Jacaylbaro Posted October 29, 2006 Sheekh Shariif oo booqasho ku jooga Buur-hakaba Mogadishu 29, Oct.06 ( Sh.M.Network) Gudoomiyaha golaha fulinta Maxkamadaha islaamka Somalia oo jooga degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa kulamo kula yeeshay magaaladaasi dadka deegaanka oo uu kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka lagu qaadayo ciidamada ethiopia ee jooga magaalada Baydhabo. Safarka Sheekh Shariif uu ku tagay magaalada Buur-hakaba ayaa ahaa socdaal aan horey loo sii qorsheyn, iyadoo ujeedkiisa uu ahaa qaabkii uu ugu dhiiri galin lahaa dadka magaalada Buur-hakaba sidii naf iyo maalba ay ugu biirin lahaayeen xoogagga Maxkamadaha ee ku sugan magaalada Buur-hakaba. Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu xalay booqasho ku tagay jiidda hore ee ciidamada Maxkamadaha, isagoo halkaasi kulamo kula soo qaatay Saraakiisha Maxkamadaha islaamka. Maanta ayaa lagu wadaa in Sheekh Shariif uu meel fagaaro ah kala hadlo shacabka ku dhaqan magaalada Buur-hakaba si uu uga dhaadhiciyo taageero ay siiyaan Maxkamadaha islaamka. Waa socdaalkii ugu horeeyay ee Sheekh Shariif uu ku tago degmada Buur-hakaba tan iyo intii Maxkamadaha islaamka ay qabsadeen inta badan K/Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites