Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Abaal Marin

Recommended Posts

Ceerigaabo(Qaran)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, iyo weftigiisii ayaa maanta 45 malyan oo abaal marino lacageed ah gudoon siiyay, Ciidamadii, cuqaashii waxgaradkii iyo tuulooyinkii ka qeyb galay hawl galkii lagu soo qabtay kooxdii budhcada ahayd ee bishii Febarwari ee la soo dhaafay magaalada Ceerigaabo ku afduubtay sarkaalkii jarmalka ahaa ee madaxda ka ah Haa'yada Germanay Agro Action [GAA], oo fadhigeedu yahay gobolka Sanaag.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa abaal marintaasi lacageed ku tilmaamay mid lagu dhiir gelinayo ciidamadii, cuqaashii, waxagradkii iyo bulshadii ka qeyb qaatay hawl galkii lagu soo furtay sarkaalkii kooxdii dablayda ahayd afduubtay.

 

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu hadal uu xafladii loo sameeyay gudoonsiinta deqdaasi ka jeediyay ku sheegay in xukuumada Somaliland ay amar ku bixisay in lala tacalo lacagaha faalsada ah ee gobolka Sanaag ka soo gala dhinaca Puntland, waxana uu yidhi "Waxaan amar cad ku bixiyay in lacagta faalsada ah ee gobolka sanaag lagu dhiig miirtay la gubo, isla markaana talaabo adag laga qaado cidii lagu helo dambi nocaasi ah".

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu amaan balaadhan u jeediyay dadweynaha iyo ciidamada gobolka Sanaag ee ku guulaystay soo qabashada kooxihii budhcada ahaa ee afduubay bishii Feberwari badhtankeedii Madaxii Haa'yada GAA Mr. Daniel Bronkel, waxana uu yidhi "Somaliland ma aha dal wax la yeeli karo oo waxa heegan u wada ah oo iska qabanaya wixii nabad gelyada wax u dhimaya shacbiga".

 

Lacagta abaal marinta ah oo ahayd 45 Malyan waxa 17 qof la gudoon siiyayay 500 oo kun oo shilin Somaliland ah, 15 qofna waxa la siiyay 300 oo kun oo shilin, 40 qofna waxa la gudoon siiyay min 100 kun,18 qofna waxa la siiyay min 150 kun, 2 qofna waxa la siiyay min hal maylan.

 

Sidoo kale, tuulada Waqdariya, oo ahayd halkii lagu soo qabtay ayaa la gudoon siiyay 8 milyan, halka tuulada laaso-suradna la gudoon siiyay 4 malyan oo shilin.

 

Ciidamadii iyo dadkii kale ee abaal marinta lacagaha ah la gudoon siiyay, ayaa xukuumada iyo weftiga madaxweyne ku xigeenka Somaliland, uga mahad celiyay deeqdaasi, waxana ay sheegeen inay sii wadayaan ka hortaga wixii nabadgelyada iyo xasiloonida dalka wax u dhimaya.

 

Weftiga madaxweyne ku xigeenka Somaliland, oo muddo laba todobaad ku dhow ku sugnaa gobolka Sanaag, ayaa galabta ka soo ambo baxay magaalada Ceerigaabo, isagoo u soo jeeda lana filayo inuu caawa soo gaadho magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lacagta abaal marinta ah oo ahayd 45 Malyan waxa 17 qof la gudoon siiyayay 500 oo kun oo shilin Somaliland ah, 15 qofna waxa la siiyay 300 oo kun oo shilin, 40 qofna waxa la gudoon siiyay min 100 kun,18 qofna waxa la siiyay min 150 kun, 2 qofna waxa la siiyay min hal maylan.

 

Sidoo kale, tuulada Waqdariya, oo ahayd halkii lagu soo qabtay ayaa la gudoon siiyay 8 milyan, halka tuulada laaso-suradna la gudoon siiyay 4 malyan oo shilin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this