Sign in to follow this  
General Duke

Confusion, leads to failure for warlords in Mogadishu...

Recommended Posts

Muqdisho: Fashil soo food saaray qorshihii wasiirada Muqdisho jooga ay ku doonayeen inay fariisin uga dhigtaan degmada Balcad.

- Tuesday, September 20, 2005 at 14:54

 

Muqdisho(AllPuntland)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan inuu fashil soo food saaray qorshe lagu doonayay in kulan uu ka dhaco magaalada Balcad kulankaasoo dhexmaraya xubnaha golaha wasiirada ee Muqdisho kusugan.

 

 

 

Kulan ay labadii maalmood ee ugu danbeeyay lahaayeen golaha wasiirada ee Muqdisho kusugan iyo waliba xildhibaannada ay isku ujeedada yihiin ayaa hakad ku yimid kadib markii lagu heshiin waayay qodobbo lagu soo ban dhigay kulamadaasi.

 

 

 

Qodobadaasi waxaa kamid ah in waan waan lala qaato qaar kamid ah madaxda dawladda ee kusugan Jowhar , waxaa kaloo laga wada hadlay in dadka gobolka u dhashay ay kasoo horjeedaan inuu isu imaatin ka dhoco degmada Balcad.

 

 

 

Hadal haynta shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Balcad ayaa aad uga jirta magaalada Muqdisho oo haatan fariisin u ah qayb kamid ah golaha wasiirada , waxaana dadwaynaha magaalada Muqdisho ay walaac ka muujiyeen in is bahaysi cusub oo lagu soo sameeyay magaalada Baraawe fariisin u noqdo Balcad, taasoo dalka u horseedi karta bur bur kale.

 

 

 

Waxaa meesha ka maqan fikrad la isku raacsan yahay oo kusaabsan in lagu dhaqaaqo qorshaha Balcad , ayadoo wasiirada qaarkood ay ku tilmaameen in Balcad laga dhigto fariisin ay soo da dajin karto colaad aan meesha looga baahnayn.

 

 

 

Maalin ka hor duqowda iyo waxgaradka beelaha Muddullood ayaa ku gacan sayray in uu wax shir ah ka dhoco Balcad ayadoo xilligaasina uu ogolaansho bixinayo masuulka ka taliya Balcad oo ah Wasiirka Ganacsiga DFKGS Muuse Suudi Yalaxow.

 

 

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bare - Wadahadal, Muuse - Wadashaqeyn, Xaabsade - Dagaal

 

Muqdisho:- Waxaa maanta maalintii 3aad galay shirka magaalada Muqdisho uga furmay hogaamiyaasha kasoo horjeeda Dowlada Jowhar fadhida, ayadoo weli lagu kala qeybsan yahay dhanka fikirka.

 

Maanta ayey markale isugu yimaadeen magaalada Muqdisho xubnaha kamid ah Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada Federaalka ee ayagu kasoo horjeeda Qorshaha Dowlada Federaalka ee fadhida magaalada Jowhar.

 

Shirkan ayaa socda ayadoo weli la isku heysto qaabkii loo wajihi lahaa 9 qodob oo shirkaasi markii hore loogu talo galay in looga doodo.

 

Xubnaha Muqdisho ku sugan oo ay dhawaan kusoo biireen labada Hogaamiye ee kala ah Wasiiraka Dib u dhiska Dowladda Federaalka Col.Bare Aadan Shire (Bare Hiiraale) iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade.

 

Labada nin ee kusoo biiray xubnaha Muqdisho ku sugan oo ayagu horey ugu fashilay in ay nabadeeyan magaalada Muqdisho iyo goobaha ay ka taliyaan, ayaa ayagu kusoo siyaadiyey xubnaha Muqdisho aragtiyo kala duwan.

 

Maxamed Ibraahim Xaabsade oo asagu ah ninka hada gacanta ku haya magaalada Baydhabo ayaa soo jeediyey in weerar ama duulaan milatari lagu qaado magaalada Jowhar, si markaasi dowlada Federalka isaga guurto magaalada Jowhar.

 

Wararkan oo aanu kasoo xiganeyno xubno xog ogaal u ah shir shalay hogaamiyaasha u gaar ahaa oo ka dhacay Hotel Saxafi ee maagalada Muqdisho.

 

"...Iska fadhigan waxaa dhaama in aan weerar ku qaadno magaalada Jowhar..." ayuu yiri Xildhibaan Xaabsade oo kamid ah xubnaha hada Muqdisho ku shiraya.

 

Aragtida Xaabsade ayaa ah mid lamid ah dagaalkii uu ku qaaday magaalada Baydhabo oo kamid ahayd goobihii ay dowlada horey u damacsaneyd in ay degto. Waxaana la sheegay in qorshahan Xaabsade soo jeediyey in ay la qabaan xubno kamid ah kuwa Muqdisho ku sugan.

 

Wasiiraka Dib u dhiska Barre Hiiraale oo asagu dhawaan ka yimid shir ka dhacay Magaalada Baraawe oo lagu go'aansaday in laga soo wada horjeesto dowlada Jowhar kusugan ayaa asagu soo jeediyey in wadahadal lala galo xubnaha ku sugan Jowhar oo aan lagu deg degin wax dagaal ah.

 

Arrintan ayaa la sheegay inuu asaguna taageeray Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah Wasiirada Muqdisho kusugan isla markaana ah ninka gacanta ku haya magaalada Balcad oo ah goobta ugu dhow oo laga weerari karo magaalada Jowhar.

 

Muuse Suudi Wasiirka Ganacsiga dowlada Federaalka ayaa asagu soo jeediyey in marka hore la sameeyo Wadashaqeyn ka dhaxeysa xubnaha Muqdisho ku sugan iyo kuwa hada kusoo biiran inta aan loo gudbin dagaalka iyo arrimaha kale.

 

Muuse Suudi oo kamid ahaa xubnihii hore ugu fashilay isbaaro ka qaadida magaalada Muqdisho ayaa muujinaya in dagaal hada la qaado aysan faa'iido weyn u keeni doonin garabkooda.

 

Maxamed Qanyare Afrax Wasiirka Arrimaha Amniga iyo Cusmaan Xassan Cali Caato Wasiirka Hawlaha Guud ayaa ayaguna muujinaya fikarado la xariira sidii dar dar loo gelin lahaa dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo khal khal lagu gelinayo hawlaha ka socda magaalada Jowhar oo ay u arkaan kuwo kusoo wajahan magaalada Muqdisho.

 

Hogaamiyaashaasi ayaa shirkii Shalay soo hordhigay aragtiyo la xariira sidii looga hortagi lahaa in Raysalwasaare Cali Maxamed Geedi uu xarumo ka furto magaalada Muqdisho. Arrintaasi oo ay markale isku khilaafeen hogaamiyaasha shirkaasi ku sugnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii aan caadiga aheyn ee xildhibaanada baarlamaanka oo la soo gabagabeeyey iyadoo aan heshiis guud laga gaarin qodobadii laga doodayey.

 

September 20, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Kulankii xubnaha baarlamaanka uga socday maalmahan hotelka Saxafi ayaa xubna ka tirsan Baarlamaanka ay sheegeen inay soo gabagabeeyeen doodii ay maalmahan ka lahaayeen ajandayaashii ka koobnaa Tobonka qodob iyadoo aaney jirin heshiis guud oo laga gaaray qodobadaas dhamaantood.

 

Kulanka maanta oo ahaa kii saddaxaad oo xubnaha baarlamaanka isugu yimaadaan ayaa loo saaray guddi ka kooban Toddoba xubnood sida uu HornAfrik u sheegay Xildhibaan Axmed Diiriye.

 

Xildhibaan Axmed Diiriye waxa uu sheegay in loo saaray guddi isugu soo duba rido kaddibna golaha ku soo celiya waxa uuna sheegay in guddiga la saaray ay qoraalkooda ay keeni doonaan maalinta Sabtida ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this