Sign in to follow this  
Liibaan

BBC Wareysi: Garaad Abshir Saalax ”Waligeen Puntland Ayaan Ahayn

Recommended Posts

Liibaan   

Somalidiid failed in Widhwidh,

 

The outcome of Widhwidh meeting between Garaad Abshir

and Somalidiid is "I WILL Always BE PUNTLANDER" :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin on the contrary somalilands approach and policy towards the eastern sool and eastern sanaag regions is the most successful policy so far,, the eastern sool and eastern sanaag communities

were heavily represented in the pirate state enclave.Yet they feel more attracted to somaliland ask your self why? Ask your self what are we doing right and the pirates are doing wrong. What does the average eastern soolian and eastern sanaagian need. They need peace and stability and progress in their regions. Somaliland began all kind of projects even in disparity villages we are there the somaliland admin alleviated most of the problems in the region.This approach is obviously working that's why it's bothering our brother xiin :D with our peace negotiations with heavyweight garaads and him accepting peace.Siilaanyos peace committee is doing an amazing job. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by NGONGE:

quote:Originally posted by Peace Action:

Where are NG, Ayuub, Suldaanka? Did you listen to the Garaad? You are being played, no wonder you opt for secession because you can't play poltics in Somalia.

This
IS
politics, badow yaho. Wax fahan.
:D
Typical Somali macangaag. Did you listen to the Garaad? He is against secession contrary to what some here in SOL were boasting. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ Belo majidho, hadday jidhona; ma buurna! :D

 

 

You need to look at whole picture to know why we feel things are going in the right direction. Most of Garaad Abshir's boys have pulled out of the SSC malitia. Despite the false "ghost-town" propaganda by SOL's clannish wailers; children are going to school in Widhwidh. Positive stuff, don't you think?

 

 

Markaanu taas isla qaadanay, habeen iyo maalin baanu la joognay, waxaananu galay faallo dambe, nimankaa waanu is afgaranay, hadalkuna wuu noo furan yahay oo in aanu sii wadahadalo waanu ku heshiinay.” - Axmed Cabdi Xaabsade January 2010

 

 

Garaad Abshir wuxuu ka mid ahaa raggii Somaliland madaxbanaanideedii shirweynahii Burco ugu dhaartay iyo kii Booramaba, kana mid noqday xildhibaanada baaralmaanka Somaliland, ... madax-dhaqameedyadana waa ka xaaraan inay colaad abaabulaan, sidaa darteed, waxaan soo jeedin lahaa inaan cadhadoodaa iyo ficilkoodaa waxba loogu qaban oo gudi ergo qaran ah loo diro.” - Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf August 2010

 

 

(We are in November yaa sahbi) smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Most somalidiid clannish liars in SOL are ignorant and macangag, they should accept the reality, Somalidiid is unwelcome in SSC region, 99.99% of SSC people including Widhwidh support United Somalia, and they don’t want Somalidiid militia in their region

 

The Widhwidh meeting between Somalidiid Malitia and Garaad Abshir ended in being a total fiasco, nothing seems to be working out for Warlard Siilaanyo and his Somalidiid clan militia in SSC regions. as the outcome of Widhwidh meeting is the affirmation of Garaad Abshir "I WILL Always BE PUNTLANDER"

 

Currently Somalidiid clannish liars telling their typical lies, they said Garaad Abshir will support Somali-diidland, but the Garaad didn’t like their lies and he is angry now , Garaad Abshir spoken himself and declared in Widhwidh "I WILL Always BE PUNTLANDER"

 

 

The vast majority of SSC Army in Widhwidh are from Wighwidh area, and led by Senior SSC Official Keyse Cabdi Yusuf – a proud son Widhwidh, most of the SSC Military operations was carried out by SSC army based in Widhwidh.

 

 

Thanks to Keyse Cabdi Yusuf and his Widhwidh boys, SSC Army carried out numerous successful Military operation in Widhwidh,Las Anod, Gumeys, Yagoori, etc

 

Thousands of SSC Army were from Widhwidh before Mustafa Galaal joined SSC Army, and today still thousands of SSC Army are from Widhwidh, Mustafa Galaal and few militia men (around 25) will not make difference.

“ Garaad Abshir wuxuu ka mid ahaa raggii Somaliland madaxbanaanideedii shirweynahii Burco ugu dhaartay iyo kii Booramaba, kana mid noqday xildhibaanada baaralmaanka Somaliland" Cabdi Xuseen Yuusuf

Cabdi Xuseen is big liar, he is telling false information like how most Somalidiid clannish liars are telling lies presently about Garaad Abshir’s participation in Widhwidh Meeting.

 

No surprise that Cabdi Xuseen Yuusuf is lying about the Garaad, because Somalidiid they lie about every meeting, the last one is Widhwidh Meeting between Garaad Abshir and Somalidiid militia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

widh12.jpg

Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010]

 

widh5.jpg

Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010]

 

 

widh14.jpg

Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010]

 

widh4.jpg

Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010]

 

 

widh10.jpg

Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010]

 

 

widh7.jpg

Widhwidh, SSC - Somalia [April 2010]

 

 

buho6.JPG

Buuhoodle, SSC - Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

Somalidiid Websites Admit that Widhwidh Meeting between Garaad Abshir & Somalidiid Militia was failure

 

FASHILKA KU GADAAMAN WADA HADALADII WIDHWIDH ( Odweyne News)

 

 

Ibrahim Duale Suleiman, somaliland44@hotmail.com

 

Maamulka Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu hore ugu dhawaaqay inuu wada hadalo la geli doono kooxaha Somaliland-diidka ah ee la magac baxay SSC, kooxahaas oo ku ballan qaaday in ay Somaliland cudud ciidan wax kaga qaban doonaan ama kuburburin doonaan.

 

Haddaba, maamulkan cusub ee Somaliland ayaa markii xilka uu la wareegayba waxa uu u diray aagga Widhwidh Salaadiin ka soo jeeda bariga Burco kuwaas oo loo diray hawl qaranku lahaa balse aan ahayn hawl qoys ama qabiil leeyahay midna.

 

Sida caadiga ah ama qaalibka ah waxa madax iyo hogaan dhaqameedka loo dirtaa wixii khuseeya reeraha ama beelaha. Haseyeeshee, tan uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyay waa xaajo ugub ah oo ah in Salaadiini ka taliso masiirka ummada iyo ta ciidanka qarankan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Weliba waxa wax weyn ah oo laga xishoodo in Salaadiintaasi uu hawlaha qaranka sida qarsoodiga ah ugu igmaday ay yihiin Salaadiin la heyb ah, taas oo aan hore uga dhicin dalka Somaliland. Arrintaas iyada ihi waxa ay Somaliland-diidka u noqotay guul taas oo ay u arkeen in qadiyaddii meesha taalay ee khilaafku ka jirayba ay ka dhigeen mid u dhexaysa la laba beelood.

 

Fashilka iyo guul darrada la soo deristay maamulka Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha kooxdan SSC la baxday, waxa ka marag kacaya hadalada Garaad Abshir ee uu ku cadeeyay in shacabka Widhwidh yihiin reer Puntland, Somalilandna ka dhexeyso darisnimo wanaag. Hadaba, su’aasha u baahan in la isweydiiyaa waxa ay tahay goorma ayaa lagala gorgortami jiray xaduudaha iyo qadiyadda madaxbanaanidda Somaliland Kooxo Xag Jir ah? Annigu garanmaayo in ay hore arrintaasi u dhacday, balse waxa jawaabteeda laga sugi doonaa Xukuumadda talda dalaka heysa hadda.

 

Waxa kale oo jirtay in madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiyeba ay in badan ku celcelin jireen in UDUB iyo Daahir Rayaale aanay daacad ka ahayn in Jamhuuriyadda Somaliland hesho Ictiraaf caalami ah. Haddaba, waxa isweydiin lihi waxa ay tahay Madaxweyne Siilaanyo ma sidan ayuu ictiraaf ku

 

Keenayaa? Maamulkan maanta jira waxa ku gadaaman madmadow badan xagga siyaasaddiisa arrimaha debedda. Waxa kale oo shaki badani ku jiraa aragtidiisa ku aadan sugidda xuduudaha somaliland iyo weliba gaadhsiinta maamulka ee dalka oo dhan iyada oo aan cidna loo daba fadhiisan hawshaas iyada ah.

 

Su’aasha kale ee mudan in la isweydiiyo qaabka loo dhigay wada hadalka kooxda SSC ma yahay mid laga gaadhi karo guulo muuqda ama mid midho dhala? Beelaha somaliland degaa waxa ay shirkii beelaha ee Burco1991 si buuxda u taageereen oo isku raaceen in ay Somaliland noqoto dal gooni ah oo leh xuduudihii uu gumeysigu kaga tagay 1960. Ma garan waxa wada hadalkan cusubi ee iminka daaran yahay iyo waxa ay ka wado xukuumadda cusubi in ay Somaliland ku celiso halkii ay maraysay 1991-kii!!!

 

Ibrahim Duale Suleiman

 

somaliland44@hotmail.com

 

London

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Heshiiskii fashilmay ee salaadiinta bariga burco iyo SSC (oodweynenews.com)

 

Hargeysa (OWN)- Madaxweynihii hore riyaale waxaa lagala wareegay dal nabad iyo haykal dawladeed oo dhisan.markii talada dalka uu la wareegay madaxweyne silaanyo waxaa soo baxay habacsanaan weyn muddo yar dabadeed waxaa si lama filaan u soo shaac baxdey shirar hoose oo madaxtooyada iyo salaadiinta beesha bariga burco qaar ka mid ahi yeesheen maxsuulkeediina ku soo arooray heshiis lala galo xoogaga somlilandiidka ah ee SCC (kooxda xagla toosiye). heshiishka SSC iyo salaadiinta nuxurkiisu wuxuu ahaa in dib loo soo raro ciidamada Somaliland ee deggan jiidda hore ee widhwidh .taasi waxay la yaab iyo yaxyax ku noqotey shacbiweynaha reer Somaliland gudo iyo debedba.waxaana tushuush geli gaadhey jiritaanka qarankeenan yar ee curdinka ah.dib u soo rarida ciidanka widhwidh iyo heshiiskaniba wuxuu meel ka dhac ku yahay karaamada iyo milgaha dawladnimadeena haddii si kale loo dhigana waxaaba la odhan karaa waa khiyaamo qaran.

 

muwaadin Miyey tahay ama banan tahay in salaadiini ka taliso ama maamusho siyaasada , mustaqbalka iyo difaaca dalka intaba. Salaadiintu Inay jabhaddo iyo falaago iyo weliba xukumaddo kale heshiisyo la saxeexdaan qaanuunka soomaaliland ma ogol yahay iyadoo dawladi jirto?, waxaa la yidhi wixii la arki jiray waxooda laga akhristaa waxaan la arkii jirina min subxaanala alleyle waa arrin ugub ah oo aan ina soo marin 20kii sanadood ee aan madaxbanaanideena la soo noqonay laakiin 1ookii maalmood ee xukumada silaanyo talada haysay dhacday.salaadiin ciidanka difaaca kaga jira jiidaha hore go,aaminaysa in la soo oo raro dawlad la,aan dheh!. waana mid ka mid ah gefafka xukumadu silaanyo ka gashay dalka iyo dadkaba muddadii 100 maalmood ee ay xilka haysay. Xukumadan madaxweyne silaanyo ayaana sabab u ahayd inay salaadiintu maroorsadeen taladii iyo awoodii qaranka somaalidu waxay tidhaahdaa geelow geed walba cunoo maalintaad ciin daaqdaa lagu yaaba waxaa salaadiinta loo yaabaa markay odaydan guurtida ee shaqadooduba tahay nabad iyo heshiisin siyaasad ku dhisan xilkooda xawishaan.

 

Xilligii ololaha doorashada silaanyo wuxuu ballanqaadey inuu xushmaynayo xeerarka iyo distoorka ummadu dhigatey,dalkana taladiisu aanay noqonayn mid ka go,da hal qof ama koox, balse uu noqdo mid hayadihiisa sharcigu (fulinta ,sharci dejinta ,garsoorka) hagayaan. 100-kii maalmood ee xukumada silaanyo haysey talada dalka waxaa isku milmay salaadiinta iyo fulintu !.alleyle waxaan maqli jiray foodsaar baa daba saar loo rogaye tanba tiiyoo kale ah. mudane madaxweyne ballanqaadyadaas distoorigee kugu baaqdey weli waa lagaga fadhiyaa!

 

Gunaanadkii salaadiinta waxaan kula dardaarmayaa somalidu waxay tidhaahdaa hawl lagaa xigo iyo hadal lagaa xigo midna lama hororsado ee heshiiyada siyaasiga ah fulintaa leh! (golaha xukumadda),nabadgelyadana guurtidaa leh! Idinkuna tan hoose ee reerahaad leedihiin (maggaha) siyaasaddana cid kale ayaanu u dooranay, madaxweynowna reer keliya madax ha u noqon oo salaadiintaada hoos hawla faqin codka reeraha oo dhan baad kursiga ku fadhidaaye.reeraha dhex u noqo ilaahow cadaalada waafaji!

 

Guddigii nabadgelyada ee aan xukumaddii hore kalsoonida kaga qaadnay oo in la ansixiyo qarka u saaran

 

Xilligii xukumaddii Udub Xisbiyada mucaaridka Ucid iyo xisbiga kulmiyeba waxay muddo dheer sida fiinta uga qaylin jireen gudiga nabadgelyada iyo weliba inay yihiin qayru distoori amaba xaaran, jiritaankooduna qaanuunka dalka aanu waafaqsanayn . sidaas darteed madaxweyne silaanyo waxa uu ballanqaadey marka uu ku guulaysto talada dalka inuu tirtiri doono gudigan aan meelna ka soo gelin qaanuunka dalka,ee dadka iska xidhxidha ,ee iska xukuma .

 

waxaan maqli jiray magaalo kheerkaa u cay adna ha deyn waxaan muhmal ku jirin in xukumadda silaanyo sharciyad u raadinayso guddi nabadgelyo oo gudoomiye u yahay silaanyo,xoghayana ka yahay jiifkiisu lana filaayo waajibaadkoodu inuu noqdo kay fulin jirreen gudigii nabadgelyada ee uu madaxda ka ahaan jiray madaxweynihii hore daahir riyaale. Baabi,inta gudigani waa mid ka mid ah ballanqaadyadii silaanyo ololaha doorashada ku galay oo uu ku soo baxay,dadweyne badanina codka ku siiyeen. Haddaba haddii gudigani kii uun yahay arrintani waxay muujinaysaa fashil ku yimi xukumada silaanyo ,waana qayru distoori . ballanqaadyadii ololaha haddaan la fulina waxa iska noqonaysaa qiiro iyo jibo aan wax macno ah samaynayn.waxay kaloo arrintani ka horimaysaa hadafkii iyo himilooyinkii aan higsanaynyay ee ahaa in isbedel wax ku ool ahi dalka ka dhaco,ogow xukumadana waa ku waajib inay fuliso barnaamijyadii loogu codeeyay.tana faashil kale dheh!!.

 

La soco

 

Eng maxamed jaamac axmed (maskax)

 

Gudoomiye-ku-xigeenka warfaafintga ee KULMIYE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Shirkii Widhwidh oo Fashil ku Dhamaaday ( TV Somalilandeurope.net)

 

 

Guddigii Turxaanbixinta Sool oo soo guryo noqotay iyadoo muran xoogani ka taaganyahay natiijadii Shirkii Widhwidh

 

 

“Waxaa looga hadlay [shirka Widhwidh sidii Ciidamada halkan jooga ee Somaliland looga qaadi lahaa” Garaad Abshir Saalax

 

Hargeysa (TVSLE) Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Turxaanbixinbta beesha Sool ayaa shalay ku soo guryo noqday magaalo madaxda Hargeysa, kadib markii ay soo dhammaysteen booqasho natiijadeedu muran iyo ismaandhaaf badan dhalisay. Wefdigan oo muddo dhawr maalmood ah booqasho ugu maqnaa degaanka Widhwidh ayaa waxay ka koobnaayeen xubno ka kala socda 8 xubnood oo ka tirsan xukuumadda xubin ka socota Golaha Wakiilada iyo xubin ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxayna kala ahaayeen: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Gabboose, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cadami, Wasiirka Wasaaradda Boosaha & Isgaadhsiinta Mudane Cabdirisaaq Ibraaim Cataash, La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Aw Daahir, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gobollada Bariga Somaliland Mudane Fu’aad Aadan Cadde, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Soofe iyo Mudane Maxamed Kaahin oo ka socda Xisbiga Kulmiye.

 

Guddiga waxaa ujeedada safarkooda lagu tilmaamay inay ahayd gogol wadahadal oo lagula heshiinayo ardaa ka tirsan Beesha Sool oo degaankaa Widhwidh sadhig u yahay. Ardaagan oo uu horjooge u yahay Garaad Abshir Saalax Gadhweyne ayay guddigu hore u shaacisay in ay la gashay heshiis dhawr qodob ka kooban oo lagu turxaansaary xidhiidhka Ardaaga Widhwidh iyo Xukuumadda, islamarkaana la isla gartay “fidinta iyo daadejinta maamulka Somaliland ee degaankaas”. Haseyeeshee, waxaa filanwaa iyo af-kala-qaad ku noqday xukuumadda iyo shacabka Somalilandba markii maalinimadii Khamiista Garaadkii ay Guddigu sheegatay inay heshiiska la gashay kaga dhawaaqay Idaacadda BBC laanteeda Af-Soomaaliga in “Beeshiisu tahay Puntland”. Siduu isla waraysigaasi ku sheegay Garaad Abshir Saalax qaabka shirkii Widhwidh wuxuu ahaa mid mabda’ ahaan ah madaxdhaqameed ka socda degaan Puntland ah iyo wefdi Somaliland ah oo wadahadal nabadeed dhexmaray. Waxaase dhabarjabka ku dhacay dhaqdhaqaaqii guddigan sii weyneeeyey iyadoo isla maalintii shirka Widhwidh soo dhammaday loo magacaabay Taliye-Ku-Xigeenka Ciidanka Booliska Puntland Sarkaalka magaciisu yahay Cabdillaahi Saalax Gadhweyne oo loo yaqaano ‘Nadalo’, ahna Garaad Abshir walaalkii sidoo kalena ahaa dalyaqaankii wefdiga ka kexeeyey Hargeysa.

 

Warar aanu ka helney ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay waxay tibaaxeen in sarkaalkan loo magacaabay Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Puntland uu ahaa xubinta ugu muhiimsan ardaagaas ee wefdiga ku wehelisey socdkii ay ugu ambabaxeen Widhwidh isagoo sidaas ku helay xog badan oo qarsoodi u ahayd guddiga iyo xukuumadda.

 

Dadka odorosa siyaasaddu waxay tilmaamayaan in guuldarrada ay la kowsatey guddigani ay khatar gelin karto geeddi socodka turxaanbixintii Beesha Sool ee uu Madaxweyne Siilaanyo Ballanqaaday. Waxay taas sabab uga dhigayaan dhawr qodob oo ka muuqda hawlgalkan koowaad ee guddiga oo kala ah:

1. Guddigu waxay sheegteen heshiis inay la galeen nin madaxdhaqameed ah oo ku indho cad in beeshia iyo degaanka Widhwidhba ka tirsanyihiin ‘Puntland’. Tan, waxaa loo arkaa inay xadgudub iyo aflagaadoba ku tahay Qabyaalada Somalidiid land (Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland) ayna tahay Dembi laga galay ‘dhammaanshaha dhul’ ee xuduudda dalkeena.

 

2. Guddigu waxay Garaadkaas la saxeexdeen heshiis u eg mid ay wada galeen laba wefdi oo ka kala socda laba dawladood oo kala dal ah. Taasi waxay sii ayidaysaa doodad iyo sheegashada Garaad Abshir. Tusaale ahaan, xogta tilmaamaysa ‘warka milateri ee sirta ah’ ee Garaad Abshir sheegtay inuu yahay qodob lagu heshiiyey oo ah in ‘Ciidanka Qaranka Somaliland dib looga soo qaado aagga Widhwidh’ waxay taasi caddaynaysaa tixgelin la’aan guddigu u muujisey halyeeyadii Ciidanka Qaranka ee u shahiiday hanashada xuduudaha dalka, waxayna horseedi karaysaa in ardaayada kale ee Beesha Sool iyo Bariga Sanaagba codsadaan in sidoo kale loo yeelo.

 

3. Hadallada Garaad Abshir ku caddaystay shirka ka dib inaanu aaminsanayn Somaliland iyo magacaabista ninkii gadhwadeenka u ahaa safarkii guddigu waxay muujinayaan khibrad yaraanta iyo hubsiino la’aanta Guddiga.

 

4. Ka maqnaanshaha Golaha Guurtida ee saaxadda turxaanbixintu waxay iftiiminaysaa dheelliga iyo miisaan la’aanta lagu dhisay unugyada guddigan taasoo sabab u noqon karta xeelad xumida sahayatay heshiiskeedii koowaad. Waxaynuna ognahay in hawlaha nabadayntu yihiin xil iyo waajibaad dastuuri ah oo ay gaar u leeyihiin Goalah Guurtidu. Lama garan ilaa hadda sababta loola garab maray?!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   
Khadarow: Inamada daa inta guryohoodii lagaga celinayo, xoog iyo xeelad tay doonto ha ahaatee, gar bay u leeyihiin inay isu jiibiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

FASHILKA KU GADAAMAN WADA HADALADII WIDHWIDH

 

Source: Hadhwanaag (Somalidiid website)

 

Saturday, November 06, 2010

 

Maamulka Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu hore ugu dhawaaqay inuu wada hadalo la geli doono kooxaha Somaliland-diidka ah ee la magac baxay SSC, kooxahaas oo ku ballan qaaday in ay Somaliland cudud ciidan wax kaga qaban doonaan ama kuburburin doonaan.

 

 

 

Haddaba, maamulkan cusub ee Somaliland ayaa markii xilka uu la wareegayba waxa uu u diray aagga Widhwidh Salaadiin ka soo jeeda bariga Burco kuwaas oo loo diray hawl qaranku lahaa balse aan ahayn hawl qoys ama qabiil leeyahay midna.

 

 

 

Sida caadiga ah ama qaalibka ah waxa madax iyo hogaan dhaqameedka loo dirtaa wixii khuseeya reeraha ama beelaha. Haseyeeshee, tan uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyay waa xaajo ugub ah oo ah in Salaadiini ka taliso masiirka ummada iyo ta ciidanka qarankan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Weliba waxa wax weyn ah oo laga xishoodo in Salaadiintaasi uu hawlaha qaranka sida qarsoodiga ah ugu igmaday ay yihiin Salaadiin la heyb ah, taas oo aan hore uga dhicin dalka Somaliland. Arrintaas iyada ihi waxa ay Somaliland-diidka u noqotay guul taas oo ay u arkeen in qadiyaddii meesha taalay ee khilaafku ka jirayba ay ka dhigeen mid u dhexaysa la laba beelood.

 

 

 

 

 

Fashilka iyo guul darrada la soo deristay maamulka Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha kooxdan SSC la baxday, waxa ka marag kacaya hadalada Garaad Abshir ee uu ku cadeeyay in shacabka Widhwidh yihiin reer Puntland, Somalilandna ka dhexeyso darisnimo wanaag. Hadaba, su’aasha u baahan in la isweydiiyaa waxa ay tahay goorma ayaa lagala gorgortami jiray xaduudaha iyo qadiyadda madaxbanaanidda Somaliland Kooxo Xag Jir ah? Annigu garanmaayo in ay hore arrintaasi u dhacday, balse waxa jawaabteeda laga sugi doonaa Xukuumadda talda dalaka heysa hadda.

 

 

 

Waxa kale oo jirtay in madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiyeba ay in badan ku celcelin jireen in UDUB iyo Daahir Rayaale aanay daacad ka ahayn in Jamhuuriyadda Somaliland hesho Ictiraaf caalami ah. Haddaba, waxa isweydiin lihi waxa ay tahay Madaxweyne Siilaanyo ma sidan ayuu ictiraaf ku

 

Keenayaa? Maamulkan maanta jira waxa ku gadaaman madmadow badan xagga siyaasaddiisa arrimaha debedda. Waxa kale oo shaki badani ku jiraa aragtidiisa ku aadan sugidda xuduudaha somaliland iyo weliba gaadhsiinta maamulka ee dalka oo dhan iyada oo aan cidna loo daba fadhiisan hawshaas iyada ah.

 

 

 

Su’aasha kale ee mudan in la isweydiiyo qaabka loo dhigay wada hadalka kooxda SSC ma yahay mid laga gaadhi karo guulo muuqda ama mid midho dhala? Beelaha somaliland degaa waxa ay shirkii beelaha ee Burco1991 si buuxda u taageereen oo isku raaceen in ay Somaliland noqoto dal gooni ah oo leh xuduudihii uu gumeysigu kaga tagay 1960. Ma garan waxa wada hadalkan cusubi ee iminka daaran yahay iyo waxa ay ka wado xukuumadda cusubi in ay Somaliland ku celiso halkii ay maraysay 1991-kii!!!

 

 

Ibrahim Duale Suleiman

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

dgfdfgggg.jpg

 

Garaad Abshir Saalax oo Si Diiran Lagu Soo Dhaweeyey Garowe

 

 

Garowe(Riinji.com)Garaad Abshir Saalax ayaa Magaalada Garowe ku soo laabtay ka dib markii uu muddo ku maqnaa deegaanka Gobolka Cayn ee Xaalada militeri aafeeyeen..

 

Soo dhawaynta Garaadka ayaa waxaa ka qayb ahaa Isimada fadhigoodu yahay Garowe iyo xubno ka mid ah Maamulka Faroole. Garaad Abshir ayaa cadeeyey mowqifkii uu ka sheegay Idaacada BBC ee uu yidhi anigu Puntland baan ahay balse Somaliland nabad baan kala shaqaynayaa. Wararku waxay intaasi ku darayaan in uu burburay heshiiskii ay gaadheen Maamulka Somaliland iyo Garaad Abshir Saalax oo ay biyadiideen xubnihii sare ee Maamulka Somaliland.

 

 

YASIN MAXAMED AXMED GAROWE SOOMAALIYA.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Liibaan shirku nuxurkisa maad fahmin ba waxa ka so baxay .. ma ahayn inu garad abshir noqdo somaliland , wax naga galay ma jirto hadu anglose sheegto . Waxa naga galay inanu heshis kala seexanay in hadu eebo ku roonyahay magdhow laga siiyo dadki lugu laaye widhwidh in hadu ilaahu idmo mamuul laga dhiso meesha u shaqeya dadka in gudi loo xil saaro nabadaynta meesha , iyo ciidanku qarranku ilaaliyo iyo dadka reer wiwdhwidh la shaqeyo intaso qodob ba wala isku afgartay shirku guul bu kudhamaday

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

Liibaan shirku nuxurkisa maad fahmin ba waxa ka so baxay .. ma ahayn inu garad abshir noqdo somaliland

:D:D Desperate secessionist admits something...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this