Sign in to follow this  
General Duke

EID Mubarak to all + Somalia celebrates

Recommended Posts

Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo saaka si weyn looga ciidey

 

Salaaddii ciidda ayaa saaka laga oogey dhammaan Soomaaliya iyo dhulka ay Soomaalidu degto ee geeska Afrika, iyadoo meelaha munasabadaha waaweyni ay ka dhaceen ay kamid tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Dadweynaha magaalada Boosaaso ayaa salaaddii Ciidda saaka ku tukadey garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso, iyadoo tagbiirta laga maqlayey masjidyada waaweyn.

 

Dadweyne aad u fara badan lebisanna dhar qurux badan kuna faraxsan munaasabadda Ciidal Adxa, ayaa camiray waddooyinka waaweyn iyo baararka laga qaxweeyo ee magaalada Boosaaso kuwaas oo isku salaamayey 'Ciid Wanaagsan'.

 

Qaar kamid ah mas'uuliyiinta Dawladda Puntland iyo culumaa'udiinka ayaa salaaddii Ciidda saaka kala qayb qalay dadweynaha magaalada Boosaaso iyadoo ay khudbado wax ku ool ah ay dadka u jeediyeen.

 

Maxamuud Faarax Bile

 

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Munaasibadaha Ciida Ayaa Maanta si wayn looga iidey gobolada Puntland iyo Guud ahaan gobolada dalka Somaliya Daawo sidii looga iidey Bosaso

 

Magaalada Bosaaso ayaa Waxaa looga iiday Maanta si aad u wanaagsan Waxaana Dadwaynha Gobolka bari ay ku kala Tukadeen Maanta Saldii ciidka Meelo badan oo ka mida Magaalada Bosaso sida Masaajidka ibraahin ,kutuba wayne Iyadoo ay bulshada ugu Badan ee gobolka Bari ay Maanata si Heersare ah ugu cideen Garoonka Kubada Carta ee Magaalada Bosaso Haba waxaa Saldaasi Gegida Ciyaaraha Maanat ka soo Qayb galay isla mar ahaantaasina Qudbado ka soo jeediyey Culimada iyo Masuuliyiinta maamulka Puntland iyadoo uu geba gebadii Salaada Ciidka Jaale Cade Muuse Khadka telefoonka kaga Qudbadayey Halkii ay maanta ku tukanyeen dad wayanah Reer Bosaso, Waxaa khudbado kala Gedisan ka so jeediyey bacdal salaad halkaasi Wasiirka Ganacsiga Maamul Goboleedka Puntland Wasiirka Wershadaha iyo Ganacsiga Duq degmada Bosaso iyo Mashaayiikhada Waawayn ee Degmada Bosaso.

 

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dalka Soomaaliya oo maanta si weyn looga ciiday

Last Updated::2007-12-19 12:00:54

 

Boosaaso(HRNet):-Magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga dareemayey damaashaadka ciidul adxa.

 

Maanta oo Arbaco ah 19ka bisha December ayaa waxaa magaalooyinka dalka Soomaaliya lagu arkayey wadooyinka shacabka oo u dareeraya salaadii ciida.

 

Magaalooyinka waaweyn ee gobalada Puntland ayaa ayagu si heersare ah looga ciiday ayadoo kumanaan dad ah ay isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn ee magaalooyinka si ay halkaasi si wadajir ah ugu tukadaan salaada ciida.

 

Dhamaan bahda HorseedNet ay shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba idin leeyihiin Kulu caam wa antum bi khayr. Ciid Mubaarak.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maanta, maanta maanta waa maalin weyn maanta! Sideebaa looga ciiday Somaliya?

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 19-Desember-2007

 

Maanta oo ey tahay maalin ciid ah ayaa waxaa laga dareemayaa guud ahaan dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda farxad ciideed oo aad u weyn taasoo aad ka dheehan karto wajiyada caruurta, haweenka iyo goobaha cibaadada sida masaajidda iwm.

 

Masaajidda Muqdisho ayaa maanta mar laga wada dukaday, waxaana buux dhaafay inta badan masaajidda iyadoo dadka qaar ey ku dukanayeen banaanada masaajidda iyo hareeraha wadooyinka.

 

Jawiga caasimadda ayaa ka badalan maanta sida caadiga, waxaana wadooyinka ku arkeysaa dadka intiisa badan oo xiran dhar qur-qurxoon iyadoo ey caruurtana ku ciyaarayaan buufino iyo waxyaalaha kale ee ey ciida caruurtu ku ciyaaraan.

 

Waxaa sidoo kale dagan maanta xaafadaha ey iska-hor imaadyadu ka dhacaan inta badan halkaasoo ey ku hareen dad tiro yar.

 

Dalka intiisa kale sida degmooyinka Afgooye, Marka, Baraawe, Jilib iyo magaalada Kismaayo ayaa iyana looga ciiday si weyn.

 

Dhanka kale maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa iyana waxaa maanta laga dareemayay jawi farxadeed oo ku aadan maalinta ciidul Adxa, waxaa ey magaalooyinka maamulada ey sidoo kale buux dhaafiyeen masaajidda dadkii ku dukanayay.

 

Waxaan idii soo gudbin doonaa sawiro kale oo ku aadan dabaaldagga ciida ee magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Bosaso iyo Hergeysa sida ugu dhaqsiyaha badan ee aanu u helno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this