Sign in to follow this  
Thankful

The Cabinet Approves the New Puntland Petroleum and Minerals Law (pics)

Recommended Posts

Thankful   

Bossaso, Puntland:

At a cabinet meeting in Bossaso chaired by the President H.E. Mohamud Musse Hersi, the Puntland Cabinet Unanimously approved the new Puntland Petroleum and Minerals Law.

The Minister of Oil and Minerals Hon. Hassan Osman Mohamud (Allore) held a press conference after the meeting. The Minister spoke about the new law and its impact on the State’s nature resources.

The new legislation will now be passed to the Puntland Parliament in the next few days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuwa sheeganaayo inay u taliyaan Waqooyi Bari ha noqdaan kuwa sheegto inay u taliyaan Waqooyi Galbeed, oo warkooda ha caddeystaan, oo banaanka ha isa soo dhigaan. Waa gooni isku taaga badaxbanaani ah.

 

Labada lugood labada dhinac ee noogu jirayaan ma soconeyso. Ama gooni ha isku taagaan oo warkooda banaanka ha keenaan ama midnimo Soomaaliyeed ha u taagnaadaan.

 

Why I am blah blahing about this? Because axdi ku sheegaan cusub sidii dal camal axdi u dhisan ayaa loo qoray, not mid maamul goboleedka uu sheeganaayo. Sii aqri.

---------------

 

Gogoldhigga in Puntland laga Gooyo Soomaaliya...

 

Ilaa hadda waxaan si gaar ah uga soo hadallay qodobka la xiriira Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland, waxaana qaybtaan kusoo bandhigeynaa qodobada muujinaya gogoldhig ay madaxda DGPL u samaynayaan sidii Puntland looga goyn lahaa Soomaaliya. (
Taas oo dadka siyaasadda Puntland la socda ay ku tilmaamaan in ay tahay arrin ay madaxda Puntland ku doonayaan in aan khayraadka dabiiciga ah lagala hadlin, haddiise lagala hadlo waxay qorshaynayaan in ay hirgelinayaan dastuurka cusub
.)

 

Qodobbo kamid ah Dastuurka Loo Samayanyo Puntland 2008.

 

Qodobka koowaad oo ku saabsan magaca iyo hiliada:

  • Farqaddiisa labaad: Himilada Dawlad Goboleedka Puntland waa taabbagelinta nidaam dawladeed oo ku dhisan wadatashi, dimoqraadiyad, sinnaan iyo caddaalad bulsho una horseedi Kara dadkeeda nabad iyo xasillooni waarta iyo horumar dhinacwalba ah oo ku jihaysan kor u qaadidda heerka nololeed ee dhammaan muwaaddiniinta Puntland iyo ka qayb-qaadashada in himilooyinkaas ay gaaraan dhammaan dadka Soomaaliyeed
Qodobka sadexaad oo ku saabsan hanaanka xukunka.

  • Dawlad Goboleedka Puntland waa qayb ka mid Somaaliya, xil ayaana ka saaran hirgelinta dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah. [Haddii federaal la diidana maxaa dhici doono?]
  • Awoodaha Dawlad Goboleedka Puntland ay ku wareejin doonto dawladda Federaalka ah ee Soomaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso Puntland waxa ay ku imaanayaan wadaxaajood dhexmara dawladda federaalka ah iyo Dawlad Goboleedka Puntland
Inta laga dhammaystirayo dastuur federaal ah oo afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood dawlad madaxbannaan
Hannaanka siyaasadeed ee dawladda waxaa gundhig u ah mabaadi’da:

  1. Shareecada islaamka
  2. Dimuqraaddiyadda
  3. Maamulwanaagga
  4. Wadatashiga
  5. Danta guud oo laga horumariyo danta gaarka ah.
  6. Tartanka xisbiyada badan
  7. Xukunka oo lagu baahiyo dhulka oo dhan

QODOBKA afaraad oo ku saabsan dadka:

  1. Dadka Dawlad Goboleedka Puntland
    waa dadka leh jinsiyadda Puntland
  2. Qof kasta oo u dhashay ama ku dhashay Puntland waxaa loo aqoonsanayaa inuu leeyahay jinsiyadda Puntland
Jinsiyadda waafaqsan faqradda labaad ee qodobkan waxaa dammaanad qaadaya sharciga.
Sharci gaar ah ayaa qeexaya sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland
Qodobka tobonaad oo ku saabsan calanka, astaanta iyo heesta Dowlad Goboleedka PuntlandIYO:

  • Calanka Puntland Waa (tartan furan)
  • Astaanta Dawlad Goboleedka Puntland waa (tartan furan)
Heesta Calanka waa (tartan furan)
Qodobka sodon iyo toddobaad oo ku saabsan muwaadinnimada:

  • Qof kasta oo leh jinsiyadda Puntland da’diisuna gaartay 18 sano waa muwaaddin Puntland
  • Muwaadinka Puntland luminmaayo muwaddinnimidiisa haddii uu qaato jinsiyad dal kale
Qodobka afartan iyo sideedaad oo ku saabsan khayraadka dabiicaga ah:

  1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka puntland waxaana looga faa,iideysan karaa si sharciga waafaqsan
  2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faai’iidaysiga kayraadka dabiiciga ah.
Dawladda puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah
Ruqsad kasta oo la xariirta ka faa’iidaynta khyraadka dabiiciga ah waa in Golaha Wakiilladu oggolaado muddadeeduna aaney ka badnaan 25 sano.
Qodobka konton iyo koowaad oo ku saabsan shirkadaha wadaaga ah:

  • Xukuumaddu waxay samayn kartaa, kana qaybgeli kartaa shirkado wadaag ah oo ay saamilay ka yihiin maalgeliyayaal waddani ah iyo kuwa ajnebi ahba
  • Madaxda shirkadaha wadaagga ah waxaa isla magacaabaya wasaaradda hawlaheedu la xariiraan iyo saamileyda gaarka ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bosaaso:Golaha Wasiirada Puntland ayaa Ansixiyey In Xukuumada Puntland Markale ay Soo Saari karto Khayraadka Dhulka gaar ahaan Macdanta iyo Badroolka Waxaana ay Maalintii Shalay ahayd Kulan Albaabadu Uxiranyihiin ku Galeen Golaha Wasiirada Puntland magaalada Garoowe ee Caasimada ismaamulka Puntland Shirkaasi ayaa Waxaa ay uga Hadlayeen Sidii ay u Fagan lahayd Dowalda Puntland Khayraadka ku Jira Degaanada Deriska la ah Puntland iyo Weliba gobolo Badan oo ka mid ah Degaanadaasi,

 

 

Wasiirka Macdanta iyo Badroolka oo u Waramayey Warbaahinta Puntland Markii uu Shirkaasi Soo Xirmaya ayaa Waxaa u sheegay Inuu ahaa Shirkaasi Mid ay Xukuumadi ku Ansixisay Soo Saarida Badroolka iyo Macdamta Waxan uu Sheegay Inuu Macdanta iyo badroolka Si Caadiya Haatan ay ugu Dareerayaan Hadii ay yihiin Xukuumada puntland.

 

 

Dowlada Federaka ayaa Qabta Sharci ka Duwan Kan ay Puntland Shalay ku Ansixisay Magaalada Garoowe Waxaana Jira Go,aamo ka Madax Banaan khayraadka ay Xukuumada Puntland ay ku eegayso Soo Saarida macdanta taasi oo u Gaara Xubno Khaasa oo ka tirsan Maamulka Puntland.

 

 

Arintan ayaa Waxaa lugu soo Xusuusan karaa Ama Lays Waydiin Karaa Maxay kaga Duwantahay Nidaamkii Hore ee Cade Muuse Gacanta kaga taagat oo uu Sheegay inuusan Dib u Qadi Doonin Macdanta Ka Dib Marki Maji yahan ay Fadeexad taarikhi ah kala kulantahay Jaali Cade Muuse iyo Inamadii ay isku Qayska ahayeen ee Caydaruus iyo Kooxada kale ee ka soo jeedey Madaxtooyada Dhinaca Bari ee Magaalada Bosaso.

 

 

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo tamarta Xasan Cismaan Aloore Aniga Ma Amiinsanid In Dowlada Federalka ahi Aan isku Khilaafsanahay Macdanta baaritaankeeda Lakiin Waxaan Dhaliicaynayaa Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Macdanta Badroolka ee Xukuumadii Cali Maxamed Geedi ,Waxaana Umalaynayaa Xukuumadii Cali Maxamed Geedi Inay ahayd Mid ku Joogsatey Xuquuqda Baarashada Badroolka iyo Macaadinta Degaanada Puntland,hadalkaasi Waxaa yiri Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Xasan Cismaan Aloore ,isagoo Amaanaya Xukuumada Cusub ee Nuurcade Lamana Yaqaan Ilaa Hada Wayga ugu Macquulsan oo Xalqotoma Loogu Fariisinkaro Qaabka Shidaal Qodista Puntland.

 

 

 

 

 

Maxamed Axmed Ciise

 

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this