Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ugandans Will Stay

Recommended Posts

Dowlada Uganda ayaa sheegtay in ciidamdeeda aysan Soomaaliya kala bexeeyn hadii xitaa Ciidamada Ethiopia ay ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Dowlada Uganda oo ciidamo aad u farabadan ay ka joogaan dalka Soomaaliya marka loo eego midowga Africa ayaa waxaa ay sheegtay in ciidamadeeda ay baaqi ku sii ahaan doonaan gudaha dalka Soomaaliya xitaa hadii ay ciidamada Ethiopia ka baxaan Dalka Soomaaliya.

 

Afahayeenka Ciidamada Dalka Uganda Major Paddy Ankunda isagoo u waramayay Idaacada VOA ayaa sheegay in aysan dowlada Uganda Qorshaha ugu jirin in dalka Soomaaliya ay kala baxdo ciidamadeeda nabad ilaalinta u jooga isla markana ay sii joogayaan inta uu ka dhamaanayo waqtiga ay midowga Africa ugu tala galeen.

 

Hadalka ka soo yeeray dowlada Ethiopia ee ahaa in dhamaadka Sanadkani ay ciidamadeeda gaaraya kumaanka askari ay kala bexeeyso gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay culeeys xoogan galisay wadmaada Africa in ay ciidamo nabad illaalin ah u soo diraan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Ciidamada Midowga Africa ee loo yaqaan AMISOM ayaa waxaa ay dalka Soomaaliya yimaadeen horaantii Bishii January kuwasi oo dalka Soomaaliya u yimid nabad illaalin waxana magaalada Muqdisho oo fariisin ay ka sameysteen ay tahay mid aan nabdooneeyn.

 

Saraakiil ka mid ah ciidamada dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa la filayaan in ay todobaadkani kulan ka yeeshaan sidii ciidamadooda dalka Soomaaliya ka jooga ay u badali lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this