Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland: The Security is Tight in all the Airports and Checkpoints

Recommended Posts

Ciidamada Nabadsugida Jamhuuriyada Somaliland ayaa la geliyay heegankii ugu sareeyay si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada xubno calaamadeeysan oo looga shakisan yahay inay qorsheeynayaan safar ay ku tagaan Muqdisho si ay dhaqaale kaga soo qaataan Dowlada Cabdilahi Yusuf.

 

Nabadsugida Saraakiil sare oo ka tirsan ayaa la dhigay Garoomada diyaaradaha iyo kontoroolada dhinaca barri si ay uga qaybqaataan baaris lagu sameeynayo gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Somaliland sida ay Waagacusub ugu xog warameen Saraakiil sare oo ka tirsan Xukumadda.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Cabdilahi Cirro ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray si qotto dheer ugu faahfaahiyay ciqaabta la marsiin doono qofkii lagu qabto isagoo shirkaas ka qaybgalaya isagoo u cuskaday sida dastuurka dalka dhigayo ee Qiyaano Qaran.

 

Si kastaba ha ahaatee tilaabooyinka Melleteri ee Jamhuuriyada Somaliland ay ku ugaarsaneeyso shaqsiyaadka damcinayay inay shirkaas ka qaybgalaan ayaa noqday mid qalqal badan geliyay ergo la filayay inay Laascaanood tagaan kuwaas oo iska baaqsaday iminka sida muuqato,waxaana walaaca ugu badan ergadaas ka wajahay kadib markii caro la mida tan Xukumadda Somaliland ay shirkaas ka bixiyeen shacabka Somaliland oo ku dhawaaqay inay tilmaamayaan cid kasta oo qorsheeyneyso inay shirka Cali Mahdi ka qaybgasho.

 

halkan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this