RedSea Posted August 18, 2007 "Faysal Cali oo Su’aal ka keenay sababta uu M/wey.Geele u diidan yahay qaranimada 3 Milion iyo badh [somaliland] isaga oo dawlad ku ah 350,000 oo qof " hadhwanaag 2007-08-18 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa ku taliyey inaan Xukuummada Madaxweyne Rayaale wakhtigan laga sugin wax qabad iyo wax ay dhisto,oo hore loogala daalay,balse ay isku hawsho sidii ay u qaban lahayd doorasho xora oo Xalaala wakhtigeeda. Sida waxauu Gudoomiyuhu ku sheegay Qeybtii labaad ee Wareysi ay shabakada Hadhwanaagnews.com la yeelatay. Waxa kale oo wareysigiisa ku iftiimiyey in Dawlada Jabuuti aanay ogolayn Somaliland in ay noqoto dal xor ah. “Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ma ogola inay Somaliland xor noqono” ayuu ku yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ku tilmaamay dawladda Geellaha Jabuuti inaanay waafaqsanayn Xukuumada Rayaale “Waxa laynagu sameynayo ee cadawgeenu inagu hayo, halkaynu is-ka difaaci lahayn waxa inaga jeedinaya muranka iyo yooyootanka gudaheena, haddii aynu mid nahay oo aynu waxee-na aamusnaan iyo wada-tashi ku dhameysanayno kuwa [Cadawga] dibada waynu iska celin lahayn, laakin inta aynu isku foorarno ayuu cadowgu gacanteena baneystay” ayuu yidhi faysal Cali. “Muranka gudaha ka qeybgeli mayno, dawladana waxa u hadhay 8-bilood, waxay ku qabanweyday Shantii sanadood iyo badhki ay xilka haysay ku qabanmayso Sideeda bilood ee u hadhay” ayuu yidhi Faysal Cali. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dooday wixii ay qaban lahaayeen hadii ay talada dalka ku Guuleystaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu ka fikirnaa markaad dalka qabataan Dawladan [Rayaale] dabadeed Maxaad u qaban kartaan, qodobkaas ayaanu isku mashquulinaa” Faysal Cali Waraabe waxa uu ku tilmaamay Xukuumada Rayaale inuu wakhtigii ka dhamaaday oo waxba la sugeyn.“Dawladan [Rayaale] waxba kama sugeyno, waxaanu ka sugaynaa inay nala qabato doorasho Xallaala oo wakhtigii loogu tala-galay dhacda, Wadanka nabadgelyadiisa ilaaliso, laakin iskuul dhisyo, wado ay dhistiyo wakhtigeedi uu ka dhamaaday” ayuu yidhi. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi. “Allaahu yaclam, anigu waxaan ku idhi taa Illaahay ayaa og markay wakhtigeeda timaado ayaanu ka tashanaynaa, Anigu [Faysal] waxaan ahay qofkii u horeeyey ee u badheedhay inuu la tar-tamo Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal ee Xisbiga [uCID] Sameeyey iyada oo nin qudha oo Somaliland ahi ku dhici-waayey oo uu shir-beeleed ku meereysanayey, imikana waxaan ahay musharaxa qudha ee taagan ee Xalaasha ku Soo baxay” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Wabaare oo ka jawaabayey Su’aal ahayd, Malaga yaaba inay Dawlada Madaxweyne Rayaale marlabaad ku guuleysato hogaaminta dalka. Mar uu ka jawaabayey Su’aal ahayd, Haddii uu Xisbiga UCID ku guuleysto talada dalka waxa uu ku dhaamayo Dawlada wakhtigan talada haysaa, haday noqoto dhinaca Aragtidiisa Siyaasada, haday noqoto xidhiidhka wadamada aynu jaarka nahay? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “ Anagu [uCID] balan ayaanu qaadaynaa waxaanu sameynaynaa Roll Map uu wadanku Ictiraaf ku helo, laba sanadood gudahood ayaanu doonaynaa inaanu dalkan [somaliland] ictiraaf ugu keeno, intaas oo wadan ayaanu xidhiidh la leenahay” “Taa Xukuummada ayaad weydiin kartaa, Faysal Cali Waraabe ahaan waxaan ahay ninkii ugu horeeyey ee la hadlay Ismaaciil Cumar Geelle, Xisbiyada qaar ayaa igu caayey oo lahaa col ayeynu nahay” ayuu yidhi Faysal Cali oo ka jawaabayey Su’aal ahayd waxay Xukuumada Madaxweyne Rayaale uga gaabsato inay wax jawaab cad ka bixiso heerka uu taaganyahay xidhiidhka Labada Dawlada ee Jabuuti iyo Somaliland, iyo Caydhiintii Dawlada Jabuuti kaga soo eriday Safiirkii Somaliland halkaasi u fadhiyey. “Laakin waxaan soo taabtay inuu Madaxweynaha Jabuuti Geelle waxa uu isku khaldayaa qadarka Illaahay iyo sida uu u fikirayo, labadan dal [somaliland iyo Soomaaliya] way is-camiri karayaan midna ma baaba’ayso labaduba way isku dhisnaanayaan, labada shacab waa isku mid. Waxaan Xasuusinayaa Hadalkii aan u diray sanadkii 2000-kii markii uu ka hadlay New York ayaan ugu celinayaa Madaxweyne Geele waxaan leeyahay Adiga oo 350,000 oo qofa ayaa calan helay oo dawlada, waxaad 3 Milion iyo badh [somaliland] ugu diida Waa khalad ayaanu leenahay” ayuu yidhi Faysal Cali oo la hadlayey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele. Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-janaale] Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa E-mail, janaale94@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted August 18, 2007 Absaloutely without any concept of diplomatic parlance. Hadal siyaasi maahe waxuu ninkaan ku dhawaaqo, siyaasad iyo ninkaane kala xeel dheer. Marka miyaad la yaabaysiin inay Somaliland wali taagantahay bartii lagu askumay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted August 18, 2007 "Faysal Cali oo Su’aal ka keenay sababta uu M/wey.Geele u diidan yahay qaranimada 3 Milion iyo badh [somaliland] isaga oo dawlad ku ah 350,000 oo qof " Maxaa ku qoslay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted August 18, 2007 Well that is the truth isn't it? If it wasn't for the French, Somaliland could run over Djabuti in matter of hours if not minutes. In addition, I thought Jabuti's pop. was about 600k and not half of that. If Faysal' figures are right, man it's small place to be called a country. With that, Geele still has the guts to talk nonsense against my country. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted August 18, 2007 ya uu sheega odeyga dowladnemo kuma xirna inta qof ee meel degan. majnun foqal majnun, bal waxa siyaasi isku sheegeya eega. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted August 18, 2007 War ninyahow Red horta faisal kii dhageysa ka waalan mide kale qaranimo anagaa badan iyo anagaa itaal roon laguma helo. Hadii tiro wax tareeso Somali Abow xor bay ahaan lahayd. So, no one is disputing Somaliland's population size and their will to fight though I don't understand why you attack Jabouti (misplaced anger maybe), it is just that has little to do with getting recognition. Anaa ka dheer oo kaa weyn...ma ciyaak iskool miyaal. I'm sure you don't wanna turn Somaliland into school yard bully. P.S between attacking Sool and jabouti, not mentioning badmouthing OLF in Somaligalbeed, Faisal waraabe will have his hands, I'm not sure if you wanna regurgitate the words of nut case. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted August 18, 2007 Why everything gotta be serious with you horta. You know I am kidding. :rolleyes: As far as Faysal Cali Warabe. I am sure he wouldn't do any worst than Riyaale Kahin. But you know his chances of becoming a President are slim at the moment. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted August 18, 2007 I didn't mean to ruin "your feel good news", but carry on. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted August 18, 2007 Maya abti ha iga xanaaqin. laakin this news isn't big deal.I think he is funny man...at times. btw...your presence is always valuable, do stay sxb. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chimera Posted August 18, 2007 Afar women can defeat S-land troops in a heartbeat ka cabso i know there men do.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 20, 2007 This time Faysal is absolutely right ! ! ! Djibouti is only one city and yet they are a country and they want dictate who has the right to be a government and who is not ... I'm not calling war on Djibouti ,, no more bloodshed saaxiibayaal ,,, but Ismail Gelle should look at his private parts before he accuse and sabotage someone else Quote Share this post Link to post Share on other sites