Sign in to follow this  
SOO MAAL

Warbixin Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wasiir Ingiriis ah

Recommended Posts

SOO MAAL   

Warbixin Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wasiir Ingiriis ah

Warkii: May 22, 2005

London (Radiossc.com):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed, waxaa uu shalay kula kulmay magaalada London Lord David Treisman oo ah Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha dibadda.

 

 

Madaxweynuhu wuxuu wasiirka u bandhigay halka uu marayo geeddi socodka dawladda ku meel gaarka ah, wuxuuna ka cosaday in bulshada caalamku ay Soomaaliya siiyaan taageero buuxda dhanka siyaasadda iyo dhanka dhaqaalahaba. Wuxuu u sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dhaqaale xoog leh in la geliyo si ay dawladda ku meel gaarka ah uga soo baxdo barnaamijka ay doonayso inay Soomaaliya ka fuliso.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Wasiiru Dawlaha Ingiriiska Arrimaha Afrika Lord David Triesman

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bidix: Martin Lamport, madaxa Qaybta Geeska Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska, Dhex: Cabdullahi Yusuf, Midig: Anna Lake, madaxa Qaybta Geeska Africa ee Wasaaradda Horumarinta Caalamiga

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ka billaw bidix: Martin Lamport, Cabdullahi Yusuf, Anna Lake, Cabdirashid Aden Seed (Lataliyayaha Madaxweynaha), Lord Triesman

 

 

 

Madaxweynuhu wuxuu kaloo wasiirka u sheegay in ay dawladdiisu ka go'an tahay in ay Soomaaliya ku soo celiso xasillooni dhanka amniga ah, iyo inay dib u dhisto hay'adihii dawladda ee burburay.

 

Wuxuu kaloo wasiirka u sheegay in Soomaaliya la siiyo tixgelin gooni ah marka la hirgelinayo barnaamijyada loogu tala galay horumarinta Afrika ee ay dawladda Ingiriisku horseedka u tahay. Sababtuna waxay tahay iyadoo baahida Soomaaliya ay aad u ballaaran tahay, una baahan tahay tixgelintaas goonida ah.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawladda Soomaaliya ay isku hawli doonto sidii loo sameyn lahaa dib u heshiisiin dhan ah oo dhex marta dadka Soomaalida oo dhan. Mar uu ka hadlay arrinta Soomaaliland, oo dawladda Ingiriisku ay il gaar ah ku fiirineyso, wuxuu sheegay in dawladda Soomaalidu ay doonayso in arrinta Soomaaliland lagu dhammeeyo wadahaldal iyo is afgarad. Soomaaliya waa waddan federal, gobol kastana xaq buu u leeyahay in uu ismaamuloâ€, ayuu yiri Cabdullaahi Yusuf.

 

Madaxweynuhu wuxuu wasiirka u sheegay in Soomaaliya iyo dawladda Ingiriisku ay ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood. Dhiniciisa wasiirku wuxuu ugu horreyntii madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashadii loo doortay jagada madaxweynaha Soomaaliya waqtigan adag, isagoo u sheegay inuu yahay qof munaasab ku ah jagadaas. Wuxuu sheegay in dawladda Ingiriiska ay gacan weyn ka geysan doonto xoojinta Dawladda ku Meel Gaarka ah, xag siyaasad iyo xag dhaqaaleba. Wuxuuna ku taliyay in la sameeyo shirar joogta ah oo arrintaas lagu dabagalo si mucaawanada u noqoto mid wax ku ool ah oo gaarta halkii la rabay.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in qorshaha dawladda Ingiriisku ugu talagashay in wax looga qabto dhibaatada Afrika ay tahay mid dhab ah, Soomaaliyana ay si fiican uga muuqato.

 

Wasiirku aad buu ugu riyaaqay sida mas'uulka ah ee uu madaxweynuhu u doonayo in lagu xalliyo dhibaatada Soomaaliland, wuxuuna sheegay dawladda Ingiriisku inay arrintaas gacan uga geysan doonto sida ugu munaasabsan.

 

Ugu dambeyntii, wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha booqashada uu ugu yimid, wuxuuna u sheegay inuu rajeynayo in marnar badan oo kale is arkaan.

 

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed wuxuu wasiirka ugu dhiibay warqad ku socota Ra'iisul wasaaraha Ingiriisaka, Tony Blair.

 

Xigasho-AllPuntland, London

 

Radiossc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this