Sign in to follow this  
SOO MAAL

Sifir : Midnimada Soomaaliyeed waa Muqaddas, Geedina wuxuu... Warays

Recommended Posts

SOO MAAL   

Sifir : Midnimada Soomaaliyeed waa Muqaddas, Geedina wuxuu... Warays

Somaliweyn - - - 21/11/05

 

Waxaa Waraystay Wariye Ridwaan Xaaji Cabdiwali mar uu ku sugnaa Mudane Sifir Magaalada London isagoo k yimid Dalka Maraykanka.

 

 

Ridwaan: Su’aasha koobaad ee aan jeclahay in aan ku waydiiyo ayaa waxaa ay tahay sida aad la socoto waxaa jirta in siyaabo kala duwan loo arkay Jawaab uu Ra’isul Wasaare Cali Maxamed Geedi ka bixiyay BBCda oo ku saabsanayd Ictiraafka Somaliland oo uu sheegay in hadii caalamku aqoonsanayo uu soo dhoweynayo, hadaba sidee ayaad u argtaa arintaasi?

 

Max’ud Sifir: Axdi qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn sidaasi daraadeed waxaan u arkaa hadalkii kasoo yeeray Ra’isul wasaare Geedi in uu yahay mid dhibaato uun u horseedaya umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan , waana arin Axdiga ka hor imanaysa oo aan loo baahnayn in qof masu'uul ah uu ka hadlo.

 

Ridwaan: Adiga Fikir noocee ah ayaad ka qabtaa in la gaaro Midnimo Soomaaliyeed , gaar ahaana marka laga hadlayo Somaliland oo sheegatay in ay ka go’day Somaliya inteeda kale tan iyo 1991?

 

Max’ud Sifir: Waxaan qabaa anigu in Somaliland lala galo dib u heshiisiin ku saabsan midnamadeena Soomaaliyeed , waxaana wax lagu badali karaa oo kaliya waxa ay Soomaalidu ku heshiiyaan mar hadii Midnamada dalku ay tahay arin aasaasi ah oo danta umadda ku jirta, mana ahan in la yiraahdo waan ictiraafayaa hadii Caalamku Ictiraafo Somaliland, Aduunka iima yaalo , waxay soomaali ku heshiiso ayaa ii yaala, Somali ayay u taalaa oo kaliya, Waa in la wada hadlo, inta kale ayaanba wali baadi goobaynaa , waxaa inaga dhaxeeyay midnamadeena soomaaliyeed , Soomaalida Kenya , Soomaalida Ethiopia iyo jabuuti waxay doonayaan laftooda waa in la dhagaysto oo waxaa qof walba uu ka fikarayo waa sidii loo soo celin lahaa 5tii Soomaaliyeed.

 

Ridwaan: Waxaa Maalmahan soo ifbaxaya in ay jiraan dib u heshiisiin laga dhex wado Xubnaha Dawladda ee Jowhar iyo Muqdisho ee ku kala aragti duwan qaabka ay Dawladdu uga shaqaynayso gudaha Soomaaliya. Marka ma is leedahay waa la heshiin doonaa?

 

Max’ud Sifir: Waxaa la isku hayaa waa kuraas iyo Awood, laakiin la iskuma haysto caqiido iyo wax kale , wada hadal cilmi ah in la galo ayaa loo baahanyahay ee looma baahna arimo kale oo khilaafka uun sii abuuraya , waxaan qabaa waa in la heshiiyaa oo danta ummada Soomaaliyeed xooga la saaro oo Soomaalidu ay isku filaato.

Ridwaan: Waxaad moodaa in Dhinaca Jowhar ay dhaqaale ka helayaan Caalamka ama loo balan qaadayba , laakiin idinku aad wali dhutinaysaan?

 

Max’ud Sifir: Ma jiro Caalam dhaqaale siinaya Dawladda oo khilaafkeedu uu jiro, inkasta oo ay jiraan kuwo gaar ah oo docfaruur ku wada arimaha Soomaaliya hase yeeshee waxaa xaqiiq ah oo aan kuu sheegayaa in aysan jirin dhaqaale si gaar ah loo siinayo cidna hadii aan la isku iman. Waa ay ogyihiin Caalamku in iyadoo khilaaf jiro hadii dhaqaale cid gaar ah la siiyo ay dhibaato ka dhalan karto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Midnimada Soomaaliyeed waa Muqaddas

Axdi qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn sidaasi daraadeed waxaan u arkaa hadalkii kasoo yeeray Ra’isul wasaare Geedi in uu yahay mid dhibaato uun u horseedaya umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan , waana arin Axdiga ka hor imanaysa oo aan loo baahnayn in qof masu'uul ah uu ka hadlo.

 

 

Waxaan qabaa anigu in Somaliland lala galo dib u heshiisiin ku saabsan midnamadeena Soomaaliyeed , waxaana wax lagu badali karaa oo kaliya waxa ay Soomaalidu ku heshiiyaan mar hadii Midnamada dalku ay tahay arin aasaasi ah oo danta umadda ku jirta, mana ahan in la yiraahdo waan ictiraafayaa hadii Caalamku Ictiraafo Somaliland, Aduunka iima yaalo , waxay soomaali ku heshiiso ayaa ii yaala, Somali ayay u taalaa oo kaliya, Waa in la wada hadlo, inta kale ayaanba wali baadi goobaynaa , waxaa inaga dhaxeeyay midnamadeena soomaaliyeed , Soomaalida Kenya , Soomaalida Ethiopia iyo jabuuti waxay doonayaan laftooda waa in la dhagaysto oo waxaa qof walba uu ka fikarayo waa sidii loo soo celin lahaa 5tii Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this