Meiji Posted June 6, 2009 Qasaarihii ka dhashay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Wabxo oo sii kordhay iyo dhinacyadii ku dagaalamay oo guulo ka sheegtay dagaaladaasi. Shabelle: WABXO Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaalo shalay ka dhacay deegaanka Wabxo degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud iyadoo dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay ay guulo ka kala sheegteen. Kadib dagaalo xoogan oo shalay ku dhex maray xoogaga iskaashanaya ee Xarakatul shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul islaam iyo ciidmada Ahlusuna Wal Jamaaca deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa isa soo taraya qasaarihii halkasi ka dhashay. Inta la hubo 40-ruux oo isugu jira dhinacaydii dagalamay iyo dad rayid ah ayaa ku dhimatay dagaaladaasi iyadoo ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen in ka badan 60-qof kuwaasi oo dhaawacyadooda la kala geeyay cusbitaalo ku yaala deegaanka Dacda,Degmada Ceel Buur iyo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dhinacyada sida xun ugu dagaalamay deegaankaasi ayaa afhayeeno u kala hadlay waxaa ay ka sheegteen guulo iyadoo midba midka kale uu ku sheegayay in dagaaladasi ay ku jabiyeen. Illaa iyo hada si dhab ah looma oga cida rasmi ahaan gacanta ugu heysa deegaanka Wabxo ee shalay ay dagaalada qaraari ka dheceen maadama halkaasi weli ay ka maqan tahay isgaarsiintii ka jirtay waloow wararka qaar ay sheegayaan in xaalada degaanka Wabxo ay saakay degan tahay. Waxaa jiray dad ka barakacay dagaalada halkaasi ka dhacay kuwaasi u kala firxaday dhulka howdka ah iyo deegaanada ku dhow dhow si ay uga nabad galaan waxyeelo ka soo gaarta dagaaladaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites