Sign in to follow this  
General Duke

Sudan cuts ties with courts + Geedi there are no courts to negotiate with

Recommended Posts

KHARTOUM: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulammo la qaatay madaxda Sudan, kana hadlay arrimo dhowr ah

Posted to the Web Jan 21, 06:55

 

 

Khartoum (PP) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa kulan kula qaatay Magaalada Khartoum ee dalka Sudan oo uu ku joogo booqasho gaar ah madax dalkaas ka tirsan oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Dibadda dalka Sudan.

 

Prof. Geeddi ayaa madaxda uu kulanka kula qaatay dalkooda Sudan uga warbixiyay xaaladda uu dalka haatan marayo, isla markaana faahfaahin dheeri ah ka bixiyay mowqifkooda ku beegan hadal ay la qaataan Maxkamadihii Midoobay ee laga awoodda badiyay.

 

"Ma jiraan wax maxkamado ah oo meel ku sugan oo aan la yeelanno wadahadallo dib u heshiisiineed, waxaana badatay waayahaan hadallada noocaan oo kale ah, balse waxaan caddeynaynaa haddii aan nahay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inaysan jirin cid ka tirsan Maxkamadaha oo meel macruuf ah ku sugan oo aan wadahadallo la qaadanno" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo intaas raaciyay:

 

"Ma jirto wadahadallo aan la galayno xubnihii ka haray oo baxsad ahaan ku jooga dalalka dibadda qaarkood".

 

Dhanka kale Dowladda Sudan ayaa waxay sheegtay in aysan sidii hore xiriirro dambe ula sameynayn Maxkamadihii Midoobay ee la kala eryay, hadalkaan ayaana u muuqda mid ay Dowladda Sudan ku muujinayso mowqifka ay maanta ka taagan tahay Maxkamadaha Midoobay oo ay lahaayeen xiriir siddadiisu adag tahay.

 

"Dowladda Sudan lama yeelanayso wax xiriirro ah madaxdii Maxkamadaha ee ka badbaaday dagaalladii ka dhacay dalka Somalia, ha ku sugnaadeen gudaha dalkooda ama dibadda, balse Sudan ahaan waxaan qabnaa in lala hadlo maxkamadaha xubnihii ka haray ee dibadda ku sugan, isla markaana ha loo caddeeyo mowqifka laga aaminsan yahay" ayuu yiri Wasiirka Dibadda ee Sudan Cali Axmed Kepti oo kulankii Ra'iisul wasaaraha Somalia iyo Madaxda Sudan goobjoog ka ahaa.

 

Sudan oo ka mid ahayd dowladaha bariga Afrika ee sida weyn ugu xiran Maxakamadaha ayaa hadalkeedaan wuxuu u muuqdaa mid ay ku muujinayaan inay ka baxeen xiriirro ay la lahaayeen Maxkamadaha, waxaana arrintaan ay niyad jab ku noqonaysaa madaxda Maxkamadaha oo qaarkood haatan ay ku sugan yihiin dalka Sudan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Sudan oo sheegtay in ay jartay xiriirkii kala dhexeeyay maxaakimtii baaba’ay ee Islaamiga sheegan jiray

 

Xukuumadda wadanka Sudan oo ka mid ahayd dalalkii sida aadka ah xiriirka dhow u lalahaa maxakimtii baaba’ay ee Islaamiga sheegan jiray ayaa muujisay is badalka weyn eek u yimid fikirkeedii ku aadanaa maxaakimtaasi la shiiqiyay

 

Xukuumadda wadanka Sudan oo ka mid ahayd dalalkii sida aadka ah xiriirka dhow u lalahaa maxakimtii baaba’ay ee Islaamiga sheegan jiray ayaa muujisay is badalka weyn eek u yimid fikirkeedii ku aadanaa maxaakimtaasi la shiiqiyay .

 

Sudan waxaa ay sheegtay in ay gebi ahaanba jartay xiriirkii siyaasadeed iyo midkii dhaqaale eek ala dhexeeyay maxaakimtii beelaha midoobay ee Islaamiga sheegan jiray,lamina garanayo sababta ku xanbaartay Sudan in ay xilligan talaabadaa qaadato,waxaase tani ay kusoo beegmaysaa kaddib socdaal ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu shalay Sudan ku tagay iyo9 wada hadallo uu madaxda dalkaa la qaatay.

 

“Dowladda Sudan ma sii wadi doonto xiriirkii kala dhexeeyay maxkamadaha ISlaamiga ah “ayuu yiri wasiiru dowladdaha arrimaha dibadda dalka Sudan Cali Axmed Kaarti oo hadalkan ka sheegayh shir jaraa’id oo uu kuqabtay magaalada Khurtum ee xarunta dalkka Sudan,kaddib tagitaankii ra’isul wsaaraha Soomaaliya ee dalka Sudan maalintii Sabtidii.

 

Sudan ayaa dhowr jeer ooh ore wada xaajood nabadeed isugu geysat dowladda federalka Soomaaliya iyo maxkamadihii bveelaha midoobay ee Islaamiga sheeganjiray,waxaase lagu guuleysan waayay in heshiis rasmi ah la dhex dhigo dowladda iyo kooxdii argagixisda ahayd sababo la xiriira argagixisada oo diiday in ay ka haraan nidaamka argagixisanimo una soo nuglaadaan hanaanka nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya,ugu dambeyntiina waxaa dowladda Soomaliya ay ka fursan weysay in ay qaado dagaal ugu dambeyntii lagu shiiqiyay awoodii dhalanteedka ahayd ee kooxihii argagixisada ahaa ee Islaamiga sheeganjiray.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda carmooyin.com ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

r2909173835.jpg?x=380&y=260&sig=n.IPKIcu

 

Sudan's President Omar Hassan al-Bashir ® meets with Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi in Khartoum, January 21, 2007. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdalla (SUDAN)

 

 

r454475805.jpg?x=380&y=254&sig=GA.G_LN9l

 

Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi ® addresses the media after meeting with Sudanese Parliament speaker Mohamed Ibrahim Al-Tahir in Khartoum January 21, 2007. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdalla (SUDAN)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Thanks for the pics bro.

 

Sudan::: Ma jirto Wax Xiriir ah oo aanu la leenahay Maxaakiimta laga saaray Somaliya

 

Last Updated::2007-01-21 14:26:12

 

Khartuum:- Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada ee dalka Sudan ayaa saxaafada u sheegay in aysan jirin xiriir ay

hada la leeyihiin Maxaakiimtii Islaamiga ee looga awood roonaaday Somaliya.

 

Ali Ahmed Kerti Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada ee dalka Sudan ayaa sheegay in aysan hada xiriir la sameyn maxaakiimta ayna jirin xiriir gaar ah u dhaxeeya Sudan, iyo maxaakiimtii burburtay.

 

Wasiirka ayaa hadalkan jeedinayey wakhti uu Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Prof.Cali Maxamed Geedi uu socdaal ku joogo magaalada Khartuum ee dalka Somaliya.

 

Dhinaca kale Ra'iisul Wasaaraha Somaliya oo asagu sheegay in aysan jirin wadahadal danbe oo lala geli doono Maxaakiimta ayaa sheegay in waxa uu hada u joogo Sudan ay tahay sidii ay labada dowladood isaga kaashan lahaayeen degenaanshaha Gobalka iyo dhinaca horumarinta.

 

Dalka Sudan ayaa ahaa goobtii lagu qabtay wadahadaladii dhexmaray Dowlada Somaliya iyo Maxaakiimta oo lagu goor ka qeyb galay shirkaasi, ayadoo wareegii sadexaad uu shirkaasi burburay kadib markii ay Maxaakiimta Islaamiga ku xireen in shirka laga saaro xubnaha IGAD oo ay dowlada Kenya hogaaminaysay.

 

Cabdullahi Haji

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

A pragmatic approach on the part of Sudan. A very political judgement too, given the present circumstances.

The leadership of Sudan is quite impressive. They have managed their economy well, with good policies and they have now good results.

Share this post


Link to post
Share on other sites

DFS iyo Sudan oo isku afgartay in dib loo bilaabo wada hadalada

 

Khartoum 21, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowladda Suudaan Ayaa isku Afgartyay In Ay Suudaan Dib u billowdo Dhexdhexaadintii Ay ka Dhex wadday Dowladda Soomaaliya iyo Golaha maxaakimta islaamka.

 

Duke-ow have you seen t h i s?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this