Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: President Kebaki apologises to President of Somalia

Recommended Posts

Nayroobi: Madaxweynaha Kenya oo raaligalin ka bixiyay hadalkii Wasiirka arimaha dibada Kenya.

20. december 2008

 

 

Nayroobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dalka Kenya Mwia Kibeki oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa raali galin buuxda ka bixiyey warkii ka soo yeeray Wasiirkiisa arimaha dibada, ee ku aadanaa in ay Kenya xanibaad dhaqaale iyo Cunaqabateyn Socdaal ku soo rogtay Masuulka ugu sareeya dalka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in uusan wasiirkan aheyn nin la socda Siyaasada arimaha dibada ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay uu ahaa hadalkaasi sidoo kale mid lugu dagdagay oo aan laga fiirsan, isagoo sheegay in ay raali galin buuxda udirayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Kibeki ayaa hadalkan ka jeediyey kulan gaaban oo salaan ah oo uu ugu tagay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuuna shaaca ka qaaday Madaxweynaha Kenya in aysan dawladda Soomaaliya iyo dawladda Kenya kala go'ikarin ayna yihiin dalal jaar ah oo saaxiibo ah.

 

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa si rasmi ah wada hadalo qaadan doono waqti dheer uyeelan doona saacadaha nagu soo aadan, sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Safaarada Soomaalida ee Magaalada Nayroobi.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this