Saalax Posted September 23, 2010 Dawladda Denmark oo Sheekh Shariif ugu Baaqday inuu Hannaanka Dib-u-heshiisiinta kaga Daydo SL Written by Togdheernews Sep 22, 2010 Dawladda Denmark oo Sheekh Shariif ugu Baaqday inuu Hannaanka Dib-u-heshiisiinta kaga Daydo Somaliland Kaaliyaha xoghayaha wasaaradda arrimaha dibedda Denmark Hargeysa (Qaran news)- Kaaliyaha Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibada dawladda Denmark Ms. Sus Ulbaek, ayaa ugu baaqday Madaxweynaha dawladda ku-meelgaadhka Soomaaliya Sheekh Shariif inuu hannaanka dib-u-heshiisiinta kaga daydo qaabkii Somaliland u martay. Kaaliyaha Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Denmark oo hoggaaminaysay wefti ballaadhan oo socdaal laba maalmood qaatay ku yimi dalka Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo iyada iyo weftigeedu shalay ku qabteen huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxay sheegtay in Somaliland tahay dal ku guulaystay inuu abuuro nabadgelyo buuxda iyo hannaan dimuqraadiyadeed oo u baahan in lagu taageero, isla markaana waxay Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya ugu baaqday inuu raaco tallaabooyinkii Somaliland u martay hirgelinta abuurita nabadgelyada, gaar ahaan dhianca dhaqanka. Ms. Sus ugu horreyn waxay ku tilmaantay socdaalkii ay ku yimaadeen Somaliland mid aad muhiim u ahaa oo guul ku dhammaaday, isla markaana ay wadahadalo midho-dhal ah weftigeedu la yeeshay Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan. “Waxaannu halkan (Somaliland) u nimi si aannu qiimayno qaababka dawladda Denmark ula shaqaynayso Somaliland, waxaannuna arrintan soo bandhigi doonaa bilaha soo socda, annaga oo eegi doona iskaashiga dhinaca horumarineed ee Somaliland u baahan tahay xilligan oo ay xasilooni buuxdaa ka jirto, isla markaana ay jiraan fursado badan oo Somaliland ku kasban karto hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay iyo sifihii nabadgelyada ku salaysnaa ee xilwareejintu u dhacday, kuwaasi oo ah tallaabooyin muhiim ah oo Somaliland u qaaday dhinaca horumarka iyo dimuqraadyadda.” Kaaliyaha Xoghayuhu waxa kale oo ay ka hadashay mashaariicda dawladda Denmark ka fuliso Somaliland, iyadoo xustay inay ka shaqeeyaan waxyaabo badan oo ka saabsan horumarinta arrimaha bulshada, caafimaadka iyo ammaanka bulshada, arrimahaas oo ay ku tilmaantay qaar macquul ah oo dawladdeedu ka taageerto Somaliland. Ms. Sus Ulbaek waxa kale oo ay xustay inay safarkoodu ahaa qiimayn ku wajahan sidii dawladda Denmark sare ugu qaadi lahayd arrimaha ay Somaliland Somaliland ka taageerto, isla markaana ay indho-indhanayeen waxyaabaha dheeraadka ah ee laga taageeri karo Somaliland. Intaa kadib Kaaliyaha Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Denmark oo la waydiiyey in marka laga yimaado mashaariicda Somaliland ka taageerayaan ay gacan ka gaysan karaan ictiraafka Somaliland u baahan tahay, waxay ku jawaabtay, “Aqoonsiga Somaliland maaha mid dawladda Denmark keligeed go’aan ka gaadhi karto, laakiin waa mid u yaala in beesha caalamku go’aan ka gaadho, maalin maalaha ka mid ahna beesha caalamku go’aan bay ka gaadhi doontaa.” Mar la waydiiyey Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Denmark sida ay u aragto xaaladda dalka Soomaaliya, waxay tidhi, “Waxaannu beesha calaamka kala shaqaynaynaa in la koriyo hannaanka siyaasadeed ee Muqdisho yaala, si helo dawlad degan oo dadku ku kalsoonaan karaan, waxaannuna si joogto ah ugu dhiirigelinaynaa Madaxweynaha Soomaaliya inuu dad badan ka qaybgeliyo dhismaha siyaasadda, waxaan filayaa haddii aynu eegno wixii Somaliland samaysay oo ah in madaxdhaqameedka iyo odayaashu door ka qaataan dib-u-heshiisiinta oo waqti la siiyo sidii xal loo heli lahaa, iyadoo hab-dhaqameed loo marayo sida Somaliland samaysay in la fadhiisto geedka hoostiisa ilaa laga helay xal isu-tanaasul. Sidaa daraadeed waxaannu rajaynaynaa in khibradaas wanaagsan ee Somaliland samaysay in laga isticmaalo Koonfurta Soomaaliya si looga dhimo dhaliyo nabad waarta.” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 23, 2010 Indeed somaliland is the greatest example when it comes to traditional way of finding peace for its people Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 23, 2010 “Waxaannu beesha calaamka kala shaqaynaynaa in la koriyo hannaanka siyaasadeed ee Muqdisho yaala, si helo dawlad degan oo dadku ku kalsoonaan karaan, waxaannuna si joogto ah ugu dhiirigelinaynaa Madaxweynaha Soomaaliya inuu dad badan ka qaybgeliyo dhismaha siyaasadda, waxaan filayaa haddii aynu eegno wixii Somaliland samaysay oo ah in madaxdhaqameedka iyo odayaashu door ka qaataan dib-u-heshiisiinta oo waqti la siiyo sidii xal loo heli lahaa, iyadoo hab-dhaqameed loo marayo sida Somaliland samaysay in la fadhiisto geedka hoostiisa ilaa laga helay xal isu-tanaasul. Sidaa daraadeed waxaannu rajaynaynaa in khibradaas wanaagsan ee Somaliland samaysay in laga isticmaalo Koonfurta Soomaaliya si looga dhimo dhaliyo nabad waarta.” Indeed .................... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted September 23, 2010 War fiican! Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted September 23, 2010 Denmark ma dowlad baa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted September 23, 2010 Originally posted by The Zack: Denmark ma dowlad baa? oo hada ma jabhad baad mooday Quote Share this post Link to post Share on other sites