Sign in to follow this  
General Duke

Muqdisho:demonstration in support of the government

Recommended Posts

Muqdisho: Banaanbaxa Lagu Taageerayo Qorshaha Dowlada Federaalka Oo Ka Dhacay Muqdisho

- Wednesday, March 23, 2005 at 23:03

 

Muqdisho (AllPuntland)- Isu soo bax balaaran oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan ayaa Maanta ka dhacay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo dadkii isu soo baxaasi isugu yimmina ay taageerayeen qorshaha xukuumada Federaalka ay ku sii shaqeyneyso Magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo.

 

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Shibis ayaa ka mid ahaa degmooyinkii uu maanta ka dhacay banaanbaxaasi iyagoo dadkuna sheegayeen in ay tahay arrin loo baahanyahay in maadaama ay Dowladu dalka ku soo laabaneyso in ay ku shaqeyso goobaha Nabdoon ee dalka Soomaaliya.

 

Qaar ka tirsan wax garadka magaalada Muqdisho oo ka hadlay isu soo baxyadaasi ayaa inta badan ka hadlay in aanan loo baahneyn in ay dadka Muqdisho iska indho tiraan nasiib darada ka dhalan karta goobaha aysan nabadu ka jirrin sida Muqdisho haddii ay timaad dowladu, sida ku dhacday xukuumadiihii iyada ka horeysay.

 

Sidoo kale banaanbaxyo kuwan la mid ah ayaa iyana ka dhacay Magaalada Xudur ee xarrunta Gobolka Bakool iyadoo dadkii isu soo baxay ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan go’aanka xukuumadu ku dageyso Magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar.

 

Abshir Cali

 

AllPuntland

 

 

 

 

Powered

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^^^^

Just to refresh your memory old boy.. some news does slip out from the media in Xamar which is mostly controlled by the warlord and their lackeys.. This was on the 19 of March.

 

BANNAANBAX LAGU TAAGEERAYO MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF IYO RA’IISAL WASAARE GEEDI OO KA DHACAY MUQDISHO

Somaliweyn.com (Mogadishu 19/03/05)

 

Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna bannaanbaxayaasha oo sitay boorar ay ku qornaayeen halku-dhigyo ay ka mid yihiin: “Dowlad-diide doonimeyno, Doolar qaate doonimeyno, waxaan taageersanahay Ciidamo Afrikaan ah oo aan la kala sooceyn in dalka la keenoâ€.

 

Dadka bannaanbaxayay ayaa socod dheer ku soo maray qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, wuxuuna bannaanbaxani ahaa kii ugu horeeyay ee lagu taageerayo Dowladda Federaaliga ah oo ay soo bandhigaan bulshada magaalada Muqdisho, waxaana dadkii bannaanbaxayay la socday ciidamo hubeysan, kuwaas oo loogu talagalay inay kahor tagaan kooxaha diidan in la muujiyo fikirka lagu taageersan yahay Dowladda Federaaliga ah.

 

 

Idaacadaha Muqdisho ayaan soo hadal qaadin bannaanbaxan, iyadoo ay muuqato in qaar ka mid ah Idaacadahaasi ay si toos ah uga shaqeynayaan sidii loo kala dhantaali lahaa qorshaha Dowladda ee ku aadan dib u dhiska iyo samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^^Loooool...!

You also forgot to mention sxb that there was a demo in Calcuta by the Hindu party suporting Yeey and Gheedi call for frontline troops for Somalia disarmament. I could give you a whole more list if it would put you at ease, cause it seems the fact has petrified you... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Rahima   

^loooooool :D

 

Sister, don't worry about these two, they have what we would call a love-hate relationship.

 

They are both opposite sides of the triblistic coin of Somalia ;) .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this