Sign in to follow this  
General Duke

Good news, agreement reached Clap for the PM Musa Sudi Yalaxow

Recommended Posts

Ra'iisul Geedi iyo xubnaha labada Gole ee horay u joogay Muqdishu oo Heshiis wada gaaray

 

Isniin, May 02, 2005(HOL)@15:00GMT: - Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi iyo Xubnaha Labada Gole ee horay u joogay Magaaladda Muqdisho ayaa Heshiis ku gaaray inay Iska Iloobaan Khilaafkii Isfaham la'aan ee ka dhaxeeyay ayna u Istaagaan Badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed.

 

Heshiiskaasi oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee Xisbigii Hantiwadaaga ee hore, waxa ay ka dambeysay,mar uu soo jeediyay Ra'iisul Wasaare Geedi Xiraayay Seminaar loo xirayay Saraakiisha Maleeshiyaadka oo u socday Maalmihii tagay,kadib markuu weydistay Is-cafin iyo in leeska Iloobo wixii horay u dhacay.

 

Mudane cali Maxamed Geedi oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyay inuu la qaatay Qorshihii ay soo jeediyeen xubnaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka ee ku wajahnaa hub ka dhigista iyo Xareynta Maleeshiyaadka Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in loo bahan yahay in ficil laga dhigo Howshan oo la xareeyo Ciidamada maleeshiyaadka,Hubkana leeska dhigo.

 

Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG Mudane Cali maxamed Geedi wuxuu intaa raaciyay in sida uu sheegay Wasiirka ganacsiga Mudane Muuse Suudi Yalaxow ay Dowladda Soo guuri doonto dalkeedana ku soo laaban doonto,wuxuuna sheegay in uu ku faraxsanyahay Howshan wax ku oolka ee ay Xubnaha labada gole qabteen, maanta ay Ummadda soomaaliyeed ka sugeyso inay mid ahaadaan oo ay si wadajir ah wax ugu qabtaan Ummadda soomaaliyeed oo maanta u baahan dowlad wax u qabata oo ka saarta dhibaatada ay k soo jireen 14-sano ee la soo dhafaay.

 

Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka KMG Mudane Xaaji Muuse suudi yalaxow oo isna munaasabaadasi ka hadlaayay ayaa caddeeyay in Howshan ay sii wadi doonan ilaa ay ka gaaran Horumar la taaban karo,iyadoo uu tilmaamay ay isku tashadeen haddii ay helaan kaalmo ay sii wadi doonaan howshaasi isagoo intaa raaciyay in ay sii dhameystiri doonaan ka soo qeybgalinta dadka haray.

 

Wasiiir ku xigeenka Iskaashi Gobaleedka Kenya Joseph Nyaga oo isna ka hadalay ayaa aad usii dhaweeyay kulankooda,isagoo sheegay in uu darsaayay maalmahan in Shacbiga Soomaaliyeed ay doonayaan Dowlad, isagoo tilmaamay in uu taasi ka arkay Ardaydii,Waxgaradkii ,aqoonyahankii uu la kulmay shalay iyo maanta.

 

Mr.Joseph Nyaga, wuxuu uu weydistay Xubnaha Labada Gole,Xubnaha saraakisha sare iyo maleshiyaadka inay is cafiyaan ay u midooban sidii ay wax u qaban lahayeen,isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in Beesha calamka u caddeeyaan inay mid yihiin,wuxuu kaloo ka dalbaday inay iska dayaan Qab weynida iyo is riixriixa.

 

Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Femi Badajo wuxuuna sheegay in arrintan ay tilmaameyso in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeyo labada Gole, Madaxwynaha, raisul wasaaraha, wuxuuna amaanay howsha ay qabteen, isagoo caddeeyay in ay sii wadi doonaan Taageerada ay Qaramada Midoobay siiyaan Dalka soomaaliya isagoo intaa raaciyay in uu rajeynaayo in Xoghayaha guud inta aanu xafiiska ka tagin uu

rajeynayo in uu soo booqdo Caasimada dalkan Soomaaliya.

 

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya mudane cali Maxamed geedi wuxuu kaloo maanta soo booqaday Dugsiga dhexe iyo Sare ee Alfajri, Jaamacadda Muqdisho, Machadka Simad oo uu kula Kulmay Ardayda,Macalimiinta waxayna dhamaantood Raiisul Geedi u balanqadeen inay Taageero Hiil iyo

Hooba ay sii doonaan.

 

Mudane Geedi wuxuu kaloo soo kormeeray Cusbitaalka Banaadir ee Hooyada iyo Dhalaanka, wuxuuna ku soo wareegay qeybaha uu Cisbitaalka ka kooban yahay, wuxuuna halkasi dhaliil uga soo jeediyay Hay'adaha Samafalka oo aan taagero wax ku ool ah siinin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

XUBNAHA LABADA GOLE EE MUQDISHO OO KU KALA QEYBSAMAY LA KULANKA KARA'IISAL

WASAARE GEEDI

Somaliweyn- Muqdisho- Somalia 03/5/05

 

Waxaa kala qeybsanaan soo kala dhex gashay xubnaha labada Gole ee hore Muqdisho

u yimid inay nabadeeyaan, iyadoo maanta ay kulamo yeesheen Ra'iisal Wasaare

Geedi iyo inta badan xubnaha labada Gole, waxayna ka wadahadleen arrimo dhowr

ah oo ay ugu weyn tahay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya

hoggaamiyeyaasha Muqdisho iyo xubnaha sare ee Dowladda, iyo sidoo kale arrinta

Muqdisho iyo sidii ay Dowladda ugu soo guuri lahayd.

 

Kulankii ay la yeesheen Ra'iisal Wasaaraha xubnahan waxaa ka maqnaa Wasiirka

Amniga Dowladda Maxamed Qanyare Afrax, oo isagu warbaahinta ka sheegay inuu

Ra'iisal Wasaaraha la kulmayo oo kaliya marka uu Ra'iisal Wasaaruhu ogolaado

fulinta afar qodob oo u qoran hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho, iyadoo

qodobadan ay ka mid yihiin: In Dowladdu u soo guurto caasimada Soomaaliya,

inaan la keenin Ciidamo ka socda dalalka safka hore, hase yeeshee dadka

Muqdisho ayaa arrinta uu ka dhawaajiyay Maxamed Qanyare u fasirtay in

hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday uu weli damac uga jiro inay xoog ku sii

heystaan dadka Muqdisho.

 

Kulankii ay maanta yeesheen xubnaha labada Gole iyo Ra'iisal Wasaaraha ayaa

ahaa mid aad xasaasi u ah, bacdamaa hoggaamiye kooxeedyada Wasiirada noqday iyo

Ra'iisal Wasaaraha uu khilaaf ba'an u dhaxeeyay, iyadoo maanta xubnaha labada

Gole ay qirteen inay si amar la'aan ah u yimaadeen Muqdisho, halka dhinaca kale

Ra'iisal Wasaare Geedi dhinaciisa ka sheegay inuu ka tanaasulay qorshihii uu

xubnahan dib ugu celin lahaa, isagoo maanta booqday dhowr goobood oo uu ka mid

yihiin qaar ka mid ah Iskuulada, isla markaana maalmaha uga haray safarkiisa

ayay sheegayaan warar soo baxay inuu Ra'iisal Wasaaruhu booqan doono inta badan

xarumaha ay bulshadu leedahay, sida Isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo meelo

kale.

 

Khilaafka soo kala dhex galay xubnaha labada Gole ayaa caddeyn u ah kaddib

markii Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka Muuse Suudi Yalaxow oo hareer

fadhiyay Ra'iisal Wasaare Geedi dadkii halkaasi isugu yimid ka dalbaday intaanu

Ra'iisal Wasaaraha khudbad jeedin ay sacab u tumaan, markii ay bilaabeenna ku

yiri "Weli Sacab fiican ma jiro, maxaa dhacay Ra'iisal Wasaaraheena u sacbiya",

iyadoo Xaaji Muuse ka mid ahaa xubnahaha labada Gole ee maalmihii la soo dhaafay

Muqdisho ka waday howlaha nabadeynta ah, iyadoo dhinaca kalena ay soo baxayaan

kulamo aan la shaacin oo dhex maray Ra'iisal Wasaare Geedi iyo Cusmaan Caato

fiidnimadii xalay, kuwaasoo soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay.

 

 

Somaliweyn Media Center

Mogadishu Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof.Geedi oo maanta soo xiray Siminaarkii u socday Maleeshiyooyinka Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyey

 

Muqdisho :- Waxaa maanta xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay qorshaha lagu rabo in magaalada lagu nabadeenayo ayadoo ciidamo badan loo qorsheeyey in ay Muqdisho nabadeeyaan.

 

Munaasabada ka dhacday maanta xarunta xisbiga ayaa ahayd mid lagu soo bandhigayo qorshaha kama danbeysta ah oo lagu fulinayo nabadeynta magaalada Muqdisho.

 

Xafladan ayaa waxaa kasoo qeyb galay wafdigii Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi oo halkaasi warbixin uga dhageystay sarakiil uu hormuud u ahaa Gen.Galaal oo ayagu soo dejiyey qorshaha ay maleeshiyooyinka ku hawl galayaan.

 

Ra'iisul wasaaraha ayaa bilowgii xaflada halkaasi kusoo xiray siminaar u socday hogaamiyaasha maleeshiyooyinka oo todobaadkii lasoo dhaafay loo furay siminaar gaaban oo la xariira qaabka ciidamada.

 

Kadib intaasi waxaa halkaasi ka bilowday warbixinada ay soo gudbiyeen saraakiisha soo diyaariyey qorshaha lagu nabadeenayo Muqdisho.

 

Saraakiisha qorshahan soo diyaariyey ayaa u sheegay Xubanaha labada gole ee goobtaa ku sugnaa iyo Ra'iisul wasaaraha in ciidamo gaaraya 3953 laga soo dhex saari doono maleeshiyooyinka la aruurinayo.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay noqon doonaan kuwo si khaas ah uga hawl gala magaalada iyo degmooyinka ka tirsan Muqdisho.

 

Ciidamadan ayaa la sheegay in lagu qalabeyn doono gawaarida tiknikada loo yaqaan isla markaana ka hawlgeli doono 4 goobood oo loo kala qeybiyey magaalada.

 

Magaalada Muqdisho ayaa sida lagu xusay warbixinta lasoo diyaariyey loo qeybiyey 4 soone oo kala ah: Waqooyiga, Koonfurta, Bariga iyo Galbeedka.

 

Qeyb walba ayaa waxaa la sheegay in ay hoos imaan doonaan xaafado kala gedisan oo laga sameyn doono xarumo saldhig u ah ciidamadaas.

 

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay baahida hada jirta ee ciidamada, oo isugu jira Dhanka dareeska ama dharka, mushaharka, tababarada iwm.

 

Maleeshiyooyinka la aruurinayo ayaa la sheegay in loo furi doono tababar socon doona lix bilood.

 

Ra'iisul Wasaare Geedi oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu si weyn usoo dhaweenayo hawlaha nabadeynta ah oo la wado asagoo niyad wanaag ka muujiyey in ay suurto gal tahay in uu miro dhalo dadaalka lagu jiro.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Xubanaha labada gole sida uu u taageerayo hawsha ay wadaan asagoona sheegay in magaalada Muqdisho nabadeynteeda u wada taal soomaalida oo dhan.

 

Prof.Cali Geedi ayaa u sheegay dadkii halkaasi ku sugnaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu imaan doono magaalada Muqdisho isla markaana la dhameyn doono wixii ka dhiman dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

 

Prof.Geedi oo si weyn usoo jiitay inta badan xubnaha labada Gole ee halkaa ku sugnaa ayaan weli ku guuleysan inuu helo taageera Hogaamiye kooxeedka oo banaanka ka fadhiya inta badan shirarka ka socda Xarunta xisbiga oo hada goobta ay ku kulmaan xubnaha labada gole ee magaalada Muqdisho kusugan.

 

Waxaan la ogeyn sababta ay uga gaabsadeen dhaq dhaqaaqii ay wadeen hogaamiye kooxeedka ayadoo hada uu Ra'iisul Wasaaruhu noqday ninka horboodaya hawlaha ka socda Xarunta Xisbiga.

 

Qaar kamid ah dadka dhaliiceeya hogaamiye kooxeedka ayaa ku sheegay maqnaanshaha inta badan hogaamiye kooxeedka in ay tahay mid ay ku diidan yihiin in ay miro dhalaan wixii ay ayagu bilaabeen waa sida ay hadalka u dhigeenee.

 

Cusmaan Caato oo kamid ah hogaamiye kooxeedka sida weyn uga soo horjeeda qorshaha dowlada ayaa hada u eg hogaamiyaha kaliya ee ka qeyb galay labadii shir ee ugu danbeeyey ee ka dhacay xarunta xisbiga.

 

Maxamed Qanyare Afrax ayaa asagu diidan inuu la kulmo Ra'iisul Wasaaraha Cali Geedi oo hadda wada olole si xawli ah ku socda oo lagu doonayo in magaalada Muqdisho laga soo dhaweeyo Dowlada Federaalka.

 

Muuse Suudi Yalaxow ayaa asagu markii ugu horeysay maanta kasoo qeyb galay kulankii ka dhacay Xarunta Xisbiga, balse weli diidan inuu si gaar ah ulla kulmo Ra'iisul Wasaaraha.

 

Hogaamiye kooxeedka ayaan weli kulan gaar ah la yeelan Ra'iisul Wasaaraha oo labadii maalmood ee uu joogay kulamo badan ku yeeshay magaalada Muqdisho, wuxuuna Prof.Cali Geedi soo booqday shalay xarumaha Ciidamada Booliiska, Raadiyihii Xamar iyo Xaruntii Villa Soomaaliya goobahaasi oo si weyn looga soo dhaweeyey Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this