Che -Guevara Posted March 6, 2008 Ciidamada Itoobiya oo toogtay wiil dhalinyaro ah-meydka wiilkaas oo weli goobta yaal Warkii 06-Mar-2008 iyo Qormadii: afnugaalnews Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ka dhigtay wadada 30-ka aya toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah agagaarka isgoyska Al-baraka ee magaalada Muqdisho. Wiilkaan dhalinyarada ah oo weli meydikiisa uu yaalo goobtii ay cadowgu ku dileen ayaa la sheegay in ay ka muuqato rasaas ay la beegsadeen ciidamada Ethiopianku, waxaana ehelada wiilkaas dhalinyarada ah u suura geli la in ay qaatan meydka wiilkooda si ay u asturaan. Ehelada wiilka dhalinyarada ah ayaa la sheegayaa in ay joogaan meel ku dhow halka ay wiilkooda ku dileen ciidamada Itoobiya, waxaana dhowr mar oo ay damceen in ay qaadaan ay Ethiopianku huwiyeen tacshiirad xooggan taas oo sababtay in eheladu ay dib u laabtan iyagoo ka baqaya in khasaare ka soo gaaro tacshiiradda arxan-darrada ah ee ay ku furayaan Ciidamada Ethiopianku. Ciidamada ayaaa si arxan darro ah u toogasho ugu dila shacabka Soomaaliyeed ee xoogga ay ku qabsadeen, waxaana xarumaha ay saldhigyada ka dhigteen badanaa lagu arkaa meydadka shacab Soomaaliyeed oo ay toogteen ciidamada Ethiopianku. Maalintii shalay ayey aheyd markii la aruuriyey meydadka dad badan oo hareeraha wadada 30-ka yaalay muddo ka badan todobaad kuwaas oo jirkoodu uu is badalay qaarkoodna ay waxayan ku mamay dadka hilibkooda aay cuneen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted March 7, 2008 ^ Allah yarxam. These damn xabash dogs !! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 7, 2008 This is what TFG supporters and apologists want for our people, pathetic creatures Quote Share this post Link to post Share on other sites