Sign in to follow this  
General Duke

More weapons confiscated..

Recommended Posts

Markab siday hub sharci darro ah oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho

Last Updated::2007-09-22 09:57:49

 

Muqdisho (HRNet):- Markab siday hub sharci darro ah ayaa lagu qabtay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, sida uu shaaca ka qaaday taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

 

 

Ku xigeenka afhayeenka ciidamada Booliiska, Cabdulaahi Shac Shac, ayaa shaaca ka qaaday in hubka oo u badnaa rasaas lagu soo dhex qariyay markab ka diiwaan gashan dalka Imaaraadka oo u rarnaa ganacsato Soomaali ah.

 

Waxa uu yiri in soo dejinta hubka ay wax ka oogaayeen qaar ka mid ah ilaalada Dekedda, oo sida uu yiri lacag laaluush ah qaatay, kadibna Markabka kasoo dejiyay hubka.

 

Hase yeeshee buu yiri in Taliyaha sladhiga ciidanka Booliska Dekedda uu ka war helay hubka oo gawaari lagu raray lagana sii bixinayo Dekedda, halkaasina lagu qabto.

 

Mr. Shac Shac ayaa tilmaamay in askartii ku lugta lahayd bixinta hubkaasi sharci darrada ah la xiray, islamarkaana Maxkamad lasoo taagi doono, isaga oo intaa ku daray in sidoo kale lala xisaabtami doono ganacsatadii uu Markabka u rarnaa.

 

Hubka ayaa waxaa lagu soo dhex qariyay gasacyada caana booraha, sida uu sheegay Shac Shac.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia oo sheegay inay gacanta ku dhigeen hub laga soo dajiyay dekada wayn ee Muqdisho

 

Mogadishu ,22, September 2007 (HornAfrik Media)

 

Ciidamada Booliska dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in maalintii shalay ay qeybteen hub si qarsoodi ah looga soo dajiyay dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.

 

Kuxigeenka afhayeenka Booliska ee arrimaha saxaafadda iyo dadweynaha C/laahi Ibraahim Shaashaa ayaa waxaa uu sheegay in hub markii ugu horeeysay laga soo dajiyay dekada Magaalada Muqdisho ay gacanta ku dhigeen.

 

Ciidamada Booliska ayaa waxaa uu sheegay in howl gal ay maalintii shalay ahayd sameeyeen ay u sahashay in si fudud ay gacanta ugu dhigaan hub fara badan oo la doonayay in si qarsoodi ah loo galiyo gudaha Magaalada Muqdisho.

 

Mr shaashaa ayaa waxaa uu sheegay in hubkaasi ay kujireen labo Box oo sameno ah iyo waliba hub kale oo fara badan isagoo sheegay in hubkaasi markii ay qabanayeen uu saarnaa baabuur yar oo la doonayay in dekada looga bixiyo.

 

Waa Markii ugu horaysay oo hub nuucaan oo kale ah Ciidamada dowladda KMG ah ay ka qabtaan dekada wayn ee Magaalada Muqdisho sida uu sheegay labo xidiglle Shaashaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markab hub sida oo laga qabtay dekedda weyn ee Muqdisho

 

Masuul sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada dowladdu ay gacanta ku dhigeen markab hub xambaarsan ,kaddib markii uu kusoo xirtay dekedda caalamiga ah ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Masuul sare oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada dowladdu ay gacanta ku dhigeen markab hub xambaarsan ,kaddib markii uu kusoo xirtay dekedda caalamiga ah ee caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Gaashaanle C/llaahi Cumar Ibraahim oo ah ku xigeenka afhayeen ciidanka booliska Soomaaliyeed oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay in markab laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta oo hub xambaarasan lagu dhigay gacanta,iyadoo hubkaasi uu yahay mid aanay dowladdu ka war qabin,lana doonayay in si qarsoodi ah lagu soo geliyo dalka.

 

“markabkan hubka sida ee la qabtay waxaa uu u rarnaa ganacsto Soomaali ah “ayuu yiri kaaliyaha afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed gaashaanle C/llaahi Cumar Ibraahim.

 

Markabkan ayaa dekedda weyn ee Muqdisho soo gaaray 19-kii bishan,hase ahaatee mar dambe ayay ciidanku ka war heleen in uu hub xambaarsan yahay sida uu afhayeenku sheegay.

 

“Qaar ka mida ciidanka dekeda ku sugan ayaa isku dayay in ay ganacsatada u fududeeyaan in ay hubkaa lasoo dagaan,hase ahaatee waxaa ka war helay oo kana hortagay in taasi ay dhacdo taliyaha saldhigga dekedda Gaashaanle dhexe maxamed Eebow”ayuu mar kale yiri afhayeenka u hadlay booliska Soomalaiyeed.

 

Tan ayaa waxaa ay muujineysaa in ganacsato isku sheegga la shaqeeya kooxaha qarandiidka ay waayeen meel kale oo ay hub ku keenaan maadaama ay u bareereen dekedda weyn oo haatan ay ciidanka dowladda Soomaaliya gacanta ku hayaan,waxaana ay sidoo kale muujineysaa in ganacsato ku sheeggu ay si dhab ah ugu lug leeyihiin rabshadaha ka taagan magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Mqudisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

is that what they told u...reality is that this a nickname for killing innocent ppl homie!

 

just like wat they did to shebelli building... does ring a bell some where!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Crocodile tears from security crackdowns are natural. Dont kid yourself the security forces of the Somali government are doing a hell of a job. They are not even 60% ready yet and are still performing well. Imagine when they get to 100%, people like you will be singing..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markab hubsiday oo lagu qabtay dekadda magaalada Muqdisho

 

Muqdisho (WTN)-Markab kuwa xamuulka oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed oo ku soo xirtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay hub uu siday.

 

Hubkaan oo u banaa rasaas ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo dhex qariyey daasadaha caana booraha,iyadoo kolkii baabuurta hubka wadaa ay dekadda ka bixi lahaayeen ay ka war helleen ciidanka Booliisku baabuurtiina halkaas lagu qabtay.

Xu xigeenka afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya C/llaahi Shac Shac oo la hadlayey saxaafadda ayaa sheegay in arintani ahayn mid isku ogaayeen qaybo ka mid ah illaalada dekadda iyo ganacsatadu, lacago musuq maasuqna la kala qaatay.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in raggaan maxkamad la soo taagi doono, waxaa uu sheegay in iyana talaabo laga qaadi doono ganacsatada markabkani u rarnaa.

 

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horay oo ka dhacda magaalada Muqdisho, iyadoo iskaashi uu dhex marayo ganacsatada iyo ilaalada Dekada si hub sharci daro ah dalka looga soo dejiyo dekadda Muqdisho, lamana oga horay sidaas oo kale magaalada uu u galay hub sharci daro ahi.

Dhinaca kale ilaa iminka wax war ahi kama soo bexi ganacsatadii markabku u rarnaa.

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub sharci daro ah oo si qarsoodi ah lagu soo gelin rabay magaalada Muqdisho oo lagu qabtay gudaha dekada Muqdisho.

 

Waxaa warkaani internetka soo galay 22 Sep 07, 08:40

 

Dowlada kmg ayaa sheegtay iney hub sharci daro ah kuqabtay gudaha dekada caalamiga ee Muqdisho iyadoo hubkaasi loo xiray tiro dada oo lagu qabtay hubkaasi.

 

Ciidamada dowlada kmg ayaa kahelay gudaha dekada sanaadiiq ay kucabeysnaayeen qoryaha AK 47 iyo rasaastiisa kuwaasoo lagu dhex qariyay badeecad dekada laga dejinayay.

 

Sarkaal uhadlay ciidamada booliska ayaa sheegay iney qabten hub sharci daro ah oo lagu dhex qariyay badeecad isagoo tibaaxay in tiro dada loo qabtay hubkaasi.

 

Wararka@huriwaa.com

 

 

Xafiiska Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hub Aada U Tira Badan Oo Laga Soo Dajiyay Dekada Muqdisho Oo Gacanta Lagu Dhigay

Posted to the MOL September 22, 2007, 9:35 am

 

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada booliska dowlada KMG ah ay gacanta ku dhigeen hub si qarsoodi ah looga soo dajiyay dekada Muqdisho. C/laahi Shaashaa oo ah ku xigeenka afhayeenka booliska ayaa laga soo xigtay in hubkaasi uu ahaa mid aad u tira badan isla markaana ay ku jireen walxaha qarxa .

 

Waxa uuna sheegay in hubkaasi la doonayay in laga qaado dekada laguna qaado gaari nooca yar , iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga helin arinta hubkaasi iyo cidda laheyd toona.

Waa markii ugu horeeysay oo dekada Muqdisho lagu qabto hub iyo walxaha qarxa oo la doonayo in magalaada la giliyo , waxa ayna saraakiisha booliska sheegeen in iminka ay wadaan baaritano xoogan .

 

Waxa aynta arintaani soo baxeysa xilli dowlada KMG ah ay ka waddo magaalada Muqdisho dadaalo xoogan oo hubka lagu qabqabanayo.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya oo sheegtay in ay qabatey hubab loo wadey magaalada Muqdisho.

23. september 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay qabatay hubab fara badan oo loo wadey magaalada Muqdisho isla markaana la doonayay in lugu taageero kooxaha mararka qaarkood qaraxyada ka geysta magaalada Muqdisho.

 

Sarkaal sare oo dhinaca amniga oo magaciisa ka gaabsaday ayaa usheegay AllPuntland in ay ciidamada dowlada Soomaaliya hubab ku qabteen goobo ka mid ah dalka Soomaaliya isagoo sheegay in hubabkaasi dhamaantood loo wadey magaalada Muqdisho.

 

Sarkaalkan wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya amaankiisa ay dowlada Soomaaliya dooneyso in ay ku soo dabaasho nabadgalyo isagoo hoosta ka xariiqay in gabi ahaanba lasoo afmeeray qaraxyo badan oo ka dhici jiray qeybo ka mid ah caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

AllPuntland ayaa ka soo xigatay Sarkaalkaasi in hubabkaasi lugu qabtay deegaano ka mid ah Soomaaliya oo uu sheegay in ay ka mid yihiin degmada Afgooye ,Muqdiso iyo kuwa ka mid ah deegaanada Puntland.

 

Talaabadan ayuu ku tilmaamay Sarkaalkasi mid soo afjareysa nabadgalyo daradii in mudo ah ka jirtay magaalada Muqdisho ,taasoo uu sheegay in ay ka danbeeyaan kooxaha ay dowladu ugu yeertay nabad diidayaasha.

 

Sida la rumeysan yahay dowlada Faderaalka ee Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada dowlada Itoobiya waxa ay dadaal xoogan ugashay nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya ayadoo awoodeeda koowaad saartay magaalada Muqdisho oo loo arko in ay tahay xarunta amni darada Soomaaliya.

 

Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa horay usheegtay in nabadgalyada Caasumada waqti kooban ay qaadaneyso soo celinteeda markii wadada lasoo dhoobay deegaanada magaalada ciidamada fara badan oo kala gadisan oo iskugu jira Soomaali iyo ciidamada dowlada Itoobiya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this