Sign in to follow this  
Abwaan

Garoowe+Boosaaso: Dareenka shacabka Puntland iyo guusha Sheekh Shariif

Recommended Posts

Abwaan   

31. Januar 2009

 

 

 

Boosaaso(AllPuntland)- Xalay dadweynaha ku nool magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxay u aheyd habeen farxadeed, goobaha lagu shaaho iyo makhaayadaha waaweyn ayaa waxay si toos ah ugu daawanayeen coddeynta doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya, waxayna dadka intiisa badan ay carabka ku hayeen in uu guuleysan doono Sheekh Shariif Sh. Axmed, hase ahaatee markii wareega labaad ay isku soo hareen Maslax Maxamed Siyaad iyo Sheekh Shariif ayaa in badan ay shaki geliyeen guushii ay markii hore maskaxda ku hayeen, walow markii danbe ay rumowday guushii ay horay u saadaaliyeen.

 

Magaalada Boosaaso oo caadiyan habeenkii markii la gaaro 10:00 fiidnimo qof walba gurigiisa uu tago, ayaa xalay ka duwaneyd, waxaana jirta in xiliyada habeen ciidamo roondo ah iyo k uwa wadooyinka gaadiidka ku joojiya lana hubiyo ujeedada socdaalkooda iyo baaritaan lagu sameeyo ayaan xalay aysan dadka ka baqin roondada ciidamada sameynayey, waxayna dhoobnaayeen goobaha lagu shaaho ee laga daawado Telefishinada afka Soomaaliga ku baxo, waxayna xalay dadkaasi si toos ula socdeen TV-ga RTD ee dalka Jibouti oo si toos ah looga soo tabinayey doorashada ka dhaceysay guriga Umada dalka Jiboui.

 

Sawaxanka iyo buuqa dadkaasi ayaa xaafadaha laga maqlayey, waxayna mar walba ay ku dhawaaqayeen erayo farxadeed marka lagu dhawaaqo codka Shariif Sh. Axmed, halka ay ku xigeen Nuur Cadde iyo Maslax ay yaraayeen tirada dadka taageerayey.

 

Dadka aan u suuragelin in ay soo fariistaan goobaha bananaan ee wadooyinka ku yaal ayaa waxay kala socdeen Idaacaddaha Maxaliga ah ee ka howlgala Boosaaso iyo Garoowe, waxayna dadkaasi ay aad ula dhacsanaayeen qaabka ay u socotay doorashada iyo nidaamka loo soo abaabulay.

 

Saakay qof walba waxaa uu midka kale ugu hambalyeynayey guusha Sheekh Shariif Sh. Axmed oo ay u arkaan in dhibaatada ka jirta Koonfurta Soomaaliya in uu xal u heli karo, inkastoo dadka qaarkiis ay kuu sheegayaan in inta badan kooxaha dagaalka ku jira qaarkood uu Shariifka gacanta ku dhigi karo marka laga reebo Ururka mayalka adag ee Al-Shabaab oo aan waxba qaadaneyn.

 

Arinta taagan ayaa ah maadaama shacabka ay muujiyeen taageero aan hagar laheyn, qaabka uu Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ula macaamili karo Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, oo ka soo horjeedo qaabka uu u qeybiyay xubnaha Isbaheysiga tirada ku soo aaday Puntland, taasoo uu dhaliilay Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

 

Marka laga hadlayo Jabhadaha hubeysan ee ka dagaalama Koonfurta dalka Soomaaliya xaqiiqda waa ururo ka farcamay Midowgii Maxkamadihii ee uu hoggaamin jiray Sheekh Shariif, laakiin haatan awooda ay leeyihiin aan la dhayalsan karin, laakiin waxaa hubaal ah in Madaxweynaha uu qaar ka mid ah ururadaasi meel isugu keeni karo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland.

 

 

http://www.aminarts.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

This man represents all Somalis regardless where they are from or where they are in the world. Obama eat your heart out!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Silaanyo for Prime Minister after two months. For now, Cali Khalif Galayr. Congrats to Sheikh Shariif. But we will judge him after the first 100 days. So far so good.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this