General Duke Posted January 18, 2009 Garoowe: Golaha Wasiirada ee la magacaabay caawa oo lagu wargeliyay in beri si deg deg ah ku soo galaan Garoowe 17. Januar 2009 Garoowe(AllPuntland)- Golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Puntland ee lagu dhawaaqay caawa ayaa lagu wargeliyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo galaan xarunta caasimada Puntland ee Garoowe maalinta beri ah oo taariikhda ay tahay 18--01-09. War ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada ayaa looga codsaday Wasiiradda caawa la magacaabay ee aan ku sugneyn caasimada Puntland in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo galaan Garoowe si howshooda ay u guda galaan. Sidoo kale waxaa la filayaa in Wasiiraddan isla beri lagu dhaariyo xarunta Madaxtooyada ee Garoowe. Howl baaxad leh ayaa hortaal Xubnaha Xukuumadda cusub, taasoo laga sugayo in ay wax badan ka qabtaan howlaha horyaal iyo isbadalka ay shacabka ka war dhowrayaan maamulkan cusub. AllPuntland, Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites