Sign in to follow this  
Liibaan

QADISIYA:Dowladan waa Dowladii C/Yusuf Hal Koofi ayaa kusoo korartay

Recommended Posts

Liibaan   

98467361636d17ce9be91d0ed15a0e78.jpg

 

3067.jpg

 

Wax waliba inta laga soo tegay miyaa la isku dacaayadeeyaa Labiska Sunnada ah.

 

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa dad badani ay la yaabeen in ay soo baxayaan waxyaabo aad u cajiib badan oo ku aadan Shicaarka uu leeyahay qofka Muslimka ama aathaartiisa.

Magaalada Baydhabo ayaa Maanta Afhayeenka Xaraakda Al-shabaab waxa uu ka yiri “Dowladan waa Dowladii C/llaahi Yuusuf, kursiga waa Kursigii C/laahi Yuusuf Hal Koofi ayaa ku soo korartay wax kale kuma soo siyaadin”.

 

 

Hadaba sida Muuqata waxaa loola jeedaa C/llaahi Yuusuf ma aheyn nin sunna iyo wax u dhaw jecel halka Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku joogo labiskii lagu yaqiinay oo koofiyadda ay ugu horeyso waligiisana uusan iska dhigin.

 

 

Sida muuqata Koofiyadda ayaa lagu dacaayadeeyay Sheekha waana wax si aad ah ay ula yaabeen shacabka waxaana dadka qaarkiis ay lahaayeen “ma waxaa ladoonayay in uu koor xirto, shaarib dheer sii deysto, Diin diin uu iskaga aamuso iyo wax lamid ah”.

 

 

Arrintani ayaa waxaa looga bartay in ay ku hadlaan kuwa kasoo horjeeda Diinta Islaamka, waxaana lagu xusuustaa Isbaheysigii Ashahaado ladirirka oo ahaa Isbaheysigii ugu awooda badnaa ee soo mara dalka in ay si aad ah ula dagaalami jireen ragga ay ka muuqato Sunnada oo kuwa garka leh la qaban jiray magaalada dadka ku maraya koofiyadda iyo camaamadda iyaguna la ogsoon yahay in magaalada lagu qab qaban jiray.

 

 

Hadaba sida muuqata arrintani ayaanan aheyn wax wanaagsan gaar ahaan in uu ku hadlo qof mas’uul ah oo diinta Islaamkana wax ka yaqaanna.

 

 

 

 

 

 

 

QAADISIYA WAA XARUNTA NOOLEYNTA DHAQANKA ISLAAMKA.

MAAMULKA SHABAKADDA ISLAAMIGA AH EE QAADISIYA

KALA SOO XIRIIR : QAADISIYA_EDITOR@HOTMAIL.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this