Sign in to follow this  
SOO MAAL

ONLF Oo Ku Eedeysay Isbaheysiga La Dagaalanka Iney Dhoofiyeen Rag Ka Tirsan ONLF

Recommended Posts

SOO MAAL   

ONLF Oo Ku Eedeysay Isbaheysiga La Dagaalanka Iney Dhoofiyeen Rag Ka Tirsan ONLF

 

Wakiilka Jabhada ONLF ee Soomaaliya oo fariisinkiisu yahay magaalada Muqdisho Cumar Muxumad ayaa si kulul ugu jawaabay hadal kasoo yeeray mid ka mid ah mas’uuliyiinta Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada oo sheegayay in Jabhada ONLF ay ka mid tahay dadka ajaaniibta ah ee ay doonayaan in gacanta ku dhigaan isla markaana weeraro iyo dhibaatooyinka loo geysto deegaanada ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ka fuliyaan falal argagixiso ah.

 

Wakiilka ayaa sheegay in aysan aheyn urur argagixiso balse ay halgan ugu jiraan sidii ay ugu xuroobi lahaayeen wax uu ku sheegay gumeysi ayna u gaari lahaayeen midnimo iyo maamul ay xor u yihiin.

 

“Waxaan nahay dad gobonimo doon ah, ajnabina ma nihin, dadkeena Soomaaliyeed waxaan ka dooneynaa iney gacan nagu siiyaan sidii aan u heli laheyn gobonimo, waana dadka aan ku tashaneyno, maanta ma ahan in nalaga dhigo inaan nahay dad ajnabi ah†ayuu yiri Cumar Muxamed oo ku eedeeyay Cabdi Waal oo ka mid ah xubnaha ku jira isbaheysiga la dagaalanka argagixisada in uu dalka ka dhoofiyay rag ka tirsan Jabhada ONLF kuwaaso oo magacyadoodu uu ku sheegay Maxamuud Beerey iyo C/fataax Maxamed oo ka mid ah lagu waayay eedeymaha iyo falalka argagixiso.

 

Cabdi Waal oo ah ninkii hoggaaminayey maliishiyadii dirirka ka bilaabatay ee Maxkamadaha kala horyimid dagaal xoogan, wuxuuna ku eedeeyay iney ku raad joogaan shaqsiyaadka iyo xubnaha Jabhada ONLF iyo kuwo kale ee wada shaqeynta kala dhaxeyso Argagixisada.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

 

C/raxmaan Muxiyaddiin muxiyaddiin@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Originally posted by SOO MAAL:

Isbaheysiga la dagaalanka Argagixisada oo sheegayay in Jabhada ONLF ay ka mid tahay dadka ajaaniibta ah ee ay doonayaan in gacanta ku dhigaan isla markaana weeraro iyo dhibaatooyinka loo geysto deegaanada ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ka fuliyaan falal argagixiso ah.

So let me get this right, I stand up against atrocious crimes against humanity, oppression and cruelty, continuously carried out against my people; I fight for what is rightly mine through all possible means; I only seek justice and refuse to turn a blind eye to my people's desperate plight; all the while my own people with whom I share faith, ethnicity, culture and language are considering me a stranger and are more than willing to hand me over to my worst enemies? To Kufars? Are accusing me of causing terror in my own land? La Xawala Wala Quwata Ilaa Billah.

 

Caqli intaa dhaama horta kamaanan fileyn Somalida qaarkood, saa waa dad diin iyo imaan toona aan laheyn, oo xaqiina baadil la noqdey baadilkuna xaq la noqdey. Lakiin, waxaan is weydiiya waxa baas ey ka helaan jab ka taliska iyo xaasidnimada intaa la eg. Why must we be our own worst enemies? What can some Somalis possibly stand to gain from doing such evil? What could be the cause of such deeply rooted hatred for one another? Ya Allah...

 

And even worse, who would've thought we had our own little 'war on terror' going on in little Somalia, Isbaheysiga la dagaalanka argagaxisada they say, cajaaib. Of course, the horrific terror warlords impose on innocent Somalis everyday, the lives lost, homes and infrastractures destroyed on a continuous basis merits no la dagaalan...but the so called dangerous terror caused by Islamic fundamentalists does eh?...akhas caleyk, guul beydun waligiin muteysan walee, uf. Kuwani Somalinimada ayeeyba dadka nacsiinayaan :rolleyes:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this