Sign in to follow this  
Jabhad

Can the two criminals/warlords stop Kacdoonka shacabka Puntland

Recommended Posts

Jabhad   

Cadde Muse oo dadaal ugu jira badbadinta Xukumadiisa

11 Nov 11, 2006, 07:14

 

 

 

 

Waraarka laga helayo ila aan ka fogeyn Madaxtooyada DGPL ayaa sheegaya in Cadde Muse uu dadaal weyn ugu jiro sidii uu mamulkiisa uga badbaadin lahaa kacdoonka siyasadeed ee soo wajahay Puntland.

 

Cadde Muse oo shalay soo gaaray magaalada Garowe ayaa kulan deg deg ah la galay maanta xubnaha kaga sugan xukumadiisa magaalada Garowe halkaas oo ay kaga arinsanayaan sidii xukumadiisu ula tacaali lahayd beelaha Puntland oo si gooni gooni ah ugu dhawaaqaya Maxakamada Islaami ah.

 

 

Dhinaca kale waxaa jira warar aan weli la xaqiijin oo sheegaya in Cadde Muse lagula talinayo inuu magacaabo guddi wadaada ah oo ka xigsada isbedellada socda si xukumadiisu ay bur-bur deg deg uga badbaado.

 

 

Madaxwaynaha ayaa horay u soo soo saarey go'aamo iyo wareegtooyin uu kaga hortagayo isbadalada Koonfurta Somaliya ka socda si aysan saameyn ugu yeelan maamulkiisa.

 

Cadde Muse ayaa ku guuldraysatey in uu helo tageerada beelaha daga gobolka Mudug sidii ay uga hor-imaan lahaayeen Maxkamad Islaami ah oo dhowaan magaalada Galkacayo ay kaga dhawaaqeen beesha **************.

 

Magaalada Galkacayo ayaa waxa ka soo baxey baaq ku tariikhyasnaa 07 Nov Akhri halkaan ayna ku sixiixnaayeen 149 qof kaas oo lagu tageerey Maxkamdaas isla markaana farayay in lagu dhaqmo shareecada Islaamka.

 

Maqaal la xiriiira: Maxakamad Islaami ah oo looga dhawaaqey Laascaanod....

 

Garowe Online, Garowe

 

 

 

 

C/lahi Yusuf Oo Safar Degdeg Ah ku Imanaya galkacyo Xili beshisa Ay Maxkamad Ku

 

(Gaalkacyo}11.11-06

Madaxweynaha Dowlada federaalka KMG Somalia, Kornel C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo Booqasho degdeg ah ku yimaado Magaalladda Gaalkacayo ee Gobalka Mudug, Xilli Maxkamaddo Islaami ah looga dhawaaqay Magaalladdaasi.

 

War lagu kalsoon yahay ayaa tilmamaaya in Madaxweynaha Dowlada federaalka KMG Somalia, Kornel C/llaahi Yuusuf iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay maalmaha soo socda booqasho hawleed ku imaan doonaan Caasimadda Gobalka Mudug ee Gaalkacayo, si uu Madaxda Maamul-gobaleedka Puntland kala xaajoodo Arrimaha la xiriira Ammaanka Guud ee Puntland,

 

Tallaabadda ay Beelaha ku nool Magaalladda Gaalkacayo ku dhisanayaan Maxkamadaha Islaamka iyo Cabsida ay Maamulka Puntland ka qabaan isku-dhacyo ka yimaada Ciiddamadda Maxkamadaha iyo kuwa Puntland ee isku hor fadhiya Deegaanadda Bandiiradley .

 

Safarka Madaxweynaha ku imaanayo Magaalladda Gaalkacayo, ayaa lagu sheegay inay ka dambeeysay, kadib, markii Ay Mid Kamid Ah beelaha uu ka dhashay c/laahi yusuf madaxweynaha somalia ay ku dhawaaqday inay dhisanayso maxkamadislaami ah

 

source: Widh Widh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Guddiyo Cadde magacabey oo la diidey

11 Nov 11, 2006, 07:52

 

 

 

 

Odayaasha, Siyaaasiyiinta iyo Waxgaradka Gobalka Bari , ayaa ku gacan-sayray inay aqoonsdaan Guddiga Difaaca ee Gobalka Bari oo uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha MGPL Cadde Muse. Akhri:Magacyada Gudiyadan

 

Qaar ka tirsan Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Odayasha Dhaqanka ee Gobalka Bari, ayaa maaanta sheegay inaysan aqoonsanayn Guddi uu dhawaan Cadde Muuse u magacaabay inay noqdaan Guddiga Difaaca ee Gobalka Bari.

 

Xaji Mustafa Yusuf oo ku hadlayey Magaca Odayasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Bari, ayaa u sheegay Saxaafada inay ka soo horjeedaan magacaabista Guddigaasi oo uu madax ka yahay Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Cali Yuusuf "Gaagaab", wuxuuna xusay inaysan jirin Baahi loo magacaabo Guddi noocaasi ah.

 

Xaaji Mustafa, mar wax laga weydiiyey sababaha ay u diian yihiin Guddigaasi, waxa uu sheegay inaysan jirin wax laga difaacayo Gobalka Bari, wuxuuna ka digay in magacaabista Guddigaasi dhibaato u keeni karo dadka ku dhaqan Gobalka Bari.

 

Afhayeenkan ayaa ku nuuxnuuxsaday inay dadka ku nool Gobalka Bari soo dhaweynayaan Ku-dhaqanka Shareecadda Islaamka, wuxuuna sheegay inay ugu baaqayaan Mamulka Puntland inay ka waantoobaan magacabista Guddiyo wax u dhimi kara Deganaanshaha Guud iyo Masiirka Ummadda ku nool Goballadda Puntland.

 

Cabdi Fatax Axmad, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Return looted properties, put Yusuf IndaCade in court for crimes against the Muslims of the south notably Dhoobley, Marka, Barava and so on. Take your millitias out of the areas they occupy and then talk to thers about Shariah rule.

 

Posting news articles from Ceeldheer and opposition website Garoweonline wont make a difference.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^^^Atheer waxba yuusan dhiig kar kugu dhicin...People of Puntland are reclaiming their freedom from corrupt criminals and their foreign supporters IA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

More good news for the good people of Puntland..

 

Puntland Oo Awoodeedii Ugu Waynayd Saartay iska Caabinta maxkamdaha muqdisho

 

(Puntland}11.11-06

Waraarka laga helayo ila aan ka fogeyn Madaxtooyada Dowlad goboleedka Punland ee garoowe ayaa sheegaya in Cadde Muuse uu dadaal weyn ugu jiro sidii uu mamulkiisa uga badbaadin lahaa kacdoonka siyasadeed ee soo wajahay Puntland.

 

Cadde Muse oo shalay soo gaaray magaalada Garowe ayaa kulan deg deg ah la galay maanta xubnaha kaga sugan xukumadiisa magaalada Garowe halkaas oo ay kaga arinsanayaan sidii xukumadiisu ula tacaali lahayd beelaha Puntland oo si gooni gooni ah ugu dhawaaqaya Maxakamada Islaami ah.

 

Dhinaca kale waxaa jira warar aan weli la xaqiijin oo sheegaya in Cadde Muse lagula talinayo inuu magacaabo guddi wadaada ah oo ka xigsada isbedellada socda si xukumadiisu ay bur-bur deg deg uga badbaado.

 

Madaxwaynaha ayaa horay u soo soo saarey go'aamo iyo wareegtooyin uu kaga hortagayo isbadalada Koonfurta Somaliya ka socda si aysan saameyn ugu yeelan maamulkiisa.

 

Cadde Muse ayaa ku guuldraysatey in uu helo tageerada beelaha daga gobolka Mudug sidii ay uga hor-imaan lahaayeen Maxkamad Islaami ah oo dhowaan magaalada Galkacayo ay kaga dhawaaqeen beesha ****.

 

Magaalada Galkacayo ayaa waxa ka soo baxey baaq ku tariikhyasnaa 07 Nov ayna ku sixiixnaayeen 149 qof kaas oo lagu tageerey Maxkamdaas isla markaana farayay in lagu dhaqmo shareecada Islaamka.

 

sidoo kale waxaa maantana lagaga dhawaaqay magaalada gaalkacyo Maxkaamad Islaami ah oo loogu magac-daray Maxkamadda Islaamka ee Nasruddiin,

 

Waxaa iyana dhaqdhaqaaq iyo dareen xoogleh uu kajiraa magaalada laascaanood oo lagu wado in beel kamid ah beelaha deegaan ah kasoo jeda G/sool ay dhaqso ugu dhawaaqdo maxkamd islaami ah iyadoo ay horayna uga jirtay magaalada laascaanood maxkamd lagu magacaabo Al-cadaala.

 

isku wada soo duu duuboo arimahan ayaa waxaad moodaa inay caqabad ku noqon karaan hawlihii maamulka puntland ee ku aadanaa gobolada uu ka'arimiyo.

 

widhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

People of Mudug: No more hostage to the two warlords/criminals{Qeybdiid and Cade}.

 

Maxakmad Hoostagta maxaakiimta Muqdisho Oo Lagaga Dhawaqay Gaalkacyo

 

(Gaalkacyo}11.11-06

Maxkaamad Islaami ah oo loogu magac-daray Maxkamadda Islaamka ee Nasruddiin, ayaa maanta looga dhawaaqay Koonfurta Magaalladda Gaalkacayo ee Gobalka Mudug. :::::::::::::::::

 

Guddoomiyaha Maxkamaddaasi, Sheekh C/llaahi Siyaad Kheyre, oo maanta u waramayey Saxaafada, ayaa sheegay inay dadka ku abtirsada Beesha ***** ee ku nool K/Gaalkacayo guddoonsadeen inay dhistaan Maxkamad Islaami, ah, isla markaana la jaan-qaadaan Maxkamadaha Islaamka ee ka ambaqaadayo Magaalladda Gaalkacayo.

 

Guddoomiyaha, waxa uu sheegay inay dhismaha Maxkamadda Islaamka ee Nasruddiin ka dambeysay, kadib, markii ay Qeybaha Ururradda Bulshadda ee Beesha *** ee joogta K//Gaalkacayo yeesheen kulamo Wada-tashi ah oo socday muddo bil iyo badh ah.

 

Sheekh C/llaahi Siyaad Kheyre, waxa uu sheegay in Tallaabadaasi la qaatay, markii qiimeyn xooggan lagu sameeyey Rabitaanka Shacbiga Soomaaliyeed iyo sidii looga bixi lahaa dhibaatooyinka haystay Ummadda Soomaaliyeed 16-kii sanno ee la soo dhaafay.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamka ee Nasruddiin ee Koonfurta Gaalkacayo, waxa uu ugu baaqay Maamulladda ka jira Gobalka Mudug inay Shacbiga ku hoggaamiyaan Nidaamka Shareecadda Islaamka.

 

widhwidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariah law yes, but done ever think that it will benefit any agenda outside Puntland.

 

The news hype aside the change in termsof dealing with corruption, Qad and other social ills will enhance the state further.

Puntland wont go away, a removal of the old guard will arise in time but the state shall remain.

 

As for Qaybdeed he is not part of Puntland..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this