Sign in to follow this  
Gabbal

Col Barre Hiiraale's former forces in Beerxaani capture Kismayo; wait for TFG forces.

Recommended Posts

Gabbal   

Ciidamadii Beerxaano Joogay Oo Soo Galay Gudaha Magaalada Kismaayo, Ciidamada DFKG Oo Ku Soo Fool Leh Gobalka Jubbada Hoose

Dec 27,2006

by Kismaayo-GEDO-NN

 

bn.gif

 

Ciidamado taabacsan wasiirka gaashaandhigga xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo joogay degaanka Beerxaano oo u dhow magaalada Kismaayo ayaa la sheegay inay soo galeen magaalada Kismaayo, kadib markii maamulkii hore ee ka talin jiray degaanada jubbooyinka ay kaga baxsadeen doomo magaalada Kismaayo oo ay u baxeen dhanka jasiirada RAS KAMBOONI.

 

Ciidamadan soo galay oo sheegay inay rasmi ah ugu tirsan yihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaliya ayna inta ka horreysa sugayaan ammaanka magaalada, iyo iyaga oo sidoo kale sheegay inay sugayaan ciidamo ka socdo dowladda federaalka Soomaliya oo dhowaan soo gaari doono magaalada Kismaayo. Ciidamadan soo galay ayaa waxaa ay sheegeen inay ciidamadii midowga maxkamadaha ay ka tageen gaadiid dagaal oo gaaray ilaa iyo 50meeyo, ayna ku wareejin doonaan ciidamada dowladda oo seddex aag kaga soo socdo magaalada Kismaayo.

 

Magaalada Kismaayo ayaa muddo ku dhow 24 saacadood aysan ka jirin wax maamul ah, iyada oo 40 meeyo ka haray ciidamadii midowga maxkamadaha ee gobalka jubbada hoose ay qaar ka mid ah ay u baxeen dhanka Jilib, halka kuwa kalena ay si caadi ah u joogaan magaalada Kismaayo. Ciidamadii midowga maxkamadaha ee ku sugnaa degaanada gobalka jubbooyina ayaa la sheegay inay intoodii badnaa ay baneeyeen goobahii ay joogeen, halka qaarkoodna la sheegay inay u baxeen dhanka xuduudaha.

 

Maleeshiyada midowga maxkamadaha ee gobollada jubbooyinka ayaa dil fool xun ka geystay xeebta magaalada Kismaayo inta aysan ka bixin magaalada Kismayo. Marxuum la oran jiray Cismaan Maxamuud Cismaan (dhagaweyne) oo ahaa wakiil diyaaradda Djibouti ee Puntland oo ay ciidamada maxkamadaha Kismaayo kale dageen diyaarad uu la socday oo ku hakatay magaalada Kismaayo, ayaa meydiikiisii laga helay xeebta magaalada Kismaayo. Eheleda marxuumka ayaa Kismaayo ka sheegay in falkaan arxanadarrada ah ay geysteen maleeshiyooyinkii maxkamadaha oo falal noocaas oo kale ka fuliyey degmada Buaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

It is the time for a working government with functioning institutions. Hopefully the era of warlordism has come to an end.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Horn waxa u daran unbuu ka hadlaa, Kismaayo unbuu ku waashey, wallee anagaa wax aragney.

 

rawaa Horn, sikmaayo daa uk laawatey dahii da'eerkaa rihaale baqsado xamaad aafidey li'een ti'oobiyaan ya'aa dawankaaga seehto, da'na xawaad ak dahleysaa sikmaayo iyo nijji lake, baqiil ya'aa uk lidey lawwaahi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Nuune walaal adiga yaan kuu naxayba. Sow tan topic aad furtay goor yara dhawad galay ee aan la yaabay waxaad soo bandhigtay? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Horn, anigu naceybkaan amxaaro iyo tigree u qabo ayaan soo bandhigey adigu maaxad soo bandhigtey aan ka aheyn adeer hirale ayaa qabsadey Kismaayo, meesha itoobiyaa soomaaliyoo dhan la wareegeyso ayaa laga hadlayaa adna kismaayaad ku wareegeesani, war iga tag waad na gabtee.

 

Horn, seed kismaayo ugu noqon, washington dc visa itoobiyaan waa inaad kasoo qaadataa safaaradooda, haye dat is intstitution to you, agree!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Nuune, Axmaaro walle iyo bille inaan kaa jeclayn, inaan kaa necebahayne waa laga yaabaa sidaas ay tahayne waxaad soo bandhigaysid wax qof fiyoow so bandhigo maaha ee ka fiirso bal. Maxay tahay Visa Itoobiyaan iyo waxaad sheegeysid?

Share this post


Link to post
Share on other sites

horn believes that his folks are an endangered species so creating a homeland in Kismayu will enable folks from Gaza(Gedo) and West bank(C/Waaq)

To reunite and repel their 'enemies'

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this