Sign in to follow this  
SOO MAAL

Maxaad ka Ogtay Masiibada iyo Mashaakilka Muqdishu ka Taagan ?

Recommended Posts

SOO MAAL   

Maxaad ka Ogtay Masiibada iyo Mashaakilka Muqdishu ka Taagan ?

 

 

Muqdisho iyo mashaakilka ka taagan.......Ilaa iyo 45 Kontorool ama Isbaaro ayaa sida la xaqiijiyay ku teedsan gudaha magaalada muqdisho, ku waas oo inta badan ay maamulaan dagaal oogayaasha u xuub-siibtay Wasiirada iyo Xildhibaanada ee ka tirsan Labada Gole ee Dawladda debed joogta ah ee Somalida loo dhisay.

 

 

Wadada ka timaada dhanka Degmada Afgooye ayaa waxaa isbaarooyin u yaalaaan dagaal ooge Cusmaan Xasan Cali (Caato) oo kuna magacaaban wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta, Dagaal oooge Xussen Maxamed Caydiid oo kuna magacaaban Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo kuxigeenka Ra’iisal wasaaraha .

 

 

Wadada Wadnaha ayaa sidaas oo kale waxaa isbaaro u taala dagaal oogayaasha ku kala magacaaban wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Amniga Qaranka Xuseen Caydiid iyo Maxamed Qanyare.

 

 

Jidka ka yimaada Jowhar ilaa iyo Balcad soona gala gudaha magaalada muqdisho waxaa is baaro u taalaa dagaal oogaha ku magacaaban Wasiirka dhaqan celinta Maleeshiyooyinka, bootaan Ciise Caalim (Xaaraan-ku-naax) iyo Dagaal oogaha isna ku magacaaban Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi iyo weliba Maxkamadaha Islaamiga.

 

 

Xaafadaha Shibis, Boondheere, Shangaani, C/siis,Maana-booliyo ayaa waxaa isbaaro u taala maleeshiyooyin kala taageera Dagaal oogayaasha kala ah Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe.

 

 

Degmada Kaaran qiyaastii 6 Isbaaro ayaa ku teedsan waxaana iska leh dagaal oogaha ku magacaaban, wasiirka Ganacsiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

 

 

Xaafadaha Suuq Bacaad iyo Siinay ayaa waxa yaala isbaarooyin ay dhigteen maleeshiyo la sheegay in ay ka amar qaatan Maxkamad Islaami ah oo halkaa ku yaala.

 

 

Isbaarooyinka yaala gudaha magaalada muqdisho ayaa ah kuwa lacag baad ah lagu qaato ah oo dadweynaha lagu laayo maalin kasta.

 

 

By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist.

 

 

 

Source

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this