Sign in to follow this  
Abtigiis

From Defence to attack: ONLF on the march!

Recommended Posts

Kamaavi   

Dagaalyahanada Jabhada ONLF ee todobaadki hore qabsaday 7-degmo oo ay ciidamada Itoobiya joogeen ayaa mar kale kulaalaya Degmooyin kale oo hor leh.

 

33mq2q8.jpg

 

Nov 16, 2009 (QOL) Jabahada Xureynta O'gaadeniya ayaa dagaaladi ugu dambeeyey ee ahaa kuwo ugu adkaa oo ay gasho waqtiyadii ugu dambeeyey waxaa wali ka soo baxaya warar dheeraad ah magaalooyinka ay ku furatay .

 

Dagaalyahanada ONLF ayaa todobaadki hore dagaal ku qabsaday todobo degmo oo ay ka midyihiin Obolka, Hamaro, Higlaaley, Yucub, Galadiid, Boodhaano iyo Gunogabo iyadoo dagaalkaasi ay ka qeybqaateen kumunaan Jabahada Waddaniga Xoreynta Og'aadeenya oo raamaysan diyaarna u ah in ay naftooda u huraan dhulka O'gaadeeniya oo mudo dheer gumaysi soo dul saraa. Sida ay sheegeen todobaadkaan mas'uliyiinta Jabhadda oo saxaafada qeybaheeda kala duwan u waramayay ayaa sheegay in aynan fogayn xiligii aan Itoobiya ka adkaan lahayn.

 

Dagaalyahanada Jabhada ayaa wali kulaalaya jiidaha hore si ay gacanta ugu dhigaan degmooyin kale oo horleh waxayna Jabhaddu gashay diyaar garoow aad ubalaadhan oo ay isu diyaarisay in ay weeraraan dagmooyin kale.

 

Ciidamada Itoobiya ayay soo wajahday xaalad adag , waxaana jahwareerka ugu xoogan uu ka heystaa sida ay uga hortagi karto ciidamada ONLF oo helay taagero aad u balaadhan oo gudo & dibadaba laga soo dhaweeyay guulaha ay Jabhddu ka soo hoyisay dagaaladii ay qorsheyeen ee ay la gashay ciidamada Itoobiya.

 

Todobaadyadii aan soo dhaafnay ayay Itoobiya u ahayd todobaadyo madow markii ciidamadeeda meydad aan tira lahayn ay uga daad gureysay jiidaha dagaalka waxayna wali dadsan yihiin halkii ay Jabhaddu weerartay waxayna Jabhaddu todobaadkan u ahayn todobaad ay ku jirto dabaaldag aad u weyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this