Sign in to follow this  
Abwaan

Prof. Dalxa “Waa in xildhibaanada baarlamanku u istaagaan xalinta khilaafka soo kala

Recommended Posts

Abwaan   

madaxweynaha%20iyo%20R.wasaraha.JPG

 

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee baarlamanka federaalka Soomaaliya oo maanta ka hadlayey kulankii xubnaha baarlamanku isugu yimid hoolka ADC-da ee magaalada Baydhabo ayaa ka codsaday xildhibaanada baarlamanka iney ka qeyb qaataan xalinta khilaafaadka xooggan ee soo kala dhex galay mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka ee maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii shareeraya.

 

Prof. Dalxa ayaa intaa ku daray, kuna tilmaamay khilaafka soo kala dhex galay mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya mid faraha ka sii baxaya oo aan la sii eegan Karin “Xildhibaanada baarlamanka waa iney iyagoo mideysan oo aan lala kala safan labada dhinac, una istaagaan xalinta khilaafka jira bacdamaa aan u dhaaranay shacabka Soomaaliyeed waana inaan saxnaa qaladaadka jira bacdamaa aynu nahay hay’adii sharci dejinta ugu sareysay ee dalka” ayuu Prof. Dalxa oo noqday mas’uulkii ugu horeeyey ee meel fagaare ah ka sheega khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo iyo ra’isul wasaaraha.

 

 

 

Prof. Dalxa ayaa ka digay haddii khilaafkaasi la sii daawado uu xaalada gaarsiin karo meel qatar ah oo Shacabka Soomaaliyeed u horseedi karta iney ku laabtaan burburkii iyo dowlad la’aantii mudada dheer ay ku soo jireen, waana inaan u istaagnaa intaan xaaladu heerkaas gaarin” ayuu yiri Prof Dalxa, waxaana sidoo kale halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka oo ku dheeradaay sida ay iyagu la tahay in .loo xalin karo khilaafka jira, iyadoo xildhibaanaduna ay arintaasi ku kala aragti duwanaayeen, waxaana xildhibanadu ay u muuqdeen kuwo feker ahaan la kala safan labada dhinac ee madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha ee khilaafku uu hareeyey lamana oga sida baarlamanku ugu guuleysan karo xalinta arimaha la isku hayo.

 

 

 

Xafiiska wararka ee Muqdisho, Somalia

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this