Som@li Posted January 28, 2009 XILDHIBAAN CAWED AXMED CASHARO OO ISU SOO TAAGAY XILKA MADAXWEYNENIMO EE SOOMAALIYA Jabuuti: Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo isla markaana ahaa Afayeenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in uu ku soo biiray loolanka Maxdaxweynenimada Soomaaliya xilli uu shir jaraaid ku qabtay shir ay xildhibaanada ku lahaayeen dalka Jabuuti. xildhibaan Cawed Axmed Casharo ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka weyn dalka Somaaliya, waxaa kaloo lagu xasuustaa in uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii wax kasoo dhisay maamulka Puntland dhamaadkii sagaashameeyadii. Xildhibaan Casharo ayaa muujiyey inuu kalsooni weyn ku qabo baarlamaanka dowladda iyo midka kale ee ARS oo dhawaan la ansixiyey ku biiritaankooda baarlamaanka Somaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu balan qaadayo nabad iyo xasilooni oo wadanka ka dhalato hadii la doorto. Xildhibaanka ayaa ah shaqsi mudo badan ku dhax jiray siyaasada Somaaliya, waxayna dadka siyaasada uu dhega nugul ay ku sheegaan inuu yahay shaqsiga kaliya oo fahansan boogaha xukumada federaalka iyo wax yaalaha curuyaamiyey, oona hadii uu xilka ku guuleysto uu Somaaliweyn midnimada uu gudbin kara. Xildhibaanka ayaa ah shaqsigii labaad oo kasoo jeeda gobolada Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Bari oo isu sharaxo xilka madaxweynanimada dalka Somaaliya, iaydoo uu horey xilka isu taagay Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalla oo wasiir ka ahaa dowlada ku-meel gaarka. Waxaase jira musharixiin kale oo jagadaasi uu hanqal taagaya, kuwaasi oo isugu jira kuwa dowladda federaalka ka tirsan iyo kuwa banaanka ka ah, oo iyana horay uu soo qadimay musharaxnimadood xilka madaxweynanimada dalka Somaaliya. Dhahar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted January 28, 2009 Good luck to him. Quote Share this post Link to post Share on other sites