyo waa Cilm, aayadii micnaheedu ahaa " waxaad tidhaahdaa Rabiyow Cilm ii ziyaadi", inagana waa inaynu Allaah ka barinaa inuu Cilm inoo ziyaadiyo inshaaAllaah. Waxan ka soo naqliyay arimahan aan kor ku xusay Kitaabka Sheekh Ibn Baaz"raximahulaah"Ahmiyat Al Cilm",Sheekhana Cusmaan Macalin iyo Kitaabka Xilyat Daalibul Cilm ee uu Sheekh Bakar Abu Zeyd qoray. Wasalaaam Quote Share this post Link to post Share on other sites