Sign in to follow this  
MoonLight1

Breaking news: Hizbul Islam DEFEATED, Aweys in hiding.

Recommended Posts

WAR DEG DEG: Dagaalka Kismaayo oo lagu kala baxay, Meydad iyo dhaawacyo daadsan wadooyinka

 

Dagaalkii saaka waabarigii ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa goor dhow soo gaba gaboobay, kadib markii Xarakada Alshabaab ay la wareegtay guud ahaan magaalada oo ay ka awood roonaatay dhinacyadii ay la dirireysay.

 

Wararka ayaa xaqiijinaya inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaaray, waxaana jira qasaare xoogan oo shacabka lagu dul dagaalamayay soo gaaray.

 

Ilaa 9-ruux oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalka, halka 40-kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka oo ahaa mid saf ballaaran ku socday.

 

Xoogaga Alshabaab ayaa lagu arkayaa goobihii dagaalka saaka ka bilowday ee ay ku sugnaayeen maleeshiyaadkii uu watay Axmed Madoobe, gaar ahaan Aargada, Xeradii Koongo iyo Xaafada Via Afmadow.

 

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in xaalada magaalada ay degan tahay, dadkuna ay isugu soo baxeen wadooyinka si ay xaalada u ogaadaan, kadib markii saacado dagaalo xiriir ka socdeen.

 

Dhinaca kale Ciidamadii uu watay Axmed Madoobe ayaa dibada uga baxay magaalada Kismaayo, iyagoo qabtay dhanka Dhoobley oo markii hore ay ka yimaadaan.

 

Ma jirto wax war ah oo labada dhinac ka soo baxay oo ku aadan dagaalada, hase ahaatee dagaalka ayaa rasmiyan u muuqda mid lagu kala baxay oo qolo ay dhankeeda xigsatay magaalada.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

 

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Daahir oo ay soo wajahday cabsi wayn kadib markii ururkiisa looga adkaaday Kismaayo dagaalo gaaban ay la galeen ururka Al shabaab.

 

Warar aan ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in hogaamiyaha Xisbul Islaam la soo daristay cabsi wayn eek u aadan nolashiisa kadib guur darada ka soo wajahday ururkiisa dagalada ay kula galeen ururka Al shabaab magaalada Kismaayo, ayadoo la sheegayo in uu bilaabay dhuumasho lagana dareemay cabsi aan horay loogu aqoon Xasan Daahir oo ahaa ninkii ka danbeeyay dhibkii dagaalada ka socda magalada Muqdisho.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhamaan madaxda ururka uu hogaamiyo Xasan Daahir xalay laga wada waayay guryahooda, ayadoo lagu macneeyay cabsi ay ka qabaan ururka Al shabaab oo la sheegay in ay bilaabeen in ay horaba u tageen guryo ay daganayeen madaxda ururka Xisbul Islaam xalay saqdii dhexe, ayadoon la sheegayo in ay ku jiraan dhuumasho ama qaarkood bilaabeen xiir toos ah la sameeyaan dowlada si ay naftooda u bad baadiyaan.

 

Goolaha Alshabaab ayaa lagu macneeyey dad mada leh halmeeelna isku la dhimanaayo madaxooda iyo askari waana tan keentay guusha aan dhamaadka laheyn

 

IDhinaca kale waxaa la sheegaya ururka Al shabaab oo qaabaynaya in ay ka taqa lusaan dhamaan madaxda Xisbul Islaam iyo kuwa maal galiyo ururkaas oo ay ka mid yihiin Abuukar Cumar Cadaan oo la sheegay in madaxda Al shabaab in ay amreen qabashadiisa kadibna la gowraco , ayagoo ku macneeyay mid maal galiya waxa ay ugu yereen kuwa ridoobay oo ka soo horjeestay fulinta diinta Islaamka waa sida ay hadalka u dhigeene.

 

Xarakada Alshabaab oo xiligaan ah awoda ugu sareysa Soomaaliya lana dhihi karo waa dalabaankii Soomaaliya ayaa la sugayaa in ay hubka ka dhigaan Xoogag Xusbul islaamiyiinta madaama horay uga dhigeen hogaamiyaashii kooxa iyagoona qabo in dalka oo dhan ay ku adkadaan.

 

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Madoobe oo laga saaray magaalada Kismaayo

 

Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inu magaalada Goor dhoweyd isaga baxay Axmed Madoobe oo ah Hoggaamiyaha Maleeshiyo Qabiileedka Xizbul Aslaam maalmahan dambe qas iyo dhibaato ka woday magaalada Kismaayo

 

Waxana la soo sheegaya in Axmed Madoobe u banaanka hore ee magaalada u baxay in kasta oo weli dagaalku ka socdo magaalada Banaankeeda, Dagaalkan oo bilowday Saaka subaxii hore ayaa la sheegay inay ku geeriyodeen Saraakiil ka kala tirsan Xizbul islaam, Dhanka dadka shacabka ah ayaa al sheegay inay ka geeriyoodeen Saddex ruux, Waxana ku dhaawacmay dad shacab ah oo dhan Ilaa 20 ruux

 

Dhanka Xizbul Islaam ayaa la sheegay inay ka geeriyooden ilaa 9 Askaari oo u ku jiro Sarkaal sare, waxa kale oo ka dhawaacmay in ka badan 25 Ka tirsan Maleeshiyadooda

 

Magaalada ayaa la sheegay in xiligan aay dhamaan wadooyinka ku sugan yahiin Ciidanka Mujaahidiinta Alshabaab, Dhanka Garoonkad diyaaradaha ee Kismaayo ayaa la sheegay inay ku sugan yahiin ciidamo ka tirsan Jabhada Caanoole waxana jira warar sheegaya in caanoole ka baxay Fikirkii hore ee la dagaalanka Mujaahidiinta waxana la sheegay inay isku dhiibeen Alshabaab Almujaahidiin

 

Boondheere.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this