General Duke Posted January 20, 2007 Maamulka Kismaayo oo maanta xilalka ku wareejiyay qaar kamid ah Ms'uuliyiin ay DF usoo magacowday. Kismaayo, Sabti 20 Jan 07 Simba Radio Maamulka ku meel gaarka ee DF Magaalada Kismaayo ayaa manta ku wareejiyay xilalkii ay hayeen qaar kamid ah Mas'uuliyiinta ay DF u soo magacowday. Xaflad ka dhacday Dekada Kismaayo ayaa xilka lagu wareejiyay Madaxa Custom-ka Aadan Xaamud Aadan, oo wasaarada Maaliyada DF dhawaan soo magacowday iyo Taliyaha Qeybta Ilaalinta Canshuuraha Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Sugule iyo Gaashaanle Daahir Xaashi Geele. Xildhibaan Cabdirashiid Max'ed Xidig oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in lawada shaqeeyo si cadaalad ay ku jirto, isagoo ugu baaqay dadka xilalka loo magacaabay inay si wanaagsan u gutaan howsha loo dhiibay. Madaxa Custom-ka Aadan Xaamud Aadan oo xafladaasi isna ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xilkaasi qabto, isagoo sheegay in si cadaalad ay ku jirto ugu soo bixi doono xilka manta loo dhiibay. Si kastaba ha ahaatee, DF ayaa dhawaanahaan waday howlo ay ku magacaabeyso Maamulka Magaalada Kismaayo. Simba Media Center, Muqdisho Somalia. Email: simba@simbanews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites