Jacaylbaro Posted October 23, 2008 Buuhoodle-Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gawlaha guud iyo Guriyeynta mudane C/risaaq Bacaluul oo mudooyinkan danbe ku sugnaa Gobolka Buuhoodle iyo deegamadiisa,Ayaa ka war bixiyey safarkiisii uu ku tagay gobolada bariga Somaliland,isagoo ujeedada socdaalkiisa ku sheegay inuu gobolkaasi u tagay arimo shaqo. Wasiir ku-xigeenk ayaa intaasi raaciyey inay gobolka u tageen sidii gobolka loogu xidhi lahaa dhammaan gobolada kale ee dalka, waxna ula qabsan lahaayeen gobolada kale ee dalka Somaliland. Sidoo kale Mudane Bacaluul waxa uu sheegay inay dadweynaha gobolka ku wacyi galinayeen inay is diiwaan galiyaan oo ka qayb qaataan doorashooyinka dhowaan dhici doona, iyada oo aan wakhtigan xaadirkan sidii hore la mid ahayn,oo uu sheegay wasiirku in aanay magaalada Buuhoodle ka jirin laba calan iyo laba maamul oo maamulka Somaliland oo kaliya ka jiro. "Arimo badan baa noo sahlay in gobolku kamid noqdo Somaliland,ta koobaad oo ah hanashada Somaliland hanatay gobolka Sool, maamulna u samaysay iyo tan labaad oo ah in maamulkii Puntland oo fadhiidka ahaa uu noqday waxan waxba ka jirin"Sidaas waxaa yidhi Wasiir C/Rashiid Bacaluul oo ka waramaya waxa sida fudud ugu sahlay inay la wareegaan awooda gobolkaas. Wasiir ku-xigeenka Md. Cabdirisaaq Bacaluul, ayaa sheegay shir ka socda Buuhoodle oo ay isugu yimaadeen cuqaasha, wax garadka iyo odayaasha reer Buuhoodle, kaasi oo ulajeedadiisu ay tahay sidii dadweynaha reer Buuhoodle wax ula qaybsan lahaayeen somaliland. Waxa uu Wasiirku Beeneeyay in aanay wax lug ah ku leeyihiin qabanqaabada shirkan ka socda Buhoodle ee uu yahay mid cuqaasha iyo waxgaradku iyagu iskood u qabsadeen. "Runtii wax lug ah kuma lihin shirkaas, iyagaa isku yimi oo ka tashanaya aayaha dhulkooda, iyagoo doonaya inay wax qabsadaan oo wax la qabsadaan dadka reer Somaliland". Waxa Wasiir-ku-xigeenku tilmaamay in dadweynaha Gobolka Buuhoodle ay u diyaar garoobeen diiwaan galinta iyo inay ka qayb galaan doorshooyinka soo socda. Waxaannu xusay inuu sii joogi doono Buuhoodle ilaa inta ay ka dhammaystirayaan maamul fidintiisa ee gobolka Buuhoodle. Wasiir-ku-xigeenk Wasaaradda Hawlaha Guud, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle, isla markaana kulamo la yeeshay cuqaasha, waxgaradka, dhallinyarada , culima'udinka,Haweenka,iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada reer Buuhoodle iyo deegaanka ku xeeran. Quote Share this post Link to post Share on other sites