Sign in to follow this  
General Duke

At the Gates of Villa Somalia : Al Shabaab seige

Recommended Posts

Muqdisho:Saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo Alshabaab isku dhiibtay.

21. juli 2010

 

Muqdisho:(Allpuntland)-Warar hoose saaka lagahelayo Jiidaha dagaalka ee Magaalada Muqdisho ayaa kusoo waramaya in Ciidamo kamid ah Ilaalada Madaxtooyada Villa-Soomaaliya islamarkaasna ay Horboodayaan saraakiil siweyn looga yaqaano Madaxtooyadu ay goordhaweyd isku dhibeen dhaqdhaqaaq Diimeedka Alshabaab oo dagaalo culus la hortaagan Villa Soomaaliya,waxaana ay wararku intaas ku darayaan in ay Askartan & Saraakiishooda soo dhaweeyeen Madaxda Wilaayada Islaamiga ee gobolka Banaadir uqaabilsan Alshabaab.

 

Wararku waxay intaas kudarayaan in Saraakiishan uu kamid yahay Sarkaalkii ugu sarayeeyey Guuto dhanka wadada Sayidka ka ilaalinayasa Villa-Soomaaliya kaas oo lagu Magacaabo Cabdullahi Cali Caanood & Ilaaladiisii islamarkaasna uu codsaday in aan waxba la yeelin maadaama uu isku soo dhiibey Dhaqdhaqaaqa Alshabaab,waxaana sidoo kale Sarkaalkan la sheegey inuu imika Warbixino siinayo madaxda Alshabaab ee soodhaweysay islamarkaasna uu ka hadlayo Sababta ku kaliftay isdhiibistiisa & Jiidii uu joogay.

 

Afhayeenka dhanka dagaalada ee Alshabaab oo goordhaweyd Warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa xaqiijiyey isdhiibida Sarkaalkan,waxaana uu intaas ku daray in goordhow ay Warbaahinta usoo bandhigayaan Ciidmadan & Saraakiisha isku soo dhiibtay Ururkiisa oo uu sheegey inay Hub aad u badan oo Culus wataan islamarkaasna ay kamid noqonayaan mujaahidiinta waasida uu Warbaahinta u sheegaye.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dagaalo maalin 3-aad

20 Jul 20, 2010 - 6:34:25 PM

 

Maalintii sadexaad ayay dagaalo u dhexeeya DF, AMISOM iyo Al-shabaab ka socdaan degmooyinka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho, waxaana dagaaladaas ay sababeen dhimashada 9-qof oo ay ku jiraan dhinacyada hardamaha iyo dhaawaca 15-qof oo kale.

 

Dagaalka ayaa waxaa barbar socday duqeymo culus, iyadoo ciidamada AMISOM ee lugta ay dagaalka maanta ku jireen, waxaana dagaalka xoogiisa uu ka dhacay gudaha degmada Boondheere oo tan iyo shalay la isku haystay.

 

"Maleeshiyada Al-shabaab waxay soo gaareen isku xira Nasiib-buundo iyo Maana-bolyo, saakay ayna isaga baxeen markii dagaal xoogan lagu qaaday, waxaase ay dagaaladu ka socdaan agagaarka saldhiga iyo xarunta maamulka" ayuu yiri ruux magaciisa qariyay oo la hadlay Garowe Online.

 

Goobjoogahan ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dad badan oo awoodi waayay inay isaga baxaan degmadaas oo ay dagaaladii ugu xumaa ka dhaceen bilahan, isagoo sheegay in guryaha qaarkood ay ku dhaceen madaafiic khasaare sababay.

 

Ma'suuliyiin u hadlay Isbitaalada la geeyay dhaawacyada ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkii dhaawacyada loogu keenay ay dhinteen intii ay howlaha caafimaad u wadeen, waxaana dhinacyada dagaalamaya kala gaaray khasaare fara badan.

 

"Waxaa goobaha dagaalku ka socday lagu arkayaa maydadka askarta DF iyo xoogaga Al-shabaab oo halkaas daadsan, rasaastuna waxay u socotaa si xoogan" ayuu yiri Askari ku dhaawacmay dagaalka oo saxaafada si hoose ula hadlay.

 

Madaafiic culus ayaa ku dhacayay degmooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaasoo sababay inay khasaare ka gaarto dadka shacabka ah oo ku sugnaa degmooyinkaas, inkastoo qaybaha Waqooyi ee Muqdisho si aad looga qaxay shalay iyo maanta.

 

Xil. Cumar Islow oo ka mid ah xeer-ilaaliyeyaasha Baarlamaanka DF ayaa maanta ku dhaawacmay rasaas aan la garanayn halka ay ka timid, taasoo kula dhacday illinka hore ee Hotel Weheliye oo uu dagan yahay, waxaana dhaawiciisa la dhigay Madina Hospital, iyadoo dhaawiciisa lagu sheegay mid fudud.

 

Dagaalada u dhexeeya DF iyo Al-shabaab ayaa noqonaya kuwii ugu cuslaa ee ka dhaca Waqooyiga Muqdisho todobaadyadan waxaana ku dhintay 75-qof, waxaana ku dhaawacmay 100-qof oo kale.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

It will be no more than a pyrrhic victory for any group that wins... Al Shabaab are close to overuning the Villa, but what then? the African Armada is coming.

Share this post


Link to post
Share on other sites

More African troops will not bring any solution the al shabaab group will just continue their path to paradise and unfortunately continue the war they can justify their jihad

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^They dont stand a chance against real troops, and they dont have the support of the masses. Their days are numbered but peace is still away at this time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this