Cowke Posted July 9, 2010 Ardayda Jaamacadda U.S.T Oo U Dhamaaday Imtixaankii Sanad dugsiyeedka 2009/2010 (Sawiro) July 9, 2010 Xarunta kuliyada Tababarka macalimiinta ee GTEC ayaa waxaa lagu qabtay xaflad loogu xiraayo Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2009-2010 ardayda jaamacada U.S.T. Jaamacadaan ayaa fadhigeedu yahay wadanka Yemen waxaana ay xafiis ku leedahay magaalada Boosaaso,ardayda waxay wax ku bartaan qaab aalada internetka iyadoo ardaydaan xaflada halkaa loogu qabtay ay ka kala yimaadeen gobolada Puntland. Xafladaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka maamul wanaaga Dowladda Puntland Md Maxamed Ciise Faarax Gaashaan,Wasiir Kuxigeenka Howlaha guud iyo gaadiidka Cabdishakuur Mire Aadan,Guddoomiyaha gobolka Bari Sheikh Cabdixaafid Cali Yuusuf,Maamulka Jaamacada UST,Macalin ka tirsan macalimiinta Jaamacada oo u yimid in ay ardayada ka qaadan imtixaanka iyo ardaydii gashay imtixaanka. Xafldaan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maamulka jaamacada UST ee Puntland waxaan uu ka sheekeeyay qaabkii ay jaamacadaan loo aas aasay iyo goobaha ay jaamacadu ku leedahay xafiisyada. Maamulka Jaamacada ayaa sheegay in xafiiskeeda ugu wayn ee jaamacadu uu ku yaalla dalka Yemen balse ay xafiisyo ku leedahay magaalooyinka Boosaaso,Muqdisho,Hargaysa iyo Jabuuti,iyadoo sheegay in ardaydu wax ku bartaan waxaa loo yaqaano distance learning. Waxaa sidoo kale ka hadlay goobtaas mid kamid ah arday dhigta jaamacada UST oo ka yimid degmada Baran ee gobolka Sanaag oo lagu magacaabo C/casiis Axmed Saalax kazoo sheegay in wax badan ay ka faa’idayn jaamacada balse ay codsanayaan in ay mar marka qaar ay u baahdaan macalin u yimaada maadaama ay wax ku bartaan qaab online. Maamulka Jaamacada GTEC C/risaaq Shoole ayaa sidoo kale goobtaa ka hadlay,waxaana uu sheegay in uusan kulankaan kaliya kala qayb galin jaamacadaan oo uu horay arday badan oo sidaan kale loogu xiray uu kala qayb galay ugana mahadcelinaayo maamulka jaamacada siday ugu dadaalayaan in ay soo saaran dad aqoon leh balse uu maamulka kula talinaayo in mar marka qaar ay ardayda helaan fursad macalin u yimaada ama ay iyaga mudo kooban la geeyo xarunta jaamacad si ardayga fursad haysta uu uga sii faa’idaysto. Wasiirka Maamul Wanaaga Maxamed Ciise Faarax Gaashaan ayaa ugu danbayntii kulan kaan ka hadlay,waxaana uu sheegay in aysan waxbarashada aysan ahayn wax dhamaada oo qofku inta uu ka dhimanaayo uu wax baran karo loona baahan yahay in dadka aqoonta leh ay bataan. Md Gaashaan ayaa intaa ku daray in deegaanka Puntland uu hada ka jiro kacdoon waxbarasho gaar ahaan magaalada Garoowe tasoo uu sheegay marka laga fiiriyo sida ay jaamcaduhu ugu sii badanayaan iyo sida ay u helayaan arday wax ka bartaa jaamacadaha hada furan kuwasoo hada ay si wayn arday uga buux sameen. Jaamacadaan U.S.T ayaa ah jaamacad xarunteeda caadiga ah ay ku taalla magaalada Sanca ee dalka Yemen,waxaana degaanada kale ay xafiisyadu uga furan yihiin waxaa laga bartaa qaabka loo yaqaan Distance online. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe-Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted July 9, 2010 Ardayda jaamacada Universal Science & Technology ee Garowe oo uu u dhamaaday imtixaanaadkii sannad dugsiyeedka 2009-2010 You can listen below Garowe University Tests Concluded Quote Share this post Link to post Share on other sites