Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Dr. Dixood Resigned

Recommended Posts

Dr.Dixood Oo Xilkii Aqoonsi Raadinta Is-ka Casilay,Mad. Rayaale-na, Eedeyn ku Cashariyey, Fareejadana U Ritay Dhinaca Xisbiga KULMIYE.

 

 

 

hadhwanaag 2007-08-05 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Ergeygii Xukuummada Somaliland u qaabil-sanaa aqoonsi u raadinta Dr Cumar Cilmi Dixood ayaa shaaca ka qaaday inuu is-ka Casilay Xilkii uu ummada u hayey,kaas oo uu ku sababeeyey markii ay Xukummada Madaxweyne Rayaale sharcigii iyo qawaaniintii loo soo dagaalamay ka talaabsatay,isla markaana xabsiga u taxaabtay qaar ka mid ah hal-gamayaashIi Ururka SNM, kuwaas oo ah Masuuliyiinta Ururka Qaran.

 

Waxa uu sidaa Ergeygu ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Huteel Imperial ee Magaalada Hargeysa.

 

“Waxaan is-ku casilay Kadib markii aan muddo eegayey Xukuummada Madaxweyne Rayaale ee ay ka soo reyn-weyday, balse ay taa bedelkeeda ku kacday inay Xuquuqdii Muwaadiniinta ay ku xad-gudubtay, tusaale ahaan waxa haatan la xidhay Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa asaasayaashi SNM ee dalkani u soo halgamay, halka uu Dr. Gaboose-na uu yahay dhakhtar neerfayaasha ah oo ka mid ah dhakhatiirta ugu wanaagsan dalka, kana soo qeyb-galay halgankii SNM, iyada oo uu Jamaal Caydiid-na ka mid ahaa halgamayaashi SNM ee dalkan Xoreeyey” ayuu yidhi Dr. Cumar Cilmi Dixood isaga oo ka hadlayey inay Hogaamiyaasha Urur Siyaasadeedka Qaran ee imika maalintii sagaalad ku xidhan Jeelka Mandheera ay yihiin raggii wadanka u soo halgaamay.

 

Dr. Cumar Dixood waxa uu Xukuummada Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inay u dhaqmayso sidii keligii taliskii Maxamed Siyaad Barre. Waxaanu yidhi.“Markaa Madaxweyne Rayaale iyo Xukuummadiisu waxay marayaan wadadii Maxamed Siyaad Barre, waxaanay ka leexdeen wixii loo dagaalamay ee nafaha badan loo waayey”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxay Xukuummadu baal-martay Shuruucdii dalka u taalay, waxaana ka mid ah markii uu shaqada u diiday [Rayaale] Aamina Waris oo ah Xaaska Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] oo ahaa Gudoomiyihii ugu mudada dheera Urur SNM, isla markaana uu 80 Cod oo kaliya kaga helay ayna ahayd inuu dalkaba la xukumo, oo la filayo [siilaanyo] inuu noqdo Madaxweynaha Dalka sida markii hore-ba Golden Brown loo sii ogaa inuu noqonayo Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska” ayuu yidhi

 

“Markii uu [Rayaale] guusha ku eryey Wasiirkii hore Gaashaan-dhiga [Waqaf]” ayuu yidhi Dr. Dixood.

 

“Oo ay uga danbeysay Xadhigan Xaaraanta ah ee lagula kacayo Muwaadiniinta Somaliland oo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha ah, oo berina noqon kara Xasuuqaa Malka dur-duro oo kale, ayaan goostay inaan iska Casilo Xilkii oo aan [Ergeynimo] oo aan hawshii iyo wixii aan 26-sanadood u soo dagaalamayey aan arkay inuu Rayaale Bur-burinayo” ayuu yidhi Dr. Cumar Cilmi oo Xukuumada ku eedeeyey inay ku tumanayso xuquuqdii Muwaadinka oo aan sharciga iyo dastuurka dalkana midna waafaqsanayn.

 

Dhinaca kale, sida ay sheegayaan warar la isla dhex-marayey maanta ilaa shalay ayaa tibaaxaya inuu Dr, Dixood iyo Madaxda Sar sare ee Xisbiga Mucaarida ah ee KULMIYE uu wada hadal aan la shaacin waxay labada dhinac kaga wada hadleen, oo lagu tilmamay inuu ku biirayo Xisbigaasi KULMIYE.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this