General Duke Posted July 18, 2007 Muqdisho: Ra’iiisul Wasaare Geeddi oo booqday goobta shirka dib u heshiisiinta Beelaha. 18. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo shalay dib ugu soo laabtay dalka ayaa maanta booqday xarunta shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee xeradii Ex-Gaadiidka Booliska ee Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo kormeeray qeybaha io dhismooyinka laga hirgeliyay goobtaasi xili uu ka maqnaa furitaankii shirka iyo mudo ka horeysay qaban qaabadiisa. Prof. Geeddi ayaa halkaasi warbixin kaga qaatay Guddoomiyaha Guddiga shirka dib u heshiisiinta Md. Cali Mahdi Maxamed oo ugu warbixiyay in ay dhamaatay howlihii dayactirka ayna diyaar yihiin dhamaan agabyada ay u baahan yihiin ergooyinka ka soo qeybgalay shirka dib u heshiisiinta. Cali Maxamed Geeddi ayaa gabagabadii booqashadaas ugu mahad celiyay dadaalka ay sameeyeen guddiga qaban qaabada mudadii ay bilaabeen diyaarinta goobta shirka oo uu sheegay iney socotay mudo har iyo habeen ah sida uu ku arkay isbadalka weyn ee ka muuqda goobtaasi. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 18, 2007 Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Muqdisho kusoo laabtay sidiirana logu soo dhaweeyey.Daawo Sawirada Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro heer qaran ah oo uu dalka ugaga maqnaa. Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro heer qaran ah oo uu dalka ugaga maqnaa. Ra'iisul Wasaaraha ayaa safaro ku soo maray Dalalka Mareykanka, Ghana iyo Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa Magaalada New York kaga qeyb galay Kulanka Madaxda Dowladaha Qaramada Midoobey, taasoo uu ka jeediyay Qudbad aad u xasaasi ah oo ku aadaneyd Xaalada Dalka. Ra'iisul Wasaare Mudane Prof. Geeddi ayaa Qaramada Midoobey ka codsaday in ay Qaramada Midoobey soo de dejiyaan Ciidamada Nabada Ilaalinta ah ee bedelaya kuwo AMISOM. Isla dalkaasi Maraykanka ayaa waxa kulamo gooni gooni ah iyo mid guud kula qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka iyagoo soo bandhigay siday dowladda Federaalka ay u garab istaagan yihiin isla markaana ay u heli lahaayeen xiriir wanaagsan oo ay la soo sameeyaan sidii ay ku heli lahaayeen cida ay la kaashanayaan. Sidoo kale Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu Magaalada Accra ee Dalka Ghana kagala soo qeyb galay Madax badan shirkii Madaxda Afrikaanka ee AU. Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa kulamadiisa kusoo gunaanaday dalkaSacuudiga oo uu halkaasi kula kulmay boqorka dalkaasi u adeegaha labada xaram ee shariifaynka Boqor Cabdalla bin Cabdal casiis, Wasiirka Arrimaha gudaha Naa'if Bin Cabdulcasiis, Wasiirka Arrimaha dibada Boqor Suldaan Bin Cabdulcasiis dhamaantood kulamadooda ayuu kusoo gabagaboobay si guul ah iyadoo dalka Sacuudiga ay ugu deeqday deeq lacageed oo lagu wareejiyey dowladda Soomaaliyeed. . Ra'iisul Wasaare Mudane Prof. Geeddi ayaa saaka ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport, iyadoo halkaasina ay ku soo dhoweeyeen xubno ay ka mid yihiin Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Tacliinta Sare Mudane Saalim Caliyow Ibrow iyo Xubnaha Labada Gole gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa iyo golayasha dowlada sida Saraakiisha Ciidamada. Ra'iisul Wasaaraha ayaa markii uu ka soo degay Garoonka waxa uu kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal :Mudane C/llaahi Yuusuf oo uu uga warbixiyay safaradii uu dibada ku soo maray, iyadoo labada mas'uulna ay kagala warqaateen Xaaladaha uu dalku marayo. Intaas kadib Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa si wada jir ah kormeer ugu sameeyay dhismayaal cusub oo laga higiliyay Xarunta Madaxtooyada, kaasoo ay ku shaqeyn doonto Madaxtooyada Federaalka Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu shir jaraa'id uu kaga warbixinayo safaradii uu dalka ku soo kala bixiyay dalalkii uu booqday. Xafiiska Warqabadka ee Shabakada carmooyin.com Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 18, 2007 Ra’isulwasaare Geedi oo ka digay fashil ku yimaada shirka dib u heshiisiinta. Mogadishu 18, July 07 ( Sh.M.Network)- Ra’sal wasaaraha dowladda Somalia Cali Max’ed Geeddi ayaa ka digay fashil ku yimaadda shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed isagoo arrintaasi sabab kaga dhigay waxa uu ugu yeeray iska indhatirka ay dowladda Mareykanka iyo ururka midowga yurub iska indha tireen taakuleyna shirka . Raysal wazaaruhu waxa uu sheegay in ururka midowga Yurub iyo Mareykanku aanay oofin ballamihii ay ku qaadeen in ay kaalin ka qaataan maalgalinta shirka beelaha Soomaaliyeed. Mr:Geedi waxa uu ku sheegay hadal qoraal ah oo ay Sharqul awsat heshay nuqul kamid ah in inta badan ergadii loogu yeeray ka qeyb galka shirka aanay awood u yeelan in ay yimaadaan xarunta uu shirku ku qabsoomayo oo ku taalla magalada Muqdisho sababo la xiriira qarash la’aan awgeed. Raysal wazaaruhu waxa uu xusay in 900 oo ergay oo kaliya ay yimaadeen xarunta shirka halka la filayay in ay soo xaadiraan 1300 oo ergay Cali Max’ed Geedi waxa uu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in ururka midowga Yurub iyo dowladda Mareykanka ay ballan qaadeen in ay maalgalinayaan shirka hase yeeshee aanay waxba ka hir galin ballanqaadkaasi ilaa iyo haatan. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites