Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Allah ha u Naxariisto

Recommended Posts

Burco (Qarannews)-Xildhibaan Cali Cumar(Cali dheere),ayaa ku geeriyooday,waxaana ku dhaawacmay Xildh.Cumar Faarax Budeeye iyo darawalkii ka dib markii gaadhigii ay wateen kula dhacay Saaka meel u dhow bariijka Qoryaale oo ku yaala jidka laamiga ah ee u dhexeeya Burco iyo Caynaba. Xildhibaanadan oo ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland ayaa qayb ka ahaa wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Wasiirka hawlaha guud Md.Siciid Sulub oo u socday magaalada laascaanood.

 

Waftigan ayaa ka koobnaa xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sool,Wasiiro xukumada iyo Axmed cabdi xaabsade kuwaasoo subaxnimadii hore saaka ka jarmaaday Burco ka dib markay xalay u hoyden.

 

Maydka xildhibaanka iyo dhaawicii ayaa la soogaadhsiiyay burco,iyadoo cisbitaalka guud lagu daweynayo dhaawicii inkastoo la sheegay in dhaawaca xildhibaanku culus yahay,sidoo kale maydka xildhibaanka ayaa lagu aasi doonaa magaalda burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-12-05 (Hadhwanaagnews) Burco (HWN) Degmada Qoryaale oo u jirta70 km Magaalada Burco waxa Maanta shil Gaadhi oo ka dhacay Ku geeriyooday ala Ha u Naxariistee Cali Cumar Axmed(Cali Dheere) oo ka tirsanaa golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland sidoo kale waxa iyaguna ku Dhaawacmay Xildhibaaan Cumar Faarax Budeeye oo isna ka mid ahaa Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliladn sidoo kale waxa isna ku dhaawacmay shilkaasi C/rizaaq Xasan X Ducaale oo ahaa wadahii gaadhiga .

 

Xubnaha xildhibaanada ee shilka gaadhi Maanta galay waxay la socdeen wafti balaadhan oo xalay u hoyday Magaalada Burco oo ku socday Magaaalda laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool , iyagoo saaka subaxii hore ay dhamaan wafuuduu ka baxeen Magaalada Burco ayaa waxa gaadhiga shilka galaya uu isagu ka danbeeyay weftgii markaas oo uu agagaarka degmada qoryaale uu shilku kula galay.

 

Ale Ha u naxariistee Xildhibaan Cali Cumar Axmed waxa Galabta si heer qaran ah loogu Aaasay Xabalaha octoober ee Magaalada Burco ,

 

Ale Ha unaxaristee taariikhda Marxuun Cali Cumar axmed Waxaanu Wax ka weydiinay Walaalkii Xasan Cummar Axmed oo shegay in uu Cali ahaa 5ojir kuna dhashay Magaalada laascanood isagoo kana soo shaqeeeyay Wakaaladii Horumarinta Biyahaa ee Somalia isago ka shaqaynaayay tan iyo marki ay Burburtay Dawladii Jaale Maxamed Siyaad Bare ale Ha unaxariistee

 

Marxuun Cali Cumar Axmed Waxa uu ahaa aasaasayashii Somaliand isagoo ahaa nin lagu yaqiiin ka shaqaynta Nabadgelyada Marxuuunku waxa uu ka mid ahaa xildhibanadii Golaha Guurtida soo galay Sanadii 1997 shirkii Beelaha ee Hargeysa isago ilaa imikaana ka mid ahaa xildhbaanada Golaha Guurtida gaar ahaana kuwa laga soo doorto Magaalada Laascanood'

 

Ale Ha ha unaxaristee Cumar Dheere Waxa uu ifka kaga tagey 11 caruur ah iyo Hooyadood

 

Isaguna waxa shilkaas Maanta ku dhaawacmay Cumar Faarax Budeeye oo dhaawac culusi ka soo gaadhay lugaha isago labada Bawdo ka jabay Xildhibaan Budeeye sida ay noo sheegeen shaqalaaha Cisbitaalka Burco , imika lagu daweynaayo cisbitaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this