Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Silanyo hold talks With The house of lords

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo iyo Xildhibaannada Guurtida oo Jilbaha Isdhigay Kulanka Garnaqsi ah

Madaxweyne Siilaanyo iyo Xildhibaannada Guurtida oo Jilbaha Isdhigay Kulanka Garnaqsi ah

5189Gurtisilanyo.jpg

Nuqurka qodobadda xaasaasiga ah ee lagu lafaguray kulanka Madaxweynaha iyo Guurtida & natiijada ka dhalatay

 

Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyo madaxweyne-ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xildhibaannada Golaha Guurtida, ayaa shalay jilbaha isku dhigay kulan xaasaasi ah oo lagaga arrinsanayey go’aankii muddo-kordhinta Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiillada) iyo Golayaasha Deegaanka.

 

Kulan qado-sharaf ah oo madaxweyne Siilaanyo hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kula yeeshay xildhibaannada Guurtida gelinkii hore ee shalay, ayaa lagu lafaguray waxa laga yeelayo muddada dheer ee Guurtidu u kordhisay baarlamaanka iyo Golayaasha Deegaanka, iyadoo labada dhinac midkastaa goonidiisa u watay ajande uu shirka la yimi iyo aragtiisa ku waahajan muddo-kordhinta goleyaasha qaranka.

 

Shirkaas oo ahaa mid albaabadu xidhnaayeen oo aan saxaafadda loo oggolayn, ayaan si rasmi ah loo ogayn waxyaabaha sida gaarka looga dooday iyo natiijada la isla meeldhigay. Haseyeeshee, sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xildhibaanno kulankaas ka qaybgalay oo codsaday in aan la magacaabin, waxa madaxweynuhu ku dooday in muddo-kordhinta dheer ee guurtidu samaysay tahay mid aan la aqbalin karinoo dhaawacaysa hannaanka geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee ka hanaqaaday Somaliland, isla markaana xisbiyada iyo komishanku isla qaateen in doorashooyinku ku qabsoomi karaan muddo sannad ah.

 

Waxa kaloo madaxweyne Siilaanyo uu ka codsaday mudanayaasha Guurtida inay dib ugu noqdaan go’aanka ay muddada ugu kordhiyeen labada gole Baarlaman iyo Golayaasha Deegaanka, isagoo dalbay inay muddo-kordhinta ka dhigaan ku sargo’an waqti kooban oo doorashooyinka lagu qaban karo, isaga oo dalbaday in muddo-kordhinta lagu soo koobo laba sanno oo qudha, maadaama komishanku sheegeen inay sannad gudihii ku qaban doonaan doorashooyinka golayaasha.

 

Haseyeeshee, sida ilahaasi tibaaxeen soo jeedinta madaxweynaha waxa ku gacan-saydhay xildhibaannada guurtida oo ku adkaystay in go’aankooda muddo-kordhintu yahay mid dastuuri ah oo aan laga noqon Karin, balse waxay soo jeediyeen inay diyaar u yihiin haddii doorashooyinka lagu qaban karo wakhti ka yar muddada ay kordhiyeen.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre oo kulankaas uga xog-warramay telefishanka madaxabannaan ee HCTV shalay, ayaa sheegay in la isla qaatay in guurtidu aanay ka noqon karin go’aankoooda dastuuriga ah, laakiin diyaar u yihiin haddii doorashooyinka lagu qabanayo wax ka yar muddada ay xillka u kordhiyeen golayaasha.

 

“Horta saxaafadda lalama hadlayo ayaa la yidhi oo yaan sheekhiibaa wax yidhi la odhane waxa lagu heshiiyey markaad waxkasta oo doorashooyinka ka horreeya aad dhammaysataan doorasho kasta qabsada xliliga aad doontaan¸ muddada aanu kordhiyey mid ka horreysa haddii doorashooyinka lagu qabanayo ma diidanin oo diyaar baanu u nahay, balse duruufaha badan ee ina horyaal in si degdeg ah wax looga qabto.

 

Golaha guurtidu diyaar uma aha inuu go’aankiisa ka noqdo, laakiin hadday u muuqato muddada aanu kordhinay mid ka horreysa in doorasho lagu qabto diyaar baanu u nahay oo ma diidanin,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo saraakiisha madaxtooyada, ayaan dhinacooda ka hadal kulanka ay la yeesheen xildhibaannada Golaha Guurtida iyo qodobadda la isla meeldhigay, balse siday xaqiijiyeen xildhibaannada kulankaas ka qaybgalay, ugu dambayntii madaxweynuhu wuu ku qancay soo jeedinta Guurtida ee ah in aanay waxba ka qabin haddii doorashooyinka lagu qaban karo waqti ka horreeya muddada ay kordhiyeen.

 

Dhinaca kale, warsaxaafadeed xalay cawayskii laga soo saaray qasriga Madaxtooyada oo lagu faahfaahiyey natiijada kulanka martiqaadka ah ee dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

 

“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyo Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa mudanayaasha Golaha Guurtida qado-sharaf ugu sameeyey shalay duhurkii hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

 

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey ee ay wada yeeshaan Madaxweynaha iyo mudanayaasha Golaha Guurtidu muddadii gaabnayd ee uu xilka madaxtinimada dalka hayay, waxa uu madaxweynuhu golaha xog-warran ka siiyey xaaladda dalka ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo siyaasadda.

 

Waxa kale oo uu madaxweynuhu uu ku ammaanay golaha xilka ay qaranka u hayaan.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xildhibaannada uga warramayey ujeedda uu casuumadda ugu sameeyey, ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey dhaqanka talo-wadaagga ee Somaliland iyo qiimaha uu ugu fadhiyo jiritaanka qaranimada Somaliland oo ku soo caano maashay, waxaannu Madaxweynuhu tilmaamay inay Somaliland weligeedba dhaqan u ahayd is-qancinta, isu talaansulka iyo isaga garaabidda hadba arrinka markaa la hayo ee taagan, sidaa darteedna maantana loo baahan yahay in Somaliland marxaladdan kaga gudubto dhaqankeedaa wanaagsanaa ee ay ku soo liibaantay.

 

Madaxweynuhu waxa kaloo auu faaffaahin mug leh ka bixiyey geeddi-socodka dimuquraadiyada iyo dib-u-dhicii muddada dheer soo jiitamayey ee ku yimi doorashooyinka golayaasha iyo tii madaxtooyada ee dhawaan dalka ka qabsoontay, waxaanu sheegay in natiijadii doorashada Madaxtooyada iyo sidii wanaagsanayd ee ay ku dhammaatay soo jiidatay beesha caalamka, dlkeenuna sumcad weyn ka helay.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in go’aankii muddo-kordhinta ee uu dhawaan Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Golaha Wakiilladu, dhinacyada uu khuseeyo ee kale iyo bbeesha caalamka ee Somaliland ka taageerta doorashooyinkaba uu ugu muuqday mid ka badan muddo doorashada lagu qaban karo, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la rog-rogo oo sidii Somaliland dhaqanka u ahayd laysla soo dhaweeyo, iyada oo aannu dhinacna ku dhegayn awoodaha uu leeyahay.

 

Madaxweynuhu isaga oo ixtiraamaya oo qadarinaya karaamada iyo sharafta Golaha Guurtidu leeyahay waxa uu mudanayaasha ka codsaday inay ka wadahadlaan sidii ay xeego-xeego u noqon lahayd, ilkana u nabad gelilahaayeen ee doorashadu u qabsoomi lahayd xilli kan ka horreeya oo ugu badnaan ku siman laba sannadood.

 

Dhawr mudane oo u hadlay xildhibaannada Golaha Guurtida ee casuumadda ka qaybgalay oo dhamnaa in ka badan konton xildhibaan, ayaa iska daba maray mahadnaq ay madaweynaha uga mahad-celiyeen casuumaddan iyo xog-warranka buuxa ee uu ka siiyey xaaladda dalka.

 

Mudanayaashu waxay ku dheeraadeen in Golaha Guurtidu niyadsami ku qiimeeyey xaaladda dalka iyo duruufaha ku xeeran doorashada, waxaanay ku nuux-nuuxsadeen qabyada ka jirta sharciyada doorashadu u baahan tahay, dhaqaale xumida ay la kulantay xukuumaddan cusub iyo daynta xad-dhaafka ah ee xukuumaddii hore ka tagtay iyo weliba duruufaha nabadgelyo ee dalka ku xeeran. Sidaa awgeed, ayey mudanayaashu yidhaahdeen waxaanu ku qanacsannahay in ay muddadani ku yar tahay u diyaargarawga doorashada, balse iyaga oo gole ahaan qadarinaya, ixtiraam weyna u haya codsiga madaxweynaha, isla markaana og in aanay marka horeba dan gaar ah ka lahayn muddadan ay go’aamiyeen ee ka ahayd uun mid ay qaranka dan u modeen, waxay mudanayaashu si buuxda igugu raaceen inay madaxweynaha u ballanqaadayaan in aannu go’aankoodani noqon doonin mid caqabad ku ah doorashada hadday qabyadu dhammaato xilli muddadaas ka horreeya, sidaa darteed gole ahaan madaxweynaha u ballanqaadayaan in marka ugu horreysa ee la qabyotiro hawsha qabashada doorashada ay diyaar u yihiin inay madaxweynaha ku taageeraan mowqifkiisa,” ayaa lagu soo gunaanaday warsaxaafadeedka.

 

 

 

 

Jamhuuriya Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this