Liibaan Posted June 7, 2010 Sarmaanyo.com: S.S.C Midowdaye Faroole ha loo Sheego haduu Diidana ha loogu Dhaarto Ninka madaxda ka ah maamulka ciirciiraya ee aan lugaha ku taagnayn waa Faroole eh ayaa aflagaado aan loo dulqaadan karin u geystay sidii caadada u ahayd dhamaanba bulshada S.S.C maamul iyo isimaba. Waxaad moodaa inuu hurdo ka baraarugay oo talo ku cadaatay sida aan xilkaska iyo siyaasigaba ahayn ee uu u hadlay. Waxaa wax lagu qoslo ah,deegaanadda S.S.C maba yaqaano xataa ma karo inuu si sax ah ugu dhawaaqo, WIRWIR inaan la odhan ha loo sheego,ee ay widhwidh tahay,S.S.C na tahay maamul gaar ah oo tashaday,dhulbahantana midoobay,xoraynta dalka maqanina beesha ssc dhul.bahan,te u taalo, intaas ha loo sheego haduu diidana ha loogu dhaarto. waxaan ku soo gebogebaynayaa. MAGICII BA YOOW YAA Kula PUNTLAND AH sarmaanyonewsdesk Europe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 7, 2010 Faroole”Raali Kama Nihin Xoreynta SSC" June 7, 2010 Dr Faroole oo Hogaamiya Maamulka Woqooyi Bari ee Somaliya ayaa sheegay isaga oo Maanta Garoowe ka soo degay waxana uu Saxaafada u sheegay in uu safaro badan ku soo Maray Dalal ay ka mid Yihiin Turkiga, iyo Emartka Carabta ayna Guul ku so dhamaadeen safaradoodii,Dr Faroole ayaa xusay in ay Khudbad ka Jeediyeen Shirkii Xaalada Somaliya iyo Kobaca dhaqaalaha Looga Hadlayay uuna Hadalka u soo Jeediyay Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shir [Af-Balaadh] Madaxwayne Faroole ayaa sidoo kale aad uga hadlay Arimaha Shufta Badeeda ee PL Beesha Caalamka ku eedaysay inay Kaalin wayn ku Yeeliyihiin Afduubyada Gadiidka Bada, Dr Faroole ayaa xusay inay Amaan Leeyihiin Ciidamada badda oo dhawaan Hawlgalo isku xig xiga sameeyay. Madaxwaynaha Maamulkaasi La Baxay Pl waxa uu dhaliilay oo si Cadho leh uga hadlay Kooxda uu Hogaamiyo Dr Saleebaan Ciise Kaar oo Loo Yaqaan Xagla -Toosiye Kooxdaasi isbedeldoonka iyo Xoraynta Sool ayuu Faroole ku sheegay inuu aqoonsanayn isla markaan ay Siyaasad kale Ku Ladhan tahay. “Raga Hogaamiya Kooxdaasi Isbedeldoonka waa rag Siyaasiyiin ah iyo kuwa Saraakiil ka ahaan Somaliya, Markaa siyaasad kale ay wataan Raalina Kama Nihin dhaq dhaqaaqa ay wadaan anaga ayaa soo celinayna Sool hadii Cidi soo Celinayso”Ayuu Yiri Faroole Madaxwaynaha ayaa wararku sheegayaan inay wel wel ku tahay dhaq dhaqaaq ay wadaan Ururka isbedeldonka ee Reer Sool, warka naga soo gaadhaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya inay Pl Ceeb wayn ku tahay in Ururkaasi soo celiyo Sool oo Laba Sano Maqnaa halka PL ay awood iyo dhaqaale u wayday Soo celinta Sool. Sidoo kale Shakiga Pl qabto ayaa ah in Hadii Laas-caanood la soo celiyo oo ay Xagla Toosiye iyo Garabkiisu soo celiyaan ay Ku Gor Gortamayaan Gobolkaasi isla markaana uu yahay Gobolka Is taraatiji ah oo Saldhig Balaadhan u Noqonaya Maamulka ay Samayteen Reer Sool iyo Cayn. Galgalanews@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 8, 2010 LOOOOOOL How did I MISS this thread?? Walahi this made my night haduu diidana ha loogu dhaarto. Anuu waxan odhan laha haduu diido ya daneeya... nin daneeste ah haduu garan wayey hawsha saaran iyo masuuliyada uu dadkiisii ey ka sugayeen oo ay ka rabeen gacan iyo garab asaga uun baa khasaarey.. salaam ---------------------- Tuldo geel ah oo dhacan baad Toogasho u badheedhanee Ma dhulkaas dhanee tegeybaan Ninna dhagax u tuurayn Quote Share this post Link to post Share on other sites