Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 9, 2008 Warbixin: Duqeynbtii Magaalada Dhuusamareeb Cabdulaahi Axmed Nuur 8 jir, walaalkiis ayuu la jiifay markii uu dhimanayey C/laahi Axmed Nuur oo ah wiil 8Jir ah oo walaakiis ay hal joodari isla jiifeen uu ku geeriyooday duqeynta wuxuu sheegay inuu ka dhaxlay duqeyntaas cabsi iyo naxdin daran oo xilliga habeenkii ah iyo riyooyin argagax leh oo uu ku soo baraarugo goor walba oo uu hurdo. “Walaalkey waxaan isla jiifnay hal joodari, ilaah ayaa ku shuqul leh qadartaas, aniga waxba ima gaarin, isagiina wuu googo’ay hilibkiisa, isla meeshii aan iska jiifnay ayeyna nafta kaga dhacday, walaasheyna iyadoo dhaawac ah oo lug iyo gacan ay ka gooyeen qaraxyadii ayaa isbitaalka loo qaaday laakiin inta aanba la geyn ayey dhimatay” ayuu yiri C/laahi. “Hadalkii walaashey waxaan ka xasuustaa inay laheyd walaaloow...walaaloow...mararka qaar waxaan hurdada ka soo naxaa iyadoo aniga I dhaheysa walaaloow” ayuuna sii raaciyey. Markii uu C/laahi ka sheekeeyey wixii uu ka dhaxlay dhibaatada ka soo gaartay duqeynta Mareykanka wuxuu yiri “Habeenkii waan naxaa haddii aan arko wax iftiin ah oo iiga muuqanaya meel fog, waayo waxey iila ekaanayaan dhimbilihii kuleylka badnaa ee korka nagaga soo daatay markii gurigeenii uu gubanayey, sidoo kalana mar walba oo aan seexdo waxaan ku riyoodaa qarixii, ka dibna anigoo qaylinaya ayaan soo kacaa” Xaliimo C/Rasaaq Nuur oo ah gabar yar oo 9jir ah, isla markaasna uu dhalay C/laahi adeerkii iyada dhamaanba hadalkii ayey gabtay, waxaana iyadoo hadasha ugu dambeysay habeenkii qaraxa uu dhacayey. Saskii iyo naxdintii ayaa dhaxalsiiyey in hadalkii ka soo bixi waayo, marka lala hadlana indhaha oo qura ayey dadka ka eegtaa, mana awoodo in ay kuu jawaabto. Qoyska waxaa intaas u dheer in ay shaki ka qaadeen guri kasta oo weyn ama u dhisan sida fillooyinka, waxeyna u maleeyaan in la bartilmaameedsanayo guryaha fillooyinka ah oo dhan. Waa laga soo raray meeshii ay deganaayeen, waxaa guri aad u yar oo cariish ah looga dhisay duleedka galbeed ee magaaladda, halka ay markii hore deganaayeen duleedka bari oo ah halka ugu dambeysa dhismayaasha magaaladda oo uu ku yaalay gurigii Mujaahid Aadan Cayrow Ilaah ha u xanariistee. Ma ahan qoyskan oo kaliya kuwa ay dhibaatadu gaartay, balse waxaa la wadaaga dhibanayaal badan oo ka mid ah qoysaskii la ollogga ahaa guriga la duqeeyey. Dhibaatooyinka laga dhaxlay duqeynta waxaa ka mid ah; dadkii oo ay qaar waasheen, waxaana ka mid ah haweeney todoba caruur ah heysata oo ku waalatay naxdintii qaraxa, sidoo kalana laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa ka mid ah dadka kuwaashay jugtii dhacday xoogeeda . Inkastoo aanan ogolaansho u heysan in aan magacooda sheego, haddana waxaa jira ilaa laba rag ah oo iyaga jugtii dhacday ka dib iska waayey raganimadii. Nin ka mid ah oo ogolaaday in aan soo xigano ayaa wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii deriska la ahaa Aadan Cayrow, goobjoogna u ahaa xilliga jugta ay dhacday. Wuxuuna yiri “ Aniga deris baan la ahaa marxuumkii gardarrada lagu dilay, markii ay wax dhaceenna waxaan ka mid ahaa dadkii guriga u soo gurmaday ee meydadka wax ka soo fagay, aburtii iyo uuradii sunta oo igu baxay ayaan waxaan ka dhaxlay xanuuno ay ka mid yihiin kor cuncun, indho-xanuun iyo qufac, dhawr maalmood dabadoodna waxaa iga tagtay awooddii xagga raganimada ” Ninkan oo markiisii hore ka soo qaxay magaalada Muqdisho dagaaladda awgood wuxuu Dhuusamareeb ku heystaa tiro caruur ah iyo hooyadood, wuxuuna sidoo kale sheegay inuusan kaligiis aheyn oo ay jiraan dad kale oo raganimadoodii wax gaareen. “ Ilaa hal qof oo aan saaxiibo nahay ayaan hubaan inuu isagana sidoo kale dhibkaas ila qabo dad kale oo dhibkoodii qarsanayana waa jiri karaan ” ayuuna sii raaciyey hadalkiisii. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 9, 2008 Xabiibo Max'ed Aaden Hooyo Xabiibo Maxamed Aadan oo ah hooyadii dhashay Mujaahidkii da’da yaraa, Aadan Xashi Cayrow ee ay Mareykanku ku beegsanayeen duqeyntooda oo aan ku wareystay meel 80km u jirta magaalada Dhuusamareeb ayaa waxey ka sheekeysay dareenkeeda iyo sida ay u aragto sababaha wiilkeeda loo dilay. Iyadoo dhabanada heysata, ooyeysa, misana ka tiiraanyeysan awoodda loo sheegtay wiilkeeda ayaa waxey tiri “waxaan garan la’ahay sababta wiilkeyga uu khatar ugu ahaa Mareykan, wiilkeya Dhuusamareeb ayuu joogay, Dhuusamareebna dhul Mareykan ma ahan, waa dhul Soomaaliyeed waa dhulkii Islaamka, waana dhulkii isaga gobal ahaan uu ka soo jeeday” Waxey intaas sii raacisay “wiilkeyga Aadam wuxuu ku dhashay degmada Xaradheere ee gobalka Mudug taariikhu Markey aheyd 1975kii, intaas ka dibna wuxuu ahaa nin akhlaaq wanaagsan oo aad baari iigu ahaa, mana aheyn qof dadka dhiba, laakiin isagii ayuu cadow dhibay” Inkastoo ay aad uga murugooneysay dilka wiilkeeda, hadana waxey aaminsan tahay inuu wiilkeedii ku dhintay jid sax ah oo xaq ay aheyd inuu ku dhinto, “Aadan nin raga buu ahaa, wuuna dhiman lahaa oo muu waareen, mar haddii isagoo Allaah u adeegaya uu dhintay waa ilaah mahaddiisa, laakiin waxey tiiraanyadeedu ideyn la’dahay in la yiraahdo argagaxisuu ahaa.” ______________ Dhakhtarka kaliya ee deegaanka ku sugnaa oo ah xiriiriyaha Hay’adda SAHED Dr. Axmed Maxamed Mahdi ayaa wuxuu ka warbixiyey duqeyntii ka dib xanuunada ugu badan ee ay arkaan iyo wax yaabihii ay sida gaarka ah u diiwaangeliyeen ee ay u arkeen in ay noqon karaan saameyn ka dhalatay duqeynta. Dr. Axmed wuxuu yiri “dadka oo dhan waxey ku jiraan xaalad sas ah, way walbahaarsan yihiin, anaga ayaa ka mid ah dadka uu saska iyo walbahaarka haayo, sababtuna waxey tahay wixii halkaan ka dhacay oo ahaa wax ka tan weyn wax uu damiirka aadmiga u adkeysto” Wuxuuna Dr. Axmed intaas ku daray “dadku waa masaakiin sabool ah, xilligan uma baahneyn in dagaal iyo duqeyn lagu argagaxiyo, ee waxey u baahan yihiin in loo kaalmeeyo, waayo xoolihiina gacmahooda waa dhaafeen abaarihii baa ka dhameeyey, sicir bararna wuu hayaa” Dr. Axmed wuxuu sheegay in Isbitaalka magaalada Dhuusamareeb ay ka sameeyeen qeyb diiwaan galisa cudurada ama waxyaabaha aan horey deegaanka looga aqoonin ama ka dhashay duqeyntii sunteedii. Wuxuuna dhakhtarka ku waramay in ay hayaan kiisas ay diiwaan galiyeen inta ay ku guda jireen hawshaasi is xilqaanka ah. “ Dhibaatooyinka ay dadka ka sheeganayaan ee aan diiwaangalinay qaarkood waxaa ka mid ah kor cuncun, indhihii oo cuncuna habeenkiina aragga uu ka tago, dhamaan dadka noo imaanaya oo wada traumatic ah, qufac aan kala go laheyn iyo waxyaabo kale ” ayuu yiri dhaktarka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 9, 2008 CABSIDA LA WEHESHADO Magaaladda Dhuusamareeb waxey leedahay oraahyo soo baxay xilligan dhaw oo erey-bixin u ah hadba xaaladda jirta. Odey ka mid ah dadka magaalada ku dhaqan oo aan kula sheekeystay geed uu ku hoos cayaarayey shax “jaro” ayaa wuxuu iigu waramay sidan. “ Weriye halkaan waxaan ku heynaa cabsi la weheshado iyo baahi la dugaashado ” ayuu igu yiri mar aan weydiiyey ka waran xaaladda nololeed ee magaaladda?. “ Cabsida la weheshado waa Alshabaab, waayo iyagana waan ka cabsanaa, in weerar iyaga lagu soo qaaday dartiis dhib noo gaarana waan ka baqanaa, laakiin waa noo fiican yihiin oo waxaan ka dugaashanaa tuugadii dadka dhici jirtay iyo ********tii dadka u dili jirtay sida macno la’aanta ah, waayo iyaga oo jooga laguma dhici karo, lagumana dili karo oo way difaacaan qofka la dulminayo ” ayuu sii raaciyey. Mar uu sharaxayey waxa uu ula jeedo baahida la dugashado wuxuu yiri “ waxaa jira hay’ado gargaar oo mar mar halkaan keena masago yar yarey, nama dherjiyaan oo wax nagu filan ma keenaan, hadana waan dugsanaa oo hay’adihii baa raashiin keeni doona ayaan nafta ku sabarsiinaa ilmahana ku sasabnaa ” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 9, 2008 RAYIGA NIN KU WAASHAY DUQEYNTA Kuma aanan koobin xog uruurinteyda dadka miyirka qaba oo kaliya, laakiin waxaan isku dayey in xitaa aan dareenkooda waydiiyo qaar ka mid ah dadkii ku waashay dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb. Wiil dhalinyaro ah oo la ii sheegay inuu mar hore qabay xanuuno dhanka maskaxda ah balse si toos ah ugu dhuftay markii qaraxa uu ka dul dhacay ayaan la sheekeystay. Magciisa sheegi maayo maadaama uusan miyir qabin, wax ehelkiisa ahna aanan ila joogin markii aan wareystay, waxaanse sheegayaa oo kaliya qaarka mid ah hadaladii aan wadaagnay. Waxaan weydiiyey xaaladiisa caafimaad, wuxuu iigu jawaabay “Alxamdulilaah…aad baan u wanaagsanahay…” waxaan kaloo weydiiyey maxaa kugu dhacay, wuxuuse iigu jawaabay “anigu waan fiicnahay, laakiin waxaan la yaabanahay dadka xitaa hadii la dilay iska sii nool” Waxaan sii waydiiyey “yaa la dilay oo weli sii nool?” wuxuuna iigu jawaab celiyey “dadka reer Dhuusamareeb oo dhan waa la dilay, qolo la yiraahdo Ameerikaan ayaa dishay, welina waa iska nool yihiin” Quote Share this post Link to post Share on other sites
money Posted July 10, 2008 MMA and all other forums, I think we need to translate these articles into English and other languages. The world must hear the plight of these innocent children and families who are victims of BUSH terror. Let us send email to the author Mr. Al-Badri and ask him permission to translate this. It is so sad and we seem helpless to do anything about it. At least raising awareness and sharing these stories with people of good conscience: Ant-war, peace and human rights activists will expose the terror of the Bush Admin on poor innocent families and children in Dhoobleey, Dhuusamareeb and all over Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 10, 2008 Saaxiib, Abuukar Albadri himself sometimes freelances for Los Angeles Times. Marka he himself can translate if email loo diro, I am sure he is capable to without anyone else taking the liberty to translate his article. Quote Share this post Link to post Share on other sites