Sign in to follow this  
Paragon

C/fataax Geeseey: Dowladu waxay tegeysaa Baydhabo

Recommended Posts

Paragon   

Thursday, June 4th, 2009 at 2:11 pm

 

Horseed Media

Ceel barde

 

Gudoomiyihii hore ee gobolka Bay ee DKMG ayaa maanta ka hadlay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ka wadaan degmooyin ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.

 

C/fataax Ibraahim Geeseey oo maanta markii ugu horeysey ka hadlay imaanshihiisa degmada Ceel barde ee gobolka Bakool ayaa sheegay in dowlada KMG ay la socoto dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan gudaha gobolada Bay iyo Bakool oo ay gacanta ku hayaan xoogag taabac Al Shabaab.

 

Gudoomiyihii hore ee gobolka Bay C/fataax Geeseey waxa uu sheegay in dowlada ay ka go’an tahay inay dib ugu laabato gobolka oo ay ka saarto ururka Al Shabaab.

 

C/fataax Geeseey waxa uu tilmaamay in wasiirka gaashaandhiga uu ka warqabo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka jira gobolka, kuwaasi oo ay dowlada ku xaqiijineyso amaanka gobolada Bay iyo Bakool.

 

Waxa uu ku eedeeyey ururka Al Shabaab inay wear ku qabsadeen gobolo ay dowlada joogtey, laakiin waxa uu wacad ku maray inuu tegi doono magaalada Baydhabo oo ay hadda joogan saraakiisha ururka Al Shabaab.

 

Hadalka C/fataax Geeseey waxa uu soo baxayaa iyadoo ay ciidamo iyo gaadiid dagaal oo la socda oo ka yimid dhinaca dalka Ethiopia ay soo galeen gobolka Bakool, halkaasi oo uu ka jiro abaabul dagaal oo xoogan.

 

 

Source: HR Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rebels should hve no sanctuary anywhere in somalia.

They hve already stretched themselves and we need to spread them out further by attacking their hideouts from all directions.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Gudoomiyihii hore ee gobolka Bay C/fataax Geeseey waxa uu sheegay in dowlada ay ka go’an tahay inay dib ugu laabato gobolka oo ay ka saarto ururka Al Shabaab.

 

DHUUSAWEYNE icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this