General Duke Posted September 10, 2007 Xasan Daahir Aweys oo dartiis isku khilaafeen xubnaha Asmara. Last Updated::2007-09-10 20:34:54 Asmara:- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa hogaamiye diimeed aad looga yaqaan Koonfurta Somalia, isla markaana ahaa Guddoomiyihii Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamiga Somalia ayaa dhawaan kaamirooyinka caalamka muddo badan oo is qarinayay laga arkay isagoo fadhiya xarunta lagu qabanayo Shiweynaha ka socda magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Sheekha ayaa Mareykanka ku daray liiska xubnaha argagaxisada ah ee Geeska Africa, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay tan iyo markii ay Maxkamadaha isaga baxeen Somalia la weysanaa goobta uu sida rasmiga ah ugu sugan yahay caalamka. Dowlada Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa inay Eritrea ku eedeysay inay dhulkeeda soo galisay xubno Argagaxiso ah oo uu kamid yahay Sheekh Aweys, balse Eritrea ayaa ku andacooneysa inuusan Sheekha aheyn argagaxiso. Ergada ka qeyb galeysa shirka Asmara ka socda ayaa isku heysta xiligaan ka qeyb galka shirka ee Sheekh Xasan Daahir Aweys iyadoo qaarkood ay sheegayaan in sheekha uusan aheyn argagaxiso isla markaana hadii shirkaan uu ka maqnaado ay kusii dhagi doonto shabada argagaxiso. Xubnahaan ayaa sidoo kale codsaday inay Mareykanka iyo Sheekh Aweys dood dhex dhigaan taasoo loogu hadlayo arimahiisa, isla markaana Mareykanka la su’aalayo sababaha uu Xasan Daahir argagaxiso u noqday. Xubnaha kasoo horjeeda ka qeyb galka shirka Sheekha ayaa ku andacoonayaan inuu Sheekha yahay Target Mareykaka uu u gaarsanayo sidaasi darteedna uu Mareykanka marmarsiyo ugu heli karo sidii uu usoo weerari lahaa Eritrea isagoo ku andacoonaya inay gabaad siisay kooxaha Argagaxisada caalamiga ah. Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegay in dib u dhacii kal hore ku yimid furitaanka shirka ay aheyd inay xubnaha ka qeyb galaya shirka ay isku mari waayeen ka qeyb galka Sheekh Xasan Daahir Aweys waloow markii ay go’aasandeen inuu ka qeyb galo si caalamka loo tuso inaysan jirin wax argagaxiso ah oo Soomaali shaca ku leedahay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dhawaan la filayo inay kasoo qeyb galaan shirka rag aad uu Mareykanka u doondoonayo kuwaaso kala Macalin Aadan Xaashi Ceyroow iyo Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo labadaba ku jira liiska Argagaxisada ee Mareykanka soo saaray dhawaan. Buuq aad u xoogan ayaa xiligaan ka aloosan ergada ka qeyb galeysa shirka Asmara oo laba dhinac u kala jabeen iyadoo la sheegay hadii buuqaan uu sii xoogeysto inay keeni karto in shirka uu burburo. Si kastaba ha ahaatee, ka qeyb galka shirkaan Asmara ka socda xubnaha uu Mareykanka doon doonayo ayaa keeni karta dagaal bareer ah oo uu Mareykanka kusoo qaado xukuumada xiligaan dhisan ee Asmara isagoo ugu mar marsiyoonayo inay gabaad siineyso kooxaha uu u yaqaan Argagaxisada caalamiga ah ee Geeska Africa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 10, 2007 Xasan Dahir Aways was always hiding in Asmara since his and Eritrea's defeat in southern Somalia. Xasan Dahir again puts himself above the movement by not staying in the dark. Its all great news indeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites