Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Even the Disabled People

Recommended Posts

i890620_curyaan.jpg

 

Mogadishu 10, July 07 ( Sh.M.Network)- Ciidamadan ayaa dad badan u qabqabtay qaraxyo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, iyadoo dadkaaasi uu ku jirey Nin cuuryhaan ah oo jirdil ay ku sameeyeen ciidamada dowladda, inkastoo ninkani la sii daayay markii dambe.

 

Ninkani oo ka mid ah dadka degan suuqa Bkaaraha, laguna magacaabo C/laahi Diiriye ayaa wajigiisa waxaa ka muuqday daqarro iyo barar sida uu sheegay ay u geysteen ciidamada dowladda oo baad ku garaacay.

 

Sidoo kale Madixiisa ayaa waxaa ka muuqday daqar ama jeex 3 qodob laga tolay oo dhiig ka da'ayay.

Ninkaan oo ah cuuryaan ayaa waxa uu ku lugo beelay sida uu sheegay qarax miino oo ku qabsaday gobolka Bakool sanadkii 1993 dii, xilligaasi oo dalka uu galay fowdo iyo qalalaaso.

Waxa uu ku cawday " Waxaan filayay in la igu dhiiri-galiyo waxbarashadeyda hasa ahaatee nasiib darro ma fileyn jirdilka maanta la ii geystay" ayuu yiri C/laahi Diiriye.

 

Ninkani jirdilka ay ku sameeyeen ciidamada dowladda ayaa waxa uu yimid ka dib markii qarax xoogan saakay uu ka dhacay meel ku dhow wadada Masjidka Abuhurera.

 

i890621_curyaan2.jpg

 

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa waxa ay qabqabteen dad kale oo ay u geysteen jiridl, iyadoo la arkayay ciidamada qaar oo baad ku garaacayay dadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Kuwaan miyaad awal khayr ka sugeysey, carruuta iyo dumarka xitaa way laayaan, danyartana umaba naxaan oo waa iyaga kuwa sida aadka ah loo ciqaabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this