Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Garaad Saleebaan Politically Seized

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.org) – Wufuud ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka, odayaal iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa shalay iyo maanta gaadhey magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay ka bilaabayaan hawlgal lagu xasilinayo magaaladaas oo ciidamada Somaliland dhowaan la wareegeen, kana safeeyeen maamulka Puntland oo ka talinayey 5tii sannadood ee ugu dambeysey.

 

Wufuuddaas oo ay kala hoggaaminayaan Wasiirka Caddaaladda Somaliland, mudane Maxamed Xasan Cali (Casoowe) iyo Wasiirudowlaha Waxbarashada, mudane Maxamuud Garaad Maxamed (Qaw), waxa ay ka soo kala jeedaan deegaamada Hawdka iyo Waqooyiga Laascaanood oo wufuuddaasi ka kala hawl geli doonaan sidii la isugu soo dabaali lahaa, meeshana looga saari lahaa xurgufo ka dhashay isbeddelka maamul ee ka dhacay magaaladaas.

 

Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, mudane Fu’aad Aadan Cadde oo ka mid ah weftiga uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Waxbarashada ayaa u sheegay Radio Horyaal in ay ka hawlgelayaan sidii meesha looga saari lahaa waxoogaa turxaan ah oo soo dhexgashay beelaha magaalada Laascaanood oo gudahooda ku kala qaybsamay xaaladda cusub ee gobolka galay, isla markaana ay u tegi doonaan Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Garaadada reer Sool ee sida xagjirnimada ah u taageera maamulka Puntland.

 

Weftigan ayaa waxa ka mid ah laba xubnood oo ka tirsan qoyska Garaad Saleebaan kuwaas oo kala ah: Wasiirudowlaha Waxbarashada, Maxamuud Garaad Maxamed oo ay walaalo yihiin Garaad Saleebaan iyo, Cismaan Garaad Maxamuud oo isaguna Adeer u ah Garaad Saleebaan, isla markaana ah Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB.

 

Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, mudane Fu’aad Aadan Cadde iyo xubnaha kale ee weftiga oo ay ka mid yihiin, mudane Siciid Maxamed Cilmi iyo mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo labaduba ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, mudane Cabdulqaaddir Maxamed Xasan (Indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida iyo xubno kale oo isugu jira masuuliyiin iyo odayaal ayaa dhammaantood ka soo jeeda beesha Garaad Saleebaan, waxaana loo diray inay dejiyaan beeshaas oo didmo iyo sakati ka qaadday la wareegista Somaliland la wareegtey maamulka magaalada Laascaanood, iyada oo Garaadka iyo beeshiisu ay si weyn u taageeraan maamulka Puntland.

 

Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, mudane Fu’aad Aadan Cadde ayaa xaqiijiyey in beelaha Laascaanood qaar ka mid ahi ay ka qaxayaan magaalada, halka qaar kalena ay si caadi ah isaga deggan yihiin, taas oo uu sheegay inay ka dhalatay shaki soo kala dhexgalay beesha reer Sool, isla markaana ay ka hawlgeli doonaan sidii meesha looga saari lahaa, loona dejin lahaa magaalada.

 

Mudane Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu sheegay in Garaad Saleebaan ay kala hadli doonaan sidii xaaladda gobolka loo dejin lahaa, balse, aanay kala hadlayn inuu Somaliland noqdo.“Laascaanood, waxaan u malaynayaa in laba maamul oo is hayaa aanay jirin, balse, waxoogaa yar oo didmo ah uun baa jirta,” ayuu yidhi Fu’aad.

 

Tan iyo markii ciidamada Somaliland ay xididada u saareen maamulkii iyo ciidamadii Puntland ee joogey magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda Isniintii toddobaadkii hore, iyaga oo kaashanaya ciidan beeleed taageersan Somaliland oo fadhiyey Koonfurta Laascaanood, tan iyo horraantii bishan, waxa soo baxay werwer laga qabo in beelaha reer Laascaanood uu ka dhex qarxo dagaal sokeeye, kadib markii qaar ka mid ah beelaha waaweyn ee Koonfurta ama Hawdka Laascaanood ay si toos ah ula safteen Somaliland, isla markaana ciidan beeleedkoodu ay kala qaybgaleen ciidanka Somaliland, dagaalkii ay Isniintii kaga qabsadeen magaaladaas maamulka Puntland, isla markaana ciidankaa raacsan Somaliland uu la wareegey magaalada, halka beelaha Waqooyiga Laascaanood ee uu hoggaamiyo Garaad Saleebaan oo la soo dagaal galay ciidanka Puntland ee laga adkaaday ay u aragtay tallaabada Somaliland kula wareegtay magaaladaas in beel ay iska soo horjeedaan qabsatay magaalada.

 

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this