Sign in to follow this  
General Duke

Ambasador Fall with Foreign dignitries visit to Baidoa pics...

Recommended Posts

Wafdigii Beesha Caalamka oo Qado sharaf loogu sameeyey Baar Bikiin ee magaalada Baydhabo

 

 

Qado_Fall2.JPG

 

Qado_Fall3.JPG

Wafdigii uu hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobay Ambassador Fall ayaa maanta Qado si weyn loo soo agaasimay loogu sameeyey Baar Bikiin oo ah Restuarant-ga ugu weyn magaalada Baydhabo iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Xukuumada Federaalka iyo Qaar ka mid Baarlamaanka Fkmg ee Soomaaliya.

 

Qado_Fall1.JPG

Qado_Fall4.JPG

 

Qado_Fall5.JPG

 

Kulankii Baarlamaan ka dib ayaa waxaa wafdiga loo kaxeeyey inay magaalada soo dhex maraan oo indhahooda ay kusoo arkaan amaanka magaalada Baydhabo maadaama ay kulan la qaateen Madaxweynaha, Xukuumada iyo Baarlamaanka kmg waxaana loogu talo galay inay u kuur galaan xaalada ka jirta magaalada Baydhabo.

 

Qadada ayaa waxaa ka qeyb galay dhanka dowlada federaalka Ra'iisul Wasaaraha kmg Prof. Cali Maxamed Geedi, kuxigeenadiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha Eng. Xuseen Ceydiid iyo Wasiirka dastuurka Prof. Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil, Wasiirka Qorsheynta Md. Xuseen Ceelaabe Faahiye Wasiirka Maaliyada Md. Xasan Maxamed Nur "Shaatigaduud" Wasiirka Warfaafinta Md. Cali Axmed Jaamac "Jangali" Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Tacliinta Sarre iyo Wasiir kale sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa qadadaasi kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Md. Cismaan Cilmi Boqore iyo waliba maamulka Gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo

 

Kulanka qadadda ka dib ayaa labada masuul waa Geedi iyo Fall waxa ay qabteen shir jaraa'id oo ay ku sheegeen in wax walba ay guul ku dhamaadeen isla markaana labada dhinac ay is fahmeen lagana shaqeyn doono bay yiraahdeen in wax weyn laga badalo geedi socodka nabada ee loogu jirro xaalada dalka Soomaaliya oo cakiran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M ee arrimaha Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaare Geedi oo qudbad u jeediyey Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya

 

Wakiilka xoghayeha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Mr. Francios Lonely Fall ayaa maanta hor tagay oo qudbad dheer ka hor aqriyey Mudanayaasha Baarlamaanka fkmg ee Soomaaliya xili ay howlahooda dib uga bilaabeen magaalada Baydhabo.

 

Fall_Gedi_Barlamaanka2.JPG

 

Fall_Gedi_Barlamaanka.JPG

 

 

Ugu horeyntii qudbada ka hor waxaa shirka furay kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Fkmg ee Somalia Mr. Cismaan Cilmi Boqore waxaana uu ka warbixiyey in Mudanayasha Baarlamaanka uu haatan kooramkiisa buuxo ayna ka kooban yihiin 145 mudane diyaarna u yihiin in ay howl galayaan isla maantaba.

 

Fall_Gedi_Barlamaanka1.JPG

 

Ka dib ayaa Fall hadalkii qaatay una sheegay sida ay u yimaadeen iyo sida hawsha u socoto inay aad ukala fog yihiin waxaana u nimid buu yiri in la xaliyo qilaafka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo dowlada oo nalagu sheegay in la doonayo in la rido Gudoomiyaha, balse waxaa noo cadaatay buu yiri in aysan howshu sidaasi ahayn ee laga codsanayo gudoomiyaha in uu shaqadiisa u yimaado waana arrin ifarxad galisay buu yiri waayo in waxaan soo dhisnay ay dib u burburaan dooni mayno.

 

Fall ayaa hadaladiisa waxa ka mid ahaa in ay jirto baahi in la ilaaliyo Midnimada waxay ku jirtaa xili kala guur ah oo qatar ah, waxaanu la soconaa wax walba oo ka dhacaya Soomaaliya, waxaan idinka digayaa in ay timaado kala qeybsanaan.

 

Mr. Fall waxa uu yiri waxaan aad uga faraxsanahay Qoraalka wadajirka ah ee ay gaareen Baarlamaanka iyo Xukuumada oo ah in Gudoomiye Shariif Xasan kusoo noqdo Baydhabo waanu wadashaqeyneynaa waana la xalin karaa wax walba oo dhibaato ah oo ku timaada Qoys kasta marka ay wada fariistaan inaguna waxaan nahay hal qoys.

 

Qaramada Midoobay waxay ictiraafsan tahay Dowlada Federaalka kmg waxaana ka codsanaynaa in ay ku dadaasho sidii ay dalka Soomaaliya nabad uga dhalin lahayd taasoo ku imaan karto buu yiri Mr. Fall in lawada hadlo oo Golaha Maxaakiimta ay horfariistaan lana gaaro xal kama dambays ah oo dowlada ay ku hano qaado.

 

Mr. Fall Mar uu guubaabo usoo jeedinayey Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxa uu kula dardaarmay in Beesha Caalamka ay garab taagan yihiin dowlada Federaalka balse waxa laga doonayaa Mudanayaasha Baarlamaanka oo ah kuwo matala shacabka Soomaaliyeed inay ku dadaalaan sidii ay Midnimo uga shaqeyn lahaayeen ayuu hadalkiisa kusoo afjaray Wakiilka Xoghaya guud ee Q.M Mr. Francios Lonely Fall.

 

Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo isna qudbad u jeediyey Mudanayasha Baarlamaanka ayaa ugu horeyn eedeeyd dusha uga tuuray qaar ka tirsan Beesha Caalamka oo wada buu yiri kala qoqob iyo dhibaato badan oo ay ka dhex wadaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaana uga digaynaa buu yiri Dalka Soomaaliya waa xor cid arrimahiisa soo faragashan kartaa ma jiraan go'aankeedana iyadaa leh waxaana ka codsanaynaa xubnahaasi inaysan isku keen dirin Dowladaha ay matalaan oo aan saaxiibo iyo walaalo nahay waana uga digaynaa buu yiri.

 

Mar uu ka hadlayey Ra'iisul Wasaaraha labada qodob ee lasoo hadal qaaday waxa uu sheegay in Dowlada Fkmg ee Soomaaliya ay tahay dowlad Dib u heshiisiineed ayna diyaar u tahay in ay wado wadahadalada taasoo uu ku nuux nuuxsaday in Xukuumada Federaalka ay ka shaqeyn doonto una gaar tahay sidii ay ugu howl gali lahayd inay wadahadalada sii wado Baarlamaankana waxaan uga baahanahay inay nagu taageeraan buu yiri Prof. Geedi.

 

Qaar ka tirsan Beesha Caalamka iyo kuwo yar oo Soomaali ah ayaa waxa ay qabeen in Baydhabo ay ka tageen Mudanayaashii Baalamaanka haatanse waxaa cadaatay inay diyaar ku yihiin Kooramkii shaqeyn lahaa waxaan kaliya u baahanahay in Gudoomiyaha uu noo yimaado, xubnaha Baarlamaanka waxaan uga yeernay inay hawlahooda gutaan ayuu ra'iisul Wasaraha carabkiisa ku adkeeyey.

 

Prof. Geedi ayaa Beesha caalamka ku wargaliyey in aysan iyaga laftooda mideeysneyn oo dhexdooda ay tafaraaruq ka jirto inagana waxay noo sheegayaan inaan Midoowno laftooda waxaanu leenahay soo midooba oo iska dhex bixiya kuwa dhibaatada ka dhex wada oo fidinaya Barobogaandhada dalka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa kusoo afjaray in fariin uu ka sido dowlada Federaalka uu gaarsiiyo Beesha Caalamka inay kaalmooyinkooda ay ka gaabiyeen loona baahan yahay inay dar dar galiyaan isla markaana shacabka dhibaataysan kaalmo lala soo gaaro, waxaana taladooda qaadanaynaa inta nabada jecel.

 

Hadalada Fall iyo Geedi ayaa kusoo beegmaysa xili gudoomiye Shariif Xasan uu kusugan yahay magaalada Muqdisho oo aysan cadayn talaabada ku xigta uu qaadan doono Gudoomiye Shariif Xasan oo Muqdisho u jooga sida uu sheegay hawlo dib u heshiisiineed iyadoo maantana kusimihiisa uu baarlamaanka ku wargaliyey inay usoo xaadiraan maalin walba hawlaha sugaya Baarlamaanka Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this