Sign in to follow this  
Akash

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha oo sheegay inay Niman hubaysani ugu hanjabeen Madax

Recommended Posts

Akash   

cirro-150x150.jpg

 

Cabdillaahi Ismail (Cirro) waxa uu sheegay inuu la xidhiidhay Xukuumadda oo uu ka war sugayo.

 

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali “ Cirro” oo ka soo jeeda beesha ugu xoogga badan Hargeysa, wakhtigii Rayaalena ka mid ahaa dadka loo daba fadhiyo talada dalka, ayaa sheegay in niman hubaysani shalay Duhurkii caddaa ugu Hanjabeen Madaxtooyadda Somaliland horteeda isagoo wakhtigaa ka tallaabayay waddada halkaa marta.

 

Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay waraysi aannu kala yeelanay dhacdadaasi xalay, waxaanu isagoo faahfaahin kabixinaya yidhi:

 

“Anigoo hor maraya Madaxtooyadda ayuu ninka la yidhaahdo Cawar Xareed oo wata gaadhi niman Hubaysanina xaga danbe ugu jiraan i ag istaagay, markaasuu igu yidhi waan kaa aargoosanayaa, waxaad nooga hiilisay reer Nuur, dabadeed gaadhigii ayuu ka soo degay, nin meesha taagnaa ayaa qabtay oo yidhi maxaad weydiinaysaa gaadhiga ku noqo, sidii buu ku dhaqaaqay.”

 

Mar aanu weydiinay inuu gacanta wax hub ah ku sitay markuu u soo degay iyo inkale waxa uu yidhi “ haddaanu hoosta ku sidan gacantiisa waxba kuma arkayn, laakiin laba nin oo xagga dambe fadhiyay ayaan arkayay oo qoryo sita, isagana inay gaadhiga wax ugu jireen uun baan filayaa ama uu hoostaba ku sitay”

 

Intaa kaddib waxa aannu weydiinay waxa tallaabo ah ee uu qaaday markay ka tageen waxaanu yidhi “ waxaan la hadlay taliyaha ciidanka Booliiska iyo Xeer ilaaliyaha ciidanka, ilaa haddana wax tallaabo ah oo laga qaaday maan maqal”,waxaanu intaa raaciyay “ meesha ay igu qabsadeen waxay ahayd Madaxtooyada horteeda, anigu nimankaa waxaan ku ogaa Danbiilayaal oo waa kuwii lagu eedaynayay inay dariiqa Kalabaydh iyo Dilla dhexdooda dadka ku laayay,markaa ma garan karo in la cafiyay iyo inkale, waayo mabay ahayn nimankaasi inay sidaa badheedhka ah u dhex socdaan Dalka, waliba Madaxtooyada horteeda”

 

Mar aanu weydiinay waxa uu yeelayo arrintan kadib ayaa waxa uu sheegay inuu ka war sugayo Masuuliyiinta Xukuumadda ee uu wargaliyay oo uu sheegay inaanu ka hordhacayn, isagoo intaa ku daray haddii aan waxba laga qaban in arrintu noqonayso mid shaki leh in lala ogaa iyo inkale

 

Talaabadan ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee Masuul ka tirsanaa Xukuumaddii hore lagula kaco, iyadoo xilkii uu u hayay Qaranka awgeed loogu hanjabo in lagaga aargoosanayo, haddii aan waxba laga qabana ay keeni doonto cawaaqib xumo saamaysa Amaanka Masuuliyiintii hore iyo guud ahaanba shacabka

 

Warkan waxa aan ka soo xigannay shabakadda Waaheen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this